Home Qoraallo Xuska lix guurada LAASHIN Q1-AAD

Xuska lix guurada LAASHIN Q1-AAD

0
SHARE

Xuska lix guurada LAASHIN Q1AAD 

Kulankii koowaad:

Waxaa qabsoomay kulan gu’eed loogu dabbaaldegay lixguurada mareegta iyo aslisadda dhiganayaasha (Warsidaha iyo madbacadda) LAASHIN oo dhacay; 01-02/09-2020. Kulanka bahda LASHIN waxaa horkacayeen guddiga LAASHIN oo uu hoggaaminayo guddoomiye:  

  1. Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle “Xuseen Wadaad” 
  2. Xoghaayaha guud: Ibraahim Cismaan Afrax ‘Ibraahin Nolosha’ 
  3. Madaxadhaqaalaaha LAASHIN: Drs. Farax Sheekh Cabdirisaaq ‘Zedra Sheekh’, 
  4. Madaxa Cilmi baadhista LAASHIN: Xasan Cumar Axmed “Xasan Mudane” iyo dhammaan xubnaha kale ee Laashin oo kala jooga daafaha carra’edeg/dunida. 

Kulankan ayaa lagu qabtay aaladda fogaan aragga ah ee (Zoomka iyo faysbuug LIVE). Waxaana ka soo qaybgalay, aqoonyahanno, waxgarad, hal-abuurro iyo dhallinyaro kala joogta meelo kala duwan. 

Furitaanka iyo soo dhaweyntii guddoomiyaha: 

Waxaa shirka xiriiriye iyo farsamayaqaanba ka ahaa: Xasan Mudane, waxaana furay shirka guddoomiye Dr. Xuseen Wadaad oo isagu ku soo dhaweeyey martida guud ahaanteed iyo gaar ahaan kuwa hawsha qaybta ku lahaa oo kulan gu’eedkaas lagu martiqaaday inay muxaadarooyin qiimo leh ka soo jeediyaan. Soo dhaweyntii guddoomiyaha, ka dib, waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay qoraa, hal-abuur sare: Cabdiraxiin Hilowle Galayr oo ka mid ah aasaasayaashii LAASHIN, isla markaana qeyb libaax oo lama illaawaan ah ka soo qaatay dhaqaajinta iyo hadaf gaarsiinta LAASHIN. Qoraa Cabdiraxiin, wuxuu si qotodheer u qaadaadhigay, sooyaalka, waxqabadka, hiigsiga iyo guud ahaan waxaa uu ururka LAASHIN ku saabsan yahay ama uu u taagan yahay. 

Higgaadda iyo xeerarka hab dhigaalka: 

Waxaa intaas ka dib, furmay hadaljeedinta, waxaana qaatay; Borofaysar: Cabdaalla Cumar Mansuur oo ka hadlayey arrimo ku saabsan dhigaalka iyo dhuuxa qoraalka, higgaada iyo habka qurxoon ee qoraalka loo haaneediyo. Buuni Cabdalla waxa uu si weyn u qaadaadhigay, haddiiba af la qorayo in la ilaaliyo xeerarkiisa dhigaal (naxwe) lana hubiyo higgaaddiisa, iyada oo laga dhawrayo deelqaaf iyo qallooc ku yimaada, si qoraalku uu u noqdo mid dhammaystiran oo ay ka reebban tahay dhimaal iyo dhabaqisba. Waxaa uu la wadaagay bulshadii daawaneysay, muuqaallo muujinaya arrimahaas, sidoo kale, buuni Cabdalla ayaa si qotodheer uga warramay aafada ay leedahay haddii aysan bulsho dhawran dhigaalkooda, dhaqankooda iyo sooyaalkooda oo dhammaantood afka soo hoos gelaya. 

Ugu dambayn waxaa uu kula dardaarmay bulshadu inay noqdaan kuwo u hagar baxa afkooda iyo dhigaalkiisa, sidoo kalena, waxaa uu bogaadin iyo hambalyo diirran u diray bahda LAASHIN meel iyo waa ay joogaanba, wuxuuna ku boorriyey inay sii laba jibbaaraan gowaha adag ee ay dhabarka u riteen bahda LAASHIN, taas oo ah: Ku dhaqanka diinta, dhimmaal ka dhowridda dhaqanka, kaabidda afka iyo naxwihiisa dhawaq ama dhigaaleed, hormarinta hiddaha, weeleynta sooyaalka, sifeynta sabayaalka (joogtada) iyo odorosidda siiyaalka. 

Sooyaalkii qoraalka farta soomaaliga: 

Waxaa mar kale Xasan mudane ku soo dhaweeyay codbaahiyaha Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon oo si weyn u lafa guray sooyaalka qoraaalka farta soomaaliga, halkii ay ka soo billaabatay iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay, inta jeeree laysku dayey in wax la qoro iyo turunturrooyinkii ka horyimid. Dr Abtidoon, waxaa uu xusay inay jireen rag badan oo isku dayey inay afka qoraan oo kuwana ay samaysteen shibbanayaal iyo shaqallo u gaar ah, qaarna ay ka soo dheegteen afka carabiga iyo kuwa laatiinka cuskaday.

Ragga uu magac dhabay ayaa waxaa ka mid ahaa; Cismaan Yuusuf Keenadiid oo qoray Farta Cusmaaniyadda, Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur oo isaguna hal-abuuray far loogu magacdaray: Gadabiirsi. Waxaa kale oo isaguna far u gaar ah qoray: Dr Xuseen Sh Axmed Kadare, fartaas oo loogu magac daray: Kadariya. Intaas dabadeed, waagii gobonnimada la qaatay, waxaa halkii laga sii ambaqaaday sidii loo heli lahaa Far soomaali qoran oo ay bulshada soomaaliyeed ku wada xidhiidho, maxaa yeelay, waxaa jiray arrimo dhanka is afgaradka ah oo taagnaa, waayo bulshada soomaaliyeed oo uu saancaddaalihii kala qaybiyey, qolo weliba waxa ay baratay oo ay ku hadasho ama wax ku qorto, waxa uu ahaa; gumeystihii la joogay afkiisa iyo fartiisa. Ugu dambayn waxaa arrinkaas oo heerar badan soo maray hirgeliyey dowladdii kacaanka oo oo awood ku meel marisay, kuna bixisay dedaal badan ololihii horumarinta reer miyiga iyo barashada hab qoraalka Afka soomaaliga. 

Sooyaalka fanka soomaaliyeed: 

Labadaas buuni ka dib, waxaa codbaahiyaha lagu wareejiyey, barbaariye: Bashiir Cali Xuseen oo ah, hoobal iyo qoraa bulshada dhexdeeda mug iyo miisaan weyn ku leh, isagoo ka hadlay sooyaalkii faneed ee bulshada soomaaliyeed iyo heerarkii uu soo maray. Waxa uu ka soo billaabay markii ugu horreysay ee lagu luuqeeyo hees iyo ciddii ku luuqeysay, heestaasi maaha kuwa ciyaaraha iyo dhaqanka, waayo kuwaasi waa abka dhaxal ee waa heesihii; balwada, hirwada, qaraamka iyo subciska. Bashiir ayaa aad ugu nuuxnuuxsaday hal-abuurka iyo hoobolku heerka ay ka joogaan bulshada iyo hawsha ay u hayaan, waxaa uu si weyn u lafaguray una faalleeyey dhan kastana ka istaagay saamaynta bulshada iyo fanka.  

Waxaa sidoo kale isaguna ka hadlay: Suldaan Garyare oo ah aqoonyahan iyo af aqool soomaaliyeed oo buugaag badanna qoray, ugu horreyna wuxuu hambalyeeyey LAASHIN kuna guubaabiyey in halganka iyo hawsha ay u hayaan bulshada soomaaliyeed ay halkaas ka sii laban-laabaan. 

Gebagebo: 

Waxaa loo gudbay in wax layska waydiiyo oo laga warceliyo, hadaljeedintii halkaas ka dhacday, isla markaana waxaa kansho (fursad) loo siiyey ka soo qeybgalayaashi inay su’aalo waydiiyaan aqoonyahannadii madasha lagu marti qaaday, taas oo iyana xiiso gaar ahaaneed laheyd. Waxaa waydiimo aan kala dhicin la su’aalay culumadii afka iyo sooyaalka ee kulanka daadihineysay, iyaga oo si aan gambasho laheyn oo miisaaman uga wada jawaabay dhamaan arrimihii la waydiiyey. Kulan gu’eedkaas LAASHIN qeybtiisii koobaad, waxay ku soo idlaatay si milgo iyo maamuus leh, isla markaana qof kasta oo qeyb ka ahaa wuxuu cod-dheer LAASHIN ku yiri: “Ha ka daalininna howsha aad heysaan ee iskaa wax u qabso ah. Bahda Laashin oo isku duubanina waxay ballan qaadeen inay weeleynta afka iyo sooyaalka soomaaliyeed ay dhabarka u ridan doonaan, ayna rejaynayaan inay meel sare gaarsiin doonaan.  

Mareegta Laashin: Laashin77@gmail.com 

La socda qoraalka kulanka labaad. 

SHARE