Home Qoraallo Xuska lix guurada LAASHIN Q2-AAD

Xuska lix guurada LAASHIN Q2-AAD

0
SHARE

Xuska lix guurada LAASHIN Q2-AAD

Kulankii labaad:

Habeenkii labaad ee ku aaddanaa 2-da bishaan aynu ku jirno ee sagaalaad ayaa waxaa  mar labaad la isugu yimid, xuska lixguurada ee LAASHIN, isla markaana waxaa lagu martiqaaday dad milge iyo maamuus ku leh bulshada soomaaliyeed dhexdeeda, lana dhihi karo waa dadkii u ahaa xigaalka afka, dhaqanka, hiddaha iyo suugaantaba, waxaana habeenkaas labaad marti ku ahaa oo loo diyaariyey inay muxaadarooyin afka iyo suugaanta ku saabsan ka soo jeediyaan saddex aqoonyahan iyo  af-aqool oo mug weyn ku leh bulshada soomaaliyeed. Ku waas oo kala ahaa:

  1. Buuni: Cali JimcaaleAxmed.
  2. Buuni: Maxamed Daahir Afrax.
  3. Buuni: Siciid Saalax Axmed.

Mar walba habdhaqanka LAASHIN wuxuu dhigayaa furitaanka iyo soo dhaweynta waxaa iska leh guddoomiyaha, isla markaana guddoomiyaha guud ee LAASHIN Xuseen M. Cabdulle “Xuseen Wadaad” oo waajibkiisa gudanaya ayaa si milgo iyo maamuus leh u soo dhaweeyay guud ahaan martida madasha soo xaadirtay, si gaar ahna wuxuu usoo dhaweeyay culimada ku qornaa muxaadarooyinka.

Guddoomiyuhu markii uu gutay waajibaadkiisa habdhaqan wuxuu socodsiinta howlaha ku wareejiyey, mudane, Cali M. Diini oo ahaa habeenkaas xariiriyaha kulan gu’eedkaas qiimaha badan ee LAASHIN.

Sidee loo hirgelin karaa qoraal fareed toolmoon?

Muxaadaradaas waxaa ku qornaa soo jeedinteeda buuni: Maxamed Daahir Afrax oo ka hadlayey hirgelinta iyo horumarinta qoraalka toolmoon. Buuni Afrax oo ah: guddoomiyaha Akadeemiye-gobaleedka afka soomaaliga ee loo soo gaabiyo (AGA) ayaa si weyn u qaadaa dhigay dedaalka loogu jiro, sidii loo horumarin lahaa iyo sidii loo ambaqaadi lahaa in la helo qoraal tayeysan oo toolmoon, waxaa uu aad u bogaadiyey bahda LAASHIN dedaalladii ay ku qabteen amminta lixda gu’ ah ee ay jireen iyo wax soosaarkooda muuqda oo ay la soo banbaxeen. Sidoo kale, wuxuu ka faallooday heerarkii lala soo maray iyo in la helo dad u taagan ilaalinta iyo dhawrista qoraalka afka soomaaliga, ka dib, burburkii dalka ka dhacay. Buuni Afrax sooyaal dheer oo uu ka sheekeeyey, ka dib, waxaa uu ku boorriyey bulshadu inay xil weyn iska saaraan sidii qof weliba uu u ilaalin lahaa dhankiisa, qoraalka afka soomaaliga iyo inay dhammaan xarumaha maamullada dalku ay awoodda saaraan inay si tayeysan afka u qoraan ayna iska daayaan waxyaalaha wax u dhimaya hab tebinta toolmoon ee afka, si looga dheeraado dhimmaal ku yimaada.

Buuni: Afrax, wuxuu goobta ka caddeeyay in akadeemiye-gobaleedka af soomaaliga iyo bahda LAASHIN ay isku hadaf yihiin, sidoo kalena, ay isku si wax u wada wadaan, iyaga oo dhanka kalena isku dhan wax ka arka. Buuni Afrax, wuxuu tusaale usoo qaatay inay bahda LAASHIN iyo AGA ay isla shaqeeyaan isku sina wax u arkaan: in guddoomiyaha guud ee bahda LAASHIN Xuseen M. Cabdulle “Wadaad” uu yahay wakiilka AGA ee waqooyiga Yurub iyo waddamada iskaandanafiyeenka la isku yiraahdo. Taas oo dhab ahaantii daaha ka rogeysa jaalnimada labadaas madlood ee u taagan tayeynta iyo taabbagelinta dhigaalka toolmoon. Sidoo kale, Buuni Afrax waxa uu halkaas ka bidhaamiyey in akadeemiyadu ay LAASHIN hal gu ka weyn tahay oo ay xilli ahaan mantaano yihiin.

Suugaanta iyo siyaasadda:

Waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay buuni: Cali Jimcaale Axmed. Borofaysar Jimcaale, ayaa waxaa uu aad ugu tiiqtiiqsaday si qotodheerna uga hadlay guud ahaan carra’edeg sida ay isu suranyihiin suugaanta iyo siyaasadda oo marna ay wada shaqayni ka dhaxayso, marna is maandhaaf iyo dirir hoose kala tirsada. Buuni Cali Jimcaale, waxa uu keenay tusaalooyin badan iyo guud ahaan sida ay dunidu isugu haystaan siyaasadda iyo suugaanta, waxaa uu gundhig uga dhigay in siyaasadda toolmoon ay doonayso in ay hanato maanka bulshada oo ay ku yeelato saameyn, sidoo kale, suugaanleyda ayaa iyaguna kala dirira inuu siyaasigu si gurracan u dhex dego maanka bulshada oo waxa ay bannaanka keenaan goddaloolladiisa iyo xagaldaaca ka muuqda siyaasiga iyo siyaasadda lafteedaba. Borofaysar Jimcaale ayaa waxa uu aad ugu dheeraaday sida ay labadaa siba bulshada ugu yihiin lama huraan, haddana ay u baahan yihiin in ay isla falgalaan.

Sidoo kale, waxaa uu borofaysar: Jimcaale sheegay inay suugaantu tahay; astaan muujinaysa jiritaanka bulsho, suugaanta soomaaliduna ay si gaar ah u tahay summad lagama guuraan ah una baahan in lagu dhaato laguna fara adaygo. Borofaysar Jimcaale oo ka mid ah cabqariyiinta ku bahoobay LAASHIN ayaa tusaalooyin aad u cajiib ah ku soo bandhigay, is qabadsiiska siyaasadda iyo suugaanta, taas oo aan bulshada soomaaliyeed inbadan oo ka mid ah aysan fikrad suubban ka heysan, balse, bare sare Jimcaale ayaa si mug iyo miisaan leh u daahfuray. Taas oo marti sharafkii madasha soo xaadiray qaarkood ay soo jeediyeen in bare sare, Jimcaale mar kale lagu casuumo isla halkudheggaas sare ku xusan. Taas oo uu isna ballan qaaday guddoomiya LAASHIN Xuseen Wadaad inuu bandhigyada nuucaas ah uu badindoono.

Suugaanta iyo bulshada:

Halkudheggaan waxaa ka muxaadareynayay buuni: Siciid Saalax Axmed. Buuni Siciid ayaa aad u lafa guray labada eray ee suugaan iyo bulsho milankooda iyo dulucdooda, intaas dabadeedna, waxaa uu faallo dheer ka bixiyey suugaanta soomaaliyeed in ay tahay mid fac ka fac ah oo dhan walba nolosha la falgasha oo aysan bulshadu ka maarmin. Borofaysar Siciid ayaa tusaalooyin badan hordhigay bulshadii daawadayaasha aheyd, isaga oo si xeeldheer uga sheekeeyey suugaanta soomaaliyeed iyo sida ay uga marag fureen bulshooyinka carra’edeg, soomaalidana ay u qireen inay yihiin bulshadii gabayga iyo suugaanta. Qisooyin cajiib ah iyo qorayaal shisheeye, wixii ay soomaalida ka yiraahdeen ayuu si cilmiyeysan u faahfaahiyey; buuni Siciid Saalax Axmed.

Intaas ka gadaal, waxaa codbaahiyaha la siiyey martidii ka soo qayb gashay oo uu ugu horreeyey: Af-naqe Boodhari Warsame. Afnaqe Boodhari, wuxuu si qotodheer u bidhaamiyey in loo baahan yahay inay gacmaha is qabsadaan inta qalin qoyanta ah ee afka soonaaliyeed qabya tira. Wuxuu ka sheekeeyey howlaha tifaftiridda qoraalka iyo sidii dhigaalka ay LAASHIN soo saarto loogu baahin lahaa guud ahaan soomaalida meel walba oo ay carra’edeg ka joogaan. Sidoo kale, wuxuu soo jeediyay in bahda LAASHIN ay waddankii xarumo waaweyn ka furtaan, taas oo aheyd howlqabadka koobaad ee bahda LAASHIN buugga ugu qornaa. Ugu dambeyn afnaqe Boodhari, wuxuu boggaadiyey bahda LAASHIN, wuxuuna ugu hambalyeeyey lix gu’jirsiga iyo waxsoosaarkooda dhigaaleed, sidoo kalena, wuxuu ku guubaabiyey inay dedaalka iyo wax soo saarka ay laban-laabaan, isuna keenaan oo ay horseed ka noqdaan mideynta qorayaasha soomaaliyeed iyo madbacadaha si loo helo iskaashi buuxa oo ka dhaxeeya bahda qalin-qoyanta soomaaliyeed.

Waxaa iyaduna halkaas Buraanbur dhiirrigelin iyo hambalyo ah ka soo jeedisay: Nasra Cali iyada oo sidoo kalena metelaysay: Shukri Calasow oo laba buraanbur oo aad loogu riyaaqay halkaas ka tirisay.

Intaas dabadeed, waxaa loo gudbay kaallintii waydiimaha iyo warcelinta oo aad u tiro iyo tayo badneyd, taas oo aan suuragal aheyn inaan halkaan ku wada daabacno. Xuska labadaas habeen ee kulan gu’eedka LAASHIN, ayaa ahaa kuwo lagu qaadaa dhigayey arrimaha ay bahda LAASHIN taabbagelisay ama ay ka howlgalaan, si bulshada loogu boorriyo waxyaabaha ay wada leeyihiin. Waxaa halkaas ka soo qayb galay marti iyo dadkii miidda ahaa ama labeentii bulshada, laguna yaqaannay, qoraalka iyo arrimaha la xariira suugaanta soomaaliyeed.

Maxay qabtaan ururka LAASHIN?

Ururka LAASHIN waa urur iskaa wax u qabso ah, waa urur u taagan buuxinta booskii ay banneysay dowladda iyo maamullada soomaaliyeed, taas oo ujeedku yahay inaan la dayicin afka iyo dhaqanka oo ay diintu ugu horreyso iyo habka dhigaalka afeed ee toolmoon. LAASHIN waa bah u taagan wacyigelin, isla markaana wax kasta oo bulshada u adeegaya wanaaggooduna uu ku jiro usoo gudbisa. Waa bah u taagan inay qabyo tirto afka soomaaliyeed, taas oo ay si bilaash ah isaga xilsaareen tayeynta iyo taransiinta afkeenna hooyo. Ururka LAASHIN howlaha ay ummadda u haayaan waa urur aan ijaar iyo ujuro toona cid kaga sugeyn. Waa urur ku dhisan is xilqaan iyo wax wada qabsi. Waa urur ay ku soo biiri karaan qof walba oo daneysa tayeynta iyo taransiinta afka. LAAHIN waa bah ay ka reebban tahay oo aysan xeerkooda ku jirin siyaasadda soomaaliyeed iyo isdiiddooyinka kala geddisan ee dalkeenna ka jira ee habeenba meel u hoyda. LAASHIN waa bah ay ka reebban tahay, qof, qolo, qabiil ama qoomiyad maag, waana urur mar walba diiradda saara waxyaabaha aan leysku diiddaneyn oo kaliya, sida, Diinta, dhaqanka, hiddaha, suugaanta, sooyaalka, sabayaalka iyo siiyaalkaba.

MILGEYN IYO MAHADCELIN

من لا يشكر الناس لا يشكر الله.

”Qofka aan dadka u mahadcelin Eebbana uma mahadceliyo”.

Waa xaddiis saxiix ah oo Suubbanaha (SCW) ka sugnaaday. Xaddiis kale oo saxiix ahna wuxuu ku yiri mar kale:

من صنع إليكم معروفا فكافئوه، فإن لم تجدوا ما تكافئونه به، فا دعوا له حتى تروا أنكم قد كافأتموه.

”Qofki wanaag idiin sammeeya abaalkiisa u guda, haddii aad awoodi waysaanna u duceeya ilaa aad filataan in wanaaggii laydiin galay duco u dhiganta aad qofkaas ugu duceyseen”.

Haddaba, mahadcelintaas ka sokow amminku waa waxa ugu milgaha iyo maamuuska badan ee qof ama qolo loo huro. Qofka ama qolada aad amminkaaga u hureyso haddii aad aqoonta iyo cilmigaaga ugu dartona waa milgo la labanlaabay. Haddaba mareegta iyo aslidda dhiganayaasha (Warsidaha iyo madbacadda) LAASHIN waxay si milgo iyo maamuus leh ugu mahadcelinaysaa buuniyaashii sida maamuuska leh uga qeyb qaatay, kulan gu’eedka lixaad ee LAASHIN.

Aqoonyahannadaas oo ammin laba caana-maal ah ogaalkooda iyo aqoontooda si hagar la’aan ah ugu huray kulan gu’eedkaas dabbaaldegga ah. Isla markaana ka soo qeybgalayaashii daafaha carra’edeg kala joogay si xilkasnimo leh uga haqabtiray cilmiga afkooda hooyo ku aasan. Kulan gu’eedkaas oo laba caanamaal, la kala baahiyey, labadaas maalin oo ku beegnaa lixguurada ka soo wareegtay amminkii la aasaasay ururweynaha LAASHIN, taas oo ku beegan: 01-09-2014-ka.

Sida aan qeybtii horeba ku soo tilmaannay, xuska qeybtiisii hore, waxaa si milgo iyo maamuus leh u daaddihiyey oo muxaadarooyin afka, dhaqanka, hiddaha, sooyaalka, sabayaalka iyo siiyaalkaba ku saabsan ka soo jeediyey: Buuniyaasha kala ah:

  1. Cabdlla Cumar Mansoor
  2. Cabdirixmaan Abtidoon
  3. Bashiir Cali Xuseen

Maalinta labaadna waxaa si aan ka liidan muxaadarooyin uga soo jeediyey, buuniyaasha kala ah:

  1. Maxamed Daahir Afrax
  2. Cali Jimcaale Axmed
  3. Siciid Saalax Axmed

Bahda hal-abuurka qalinkeyda LAASHIN oo isku duuban uuna ugu horreeyo guddoomiyaha guud ee ururka Dr: Xuseen M. Cabdulle “Wadaad” waxay si qiimo iyo qaddarin leh ugu mahadcelinayaan aqoonyahannadii waqtigooda iyo cilmigoobada u huray bahda LAASHIN iyo guud ahaan bulshada soomaaliyeed, isla markaana sida aan kala dhicin uga qeybqaatay; kulan gu’eedka lixaad ee LAASHIN. Waxaan idiin rejaynaynaa fayoqab iyo fayaabi, lagu laray nolol raaxo leh oo cibaado suubban. Mar kale iyo mararbadanba gacmo furan ku soo dhawaada, malyuun jeerna mahadsanidiin.

GEBAGEBO:

Gu’ walba waxa ay bahda LAASHIN soo bandhigaan waxqabadkooda iyo heerarka ay soo mareen, iyada oo lagu bidhaamiyo waxa ay laashin qabato iyo hawlaheeda maalmeed, bileed iyo gu’eedba. Arrin walba oo bahda laashin ku saabsan haddii aad dooneyso inaad wax ka ogaato, waxaad ka heli kartaa mareegta laashin iyaga oo faahfaahsan.

Guddoomiyaha guud ee LAASHIN: Xuseen M. Cabdulle ”Xuseen Wadaad”

  • Mareegta Laashin
  • laashin77@gmail.com
SHARE