Home Qoraallo SAGAAL ARAGTI OO GARAADKA LAGA QABO: CALI M. DIINI

SAGAAL ARAGTI OO GARAADKA LAGA QABO: CALI M. DIINI

0
SHARE

SAGAAL ARAGTI OO GARAADKA LAGA QABO

  • Garaadku waa aan isbeddalin oo qofku ku dhasho oo ku tolan noloshada Culumo hore oo cilmu-nafsiga ku takhasusay ayna ka mid ahaayeen Spearman (1927) iyo Terman (1916) ayaa rumaysnaa in qof walbaa leh yahay heer garasho “intelligence quotient” (IQ) oo haddii qofku hal meel (sida xisaabta) ku wacan yahay uu meelaha kalana ku wacnaan karo si walba oo noloshu isu beddasho. Iyo in ruuxa garaadka dheer ku dhashaa uu waligiis ahaanayo mid garaad sarreeya, kan garaadka gaaban ku dhashaana uu abidkiis garaad hoosaynayo.
  • Waxaa jiraa dhawr garaad (multiple intelligence)

Culimo kale oo uu ka mid ahaa Louis Thurstone ayaa qabay garaadku ka kooban yahay qaybo badan oo kala madaxbannaan balse xiriir wadasamayn kara. Waxaa kale oo asaguna aragtidaan qabay Howard Gardner oo asagu qabay in toddoba (7) nooc garaadku u qaybsamo qofkuna yeelan karo hal iyo ka badan, kuwaas oo kale ah:

  1. Linguistic intelligence = garaadka afafka, qoraalka hadalka, dhagaysiga iyo suugaanta.
    1. Logical intelligence, mathematical = garaadka xisaabaad xeerarka iyo sayniska.
    1. Spatial intelligence = garaadka awoodda duulinta, waddidda baabuurta, doomaha iyo qaabaynta.
    1. Musical intelligence = heeso samaynta, garaacinta iyo laxamaynta.
    1. Bodily -kinaetsthetic = ciyaaraha, qoob ka ciyaarka iyo wixii la mid ah.
    1. Interpersonal intelligence = la talinta, waxbarista iyo fahmidda dadka kale.
    1. Intrapersonal intelligence = garaadka qofku naftiisa ku garto, ku xisaabiyo oo kula sheekaysto.
  • Garaadka waa la horumarin karaa

Culimo kale ayaa ayaguna qaba in garaadka qofka la kobcin karo ayaga oo tusaale u soo qaatay barashada wax uusan qofku horay u aqoon oo kale ama wax barashadoodu dhib ku ahayd qofka markii hore balse isku dayo iyo dadaal badan kaddib la arkayo in qofkii uu khabiir ku noqday wixii horay ugi adkaa.

  • Garaadku waxa uu ku xiran yahay fursadaha nolosha

Sidaanna rag kale ayaa qaba oo waxay ku doodayaan in fursadaha noloshu ay kala horraysiiyaan garaadka dadka, oo qofka fursad u hela la joogga iyo ku dhex noolaashaha dad garaad badan ama qofka ku soo koray guri buugaag badani taallo waa uu ka garasho badan yahay qofka aan fursaddaas helin.

  • Garaadku waxa uu ku xiran yahay baahidda la qabo

Qofku wax uusan u baahnayn ama jeclayn garashadooda ma raadiyo. Tusaale ahaan qofka miyiga ku nooli baahi u ma qabo garasho noocyada qalabka dhismaha, kaxaynta baabuurta iyo wax kale oo reer magaalku adeegsado. Balse waxa uu ku dadaalaa oo garaadkeeda yeeshaa baahida miyiga wax ku taxalluqa, sida rarista awrta, oodidda xeryaha xoolaha, samaynta xarkaha, ceel shubista iyo wax kale oo miyi looga baahan yahay.

  • Garaadku waa ku dabakhista wax aad horay u taqaanay baahida cusub

Tusaale haddii aad taqaanid sida canjeelo loo dubo waxa aad leedahay garaad aad muufo ku dudi kartid waa haddii aad garaadka adeegsatid. Haddii aan warbixin qori kartid waad awooddaa in aad buug qortid.

  • Garaadki ilaa intee le’eg ayaad taqaan

Tusaale ahaan haddii aad rabtid in aad wax qortid ilaa heer intee le’eg ayaad ka taqaan afka aad wax ku qoraysid?

  • Garaadka la ma cabbiri karo

Ma jiro qof garaadkiisa oo dhan miisaan la saari karo oo waxaa xaqiiqo ah in ruuxu haddii meel ku liito oo miisaan kaga saari karo ay jiraan dhinacyo kale oo uu garasho ku leh yahay.

  • Garaadku waa la qabsiga iyo joogtaynta waxbarashada

Qofiba inta oo qof uga dadaal badan yahay xallinta mushaakilaadka iyo ka fakarida iyo taxliilinta iyo waqti ku bixinteeda waa ka garaad badan yahay.

SHARE