Home Qoraallo Xarunta suugaanta iyo dhaqanka Shuuriye oo qabatey madal lagu gorfaynayey dhiganaha: Godob...

Xarunta suugaanta iyo dhaqanka Shuuriye oo qabatey madal lagu gorfaynayey dhiganaha: Godob iyo Gallad

0
SHARE

Xarunta suugaanta iyo dhaqanka Shuuriye oo qabatey madal lagu gorfaynayey dhiganaha: Godob iyo Gallad

Madal aad u xiiso badan oo lagu faaqidayey buugga caanka ah ee Godob iyo Gallad, ayna soo qaban-qaabisey Xarunta dhaqanka iyo suugaanta ee Shuuriye ayaa xalay oo ku beegneyd 29/8/2020, waxaa lagu qabtay barta fogaan aragga ah ee loo yaqaanno: (Zoomka).

Madashaas oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu martiqaaday xeel-dheerayaal si weyn loogu yaqaanno dhinacyada qoraalka, dhaqanka iyo hal-abuurka, waxaana aqoonyahannadaasi ka mid ahaa, Dr: Xuseen Maxamed Cabdulle (Xuseen Wadaad) oo ah qoraha buuggiisa Godob iyo Gallad la gorfaynayay, Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ah: guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka Af-soomaaliga (AGA) ahna qoraaga sheekadii Maana-faay, borofaysar: Cali Jimcaale Axmed oo ah qoraha buugga: Gaso, Ganuun iyo Gasiin, qoraa Marwo: Raxmo Isaaq Aadan, iyada oo madashaasi uu xiriirinayay aqoonyahan: Ibraahim Cismaan Afrax (Ibraahim Nolosha) oo ah xog-haaya guud ee madbacadda iyo mareegta laashin.

Xog-haaye: Ibraahim Cismaan Afrax (Ibraahim Nolosha)

Madasha: DHIGE IYO DHIGANE ee xarunta dhaqanka abwaan Faarax M. Shuuriye, waxaa si sharaf iyo milgo leh u daadihinayey, xog-haaya guud ee urur weynaha LAASHIN aqoonyahan: Ibraahim Cismaan Afrax (Ibraahim Nolosha) oo run ahaantii si milgo iyo maamuus leh u daadihiyey hadaljeedinta kala duwan ee marti sharafka lagu casuumay qaadaa-dhigidda buugga: Godob iyo Gallad. Madashaas oo ahyed mid xiiso gaar ahaaneed laheyd, maadaama ay madashu kulmisay jidbixiyeennadii afka, dhaqanka, suugaanta iyo hidda soomaaliyeed.

Xuseen M. Cabdulle “Xuseen wadaad”

Billowgii hore ee madashaas, waxaa lagu daah-furay qoraha buugga: Godob iyo Gallad barbaariye: Xuseen Maxamed Cabdulle (Xuseen Wadaad), waxaana uu si qoto-dheer uga sheekeeyay qeybaha uu ka kooban yahay iyo nuxurka uu xambaarsan yahay buuggiisa, isaga oo iftiimiyay in buuggani uu yahay mid kulminaayo nolosha qeybaheeda kala duwan sida tan miyiga, magaalada, maamulka iyo qaabka ay maxkamaduhu ula tacaalaan mushkiladaha ka yimaada bulshada dhexdeeda.

Qoraha buugga oo hadalkiisa sii wata ayaa ka qeyb-galayaasha madashaasi la wadaagay cutubyada ugu xiisaha badan ee buugga Godob iyo Gallad, waxaana uu si cilmiyayasan u soo bandhigay sababihii ku dhaliyay qoraalka sheekadaas, isaga oo dhinaca kalena u mahad-celiyay aqoonayahannadii kala qeyb-qaadanayay gorfaynta buuggiisa.

Hadal-jeedintii qoraha buugga ka dib, waxaa madashaasi lagu soo dhaweeyay; Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka Af-soomaaliga Dr: Maxammed Daahir Afrax oo ugu horreyntii u mahad-celiyay xarunta soo agaasintay madashaasi, waxaana uu sheegay inuu ku faraxsan ahay ka qeyb-galka barnaamijkaas dhaxalgalka ah, isaga oo soo jeediyay in la joogteeyo barnaamijyada noocaan oo kale ah. Dr: Maxamed Daahir Afrax, wuxuu aad ugu dheeraaday ka sheekeynta eray-bixinta afka hooyo, asiga oo si aad ah u bogaadiyey madasha dhaqanka ee abwaan Faarax Shuuriye iyo magac-bixinta halkudhegga gorfeynta buugga Godob iyo Gallad, kaas oo ahaa: “DHIGE IYO DHIGANE”. Dr: Maxamed Daahir Afrax oo ah ruug caddaa cabqari ah ayaa si cilmiyaysan uga hadlay dhinacyo badan, gaar ahaan dhinacyada afka, dhaqanka, qoraalka, suugaanta iyo erey-bixinta, isaga oo dhanka kale soo bandhiggay caqabadaha ku hor gudban qoraalka! “Godob iyo Gallad waa dhambaal side xambaarsan dha-dhan macaan oo aan laga xiisa dhaceyn” ayuu yiri Dr. Afrax oo caddeeyay inay lagama maarmaan tahay inay sheekadu iyadu is-maamusho.

Borofaysar: Cali Jimcaale Axmed

Intaasi ka dib, waxaa hadalkii qaatay; borofaysar: Cali jimcaale Axmed oo ah qoraaga dhiganaha la magac baxay: Gaso, Ganuun iyo Gasiin, bare Cali Jimcaale, waxa uu ugu horreyntii u mahadceliyey Dr. Maxamed Daahir Afrax oo uu sheegay in uu gundhig u yahay dhigaalka sheeka fanneedda Soomaalida, waxaana uu hoosta ka xarriiqay afar buug oo qiimo badan leh in laga dheehan karo Muqdishadii hore, isaga oo buugaagtaas ku kala sheegay:- Naked Needle oo uu soo saarey Nuuradiin Faarax, Maana-Faay oo uu qorey Dr. Afrax, Dayax Madoobaad oo uu lahaa: (AUN) Aweys Xuseen Xasan {Shiino} iyo Godob iyo Gallad oo ahaa buugga kulmiyey cabqariyiintii gorfayntaas ka qeyb-qaadanayay.

Marwo: Raxmo Isaaq Aadan

Aqoonyahannadaas ka dib, waxaa madashaasi lagu soo dhoweeyey: Marwo Raxmo Isaaq Aadan oo ka mid aheyd dadkii soo akhriyay buugga Godob iyo Gallad, isla markaana horey uga samaysay gorfeyn la xiriita buuggaasi, iyada oo xustay in; buuggani uu ku wacnaan lahaa suxufiyiinta Soomaaliyeed, si ay ugu bartaan nidaamka ay marto caddaaladda iyo hababka kala duwan ee loo raadiyo. Marwo Raxmo waxay si qotodheer u tilmaantay cilmiga gaamuray ee baalasha dhiganaha dhex-ceegaaga, iyada oo daawadayaasha iyo guud ahaan bahda aqriska jecel farta ugu fiiqday kanshada ama fussadda laga helayo buugga Godob iyo Gallad.

Intaas ka dib, waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay daawadayaasha, ku waas laftoodu ay ahaayeen labeentii bulshada soomaaliyeed, maxaa yeelay, waxaanba dhihi karnaa madashaas kama aysan maqneyn daaddihiyayaashii afka soomaaliyeed. Daawadayaasha, waxaa ka mid ahaa: qoraa, Bashiir M. Xersi oo ah: aasaasaha xarunta dhaqanka abwaan Faarax Shuuriye oo martida loo ahaa. Waxaa joogay, barbaariye; Bashiir Cali Xuseen, abwaan Cabdiraxiin H. Galayr, borofaysar Cabdirixmaan Abtidoon, madaxa cilmibaarista ururka LAASHIN aqoonyahan; Xasan Cumar Axmed “Xasan Mudane” aqoonyahanno kale oo tirobeel ah iyo daawadayaal kale oo dhiganaha Godob iyo Gallad qoraaga su`aalo badan ka weydiinayay. Madashaasi oo aad loo jecleystay ayaa waxa ay ku soo gaba-gabowday si xiiso leh, iyada oo loo dhag raaricinayay cilmigii ka soo burqanayay culumadii madashaasi ka qeyb-qaadanaysay, kuwaasi oo aqoon badan ku shubay dhegeystayaashii nasiibka u yeeshay inay daawadaan barnaamijkaasi xiisaha lahaa ee lagu gorfeynayey dhiganaha: Godob iyo Gallad ee uu maankiisa nooga shiilay barbaariye: Xuseen M. Cabdulle “Xuseen Wadaad”.

  • NAGA LA SOO XARIIR:
  • laashin77@gmail.com
  • Faysbuug: laashin77
  • Tel: 0046761692980
  • 0046700345789
  • 0041787862215
SHARE