Home Qoraallo Gorfeynta; GODOB iyo GALLAD W/Q: INA CUBTAN

Gorfeynta; GODOB iyo GALLAD W/Q: INA CUBTAN

1
SHARE

Gorfeynta; GODOB iyo GALLAD

GODOB IYO GALLAD

Qoridda waxaa sal u ah halbeegga (cinwaanka), dulucda iyo nuxurka ujeedka oo hadba sida cinwaanku soo jiidasho iyo daadegid maan ama dareen u yeesho uu badi qoraalka intiisa kale noqdo, haddii aan qormadiisu kala qaarnaan eray, arar ama aragti ku iman.

Isku dhilanka halbeegga iyo ujeedka qoris waxaa si cad looga dhugan ama dheehan karaa dhiganaha aan gorfeyntiisa wadno oo uu qoray: Dr. Xuseen M. Cabdulle ‘Xuseen Wadaad’, oo ka mid ahaa dhallintii qorista farta Soomaalida ka dib, wax ku qori jiray wargeyskii ‘XIDDIGTA OKTOOBAR’, qoristuna u eheed, welina u tahay hibo iyo hiwaayad.

Dhiganihiisan: GODOB iyo GALLAD, waa buug sheeko faneed ah oo ku dulwareegaysa dhaqan bulsheedkeenna, siiba nolol hadda gurtay ama gabaabsi ah oo is maqal, kala dambayn, daacadnimo iyo dadnimo ku dhisneed, Soomaalidana dhextaallay. Halbeegga dhiganuhu waa labada eray ee GODOB iyo GALLAD; gef dhacay, godob la galay iyo guhaad xumaaneed, midka kalana waa gerger, deeqsiin iyo mahad.

Culayska labada ujeed eray ka sokow, haddana, buuggu waa buug lagu qoray; aqoon afeed, ogaal bulsho, aqool dhaqan iyo abla’ablayn hidde ee dadkeenna caado iyo camal u eheed. Aqoon bulsho wuxuu ka billowdaa afkeeda, ogaalkeeduna wuxuu ku dhan yahay dhaqankeeda, marka qore inta uu labadaa u jiro ayuu qaabinsan yahay, siiba qoraallada sida toosan ama dadban ugu milan ama ugu xiriira halbeegyadaa.

Labada eray ee uu ka kooban yahay halbeegga dhiganuhu, kan dambe aad bay maanta u adag tahay ka dhexheliddiisa bulsho, halka kan hore uuba yahay dhaqanka guud ee bulshada, ood is leedahay; belo hesho, ma lagala wadareebay, mise, dhaxal ayey u heleen iyo deeq? Ayaandarro weyn oo abuurtay aayoxumo.

Ku soo aadka soo saarista buugga xilligan, waxay qoraha u tahay aragtifurnaan uu dad badan uga horreeyo iyo indheergaradnimo, maxaa yeelay, wuxuu ku baraaruugay, welibana in uu gartay ka sokow, u guntaday, in uu dadkiisa iyo dirkiisa uga digo xumaha iyo silloonaanta ku jirta gurracnaanta garsoorxumo, ka darane godobaha la gaysanayo iyo gaboodfalka la galayo, halka bulshadana u tahay digniin aqoonyahan iyo darsi waaya’arag werinayo, illeyn waxa tusmada iyo tusaalaha u noqonaya badi maanta heer bulsheedka waaba ka suuleene.

Waa tusmada iyo tusaaleyntee, dhiganahan: GODOB iyo GALLAD, garsoorid eed la gaystay iyo eel la falay wixii ku gedaaman ayuu si mug leh u faaqidayaa oo dhaqmid aadane aysan ka fursanayn. Markaa waxaa kuu cad, in qoraagu: Dr Xuseen Wadaad, uu maarayn jaad walba oo ay yeelan karto uu kala faaqidayo, maxaa yeelay, godob waxay ku dhacdaa gaabis qofeed oo garashoxumo ama gadood sabab u yahay, halka midda ugu xun tahay awood maamul u adeegsigeed hab silloon iyo ku takrifalkeed. Dabcan, ka ma marna, in qoraagu qooraansanayo hababka suubban ee garsoor, maamul ama awood loo maareeyo oo ah: duruus isbarbaryaal oo uu Dr Xuseen Wadaad hadba dhinac kaa halacsiinayo.

Labada tusaale, waxaan dhextaal uga dhigi karaa oo dhiganaha GODOB iyo GALLAD uu Dr Xuseen Wadaad si mug leh u muujinayaa dhaqammada deeqsinnimada, dulqaadka, kartida, dadnimada iyo samasamaynta oo ayaandarro aan mar kale dhihi karo, waa dhaqammo facacusub ku ah ilmaqabato. Gabaabsi.

Dhiganahan GODOB iyo GALLAD ee uu qoray Dr Xuseen Wadaad wuxuu i xasuusiyey buuggii uu qoray qoraagii reer Talyaani Umberto Eco 1962-2016, ee halbeeggiisu ahaa; ‘IL NOME DELLA ROSA’ 1980 (MAGACII UBAXA) oo hab sheekaynta, qaabinta dambiyada, garsoor-raadinta iyo isku xiridda dhacdooyinka ay isku haloosin ku hagaagayaan. Sidoo kale, waxaa maskaxdayda ku soo dhacay qoraagii kale ee sheeko musulsalaadka reer Talyaani Andrea Camilleri 1925-2019, ee lahaa musalsalka ugu caansan talyaaniga lana yiraa; ‘Il Commissario Montalbano’.

Intaa dhammaan qoraa: Dr Xuseen Wadaad wuxuu dhiganaha GODOB iyo GALLAD ku warinayaa casharro nololeed oo uu ku tebinayo waayo’aragnimo iyo aqoon dhaqameed, maxaa yeelay, hummaaginta sheekeyneed ka sokow, wuxuuba aqoon iyo ogaal qotodheer u leeyahay NAQDINTA sheeko faneedka, curisyada suugaan, heesaha iyo waxyaabo badan oo fanka la xiriira oo uu qoraallo badan ka sameeyey, intii uu wax ku qori jiray wargeyska XIDDIGTA OKTOOBAR, ayna ka mid tahay naqdin uu 1982 Dr Xuseen Wadaad halbeeg uga dhigay; “Riwaayaddii WED IYO WACAD sidaad moodday ma ahayd?” Oo uu ku sameeyey riwaayaddii ‘WED IYO WACAD’ uu allifay abwaan Cismaan Aadan Xuseen oo ku caansanaa; Cismaan Askari.

Midda u dambaysa ka hor ee aan ka yarayn inta aan soo xusay, waa sida aad ugu ashqaraarsayso, hannaanka sare iyo habka sugan ee uu Dr Xuseen Wadaad dhiganaha GODOB iyo GALLAD ugu farayaraystay dhigiddiisa; dhigaal, dheehasho, dhugasho iwm, ayna u dheer tahay, sida uu u kala dhigdhigay ujeeddooyinka dhacdooyin, dhumucda weeraha uu adeegsaday, dhahmooyinka afeed ee uu ku adkeeyey aragtiyaha qoraal iyo dabcan aqoonta dheer ee uu u leeyahay adeegsiga erayga.

Haddaba, ugu dambayn, waxaan dhihi karaa, dhiganaha Dr Xuseen Wadaad ee GODOB iyo GALLAD, waa dhigane uu qof walba aqrisan karo heer walba oo uu aqoonta, nolosha ama kasmada afka iyo dhaqankaba ka joogo, maxaa yeelay, heer walba oo aad tahay waa buug aad ka helidoonto, sida uu ugu qoran yahay af furan iyo erayo faafreeban, marka anoo huba, in aad aqoonno, ogaallo iyo aqoollo kala duwan ka barandoonto oo noloshaada af, dhaqan, hiddeed, garsoor iwm aad ku hagidoonto ii oggolow, in aan ku iraa; aqrinsan.

Ogeysiis:

Ha moogaan habeenka: “Dhige iyo dhigane” ee isla dhiganahaan GODOB IYO GALLAD si toos ah loo gorfeyn doono, isla jeerkaasna uu dhigaha dhiganuhu si faahfaahsan kaaga haqabtiridoono. Ha moogaan, hana ka maqnaan. Maalinta, goorta iyo goobta oo ah: Aaladaha la iska arko yey ku seegeen. Halkudhegga hoose ka deymooso; goorsheegtada iyo xilliga loo madlan-yahay GODOB IYO GALLAD. MAHADSANID

W/D: Ina CUBTAN

  • NAGALA SOO XIRIIR:
  • laashin77@gmail.com


SHARE

1 COMMENT

Comments are closed.