Home Qoraallo SHEEKO GAABAN! W/Q: Cabdulle Cabdikariin (Ugaas Jallaato)

SHEEKO GAABAN! W/Q: Cabdulle Cabdikariin (Ugaas Jallaato)

1
SHARE

SHEEKO-GAABAN!

Dhallinyarnimadu waa amminka ugu fiican ee qofkasta oo wadku daayo uu maro, muhiimadda ay dhallinyarnimadu leedahayna waa tan keentay, in maalinta qiyaamaha uu Ilaaheey SWT qofkasta waydiin doono waxa uu ku soo qabtay wakhtigiisii dhallinyarannimo. Diinteenna suubban waxa adduunka gaarsiiyay ee Rasuulkeenna (scw) garab istaagay, waxay ahaayeen dhallinyaro, adduunkana meel sare ka gaarsy Ilaaheey agtiisana maqaam fiican iyo milgeyn ka helidoona.

Si walba oo ay noloshu u adkaato ama xaaladdu u cakirnaato kuwa ay bulsho ku badbaadeysaa waa jiilka dhallinyaro ee ay haysato. Haddaba xilliga dhallinyarannimo waa intee? Inkasta oo aan baaritaanno ku samayn goorta ay isla wada yaqaannaan khubarrada caalamku, haddana waxaan ku gaabsanayaa xilliga u dhaxeeya 20 ilaa 40 sano jirka. Waxaase tusaale noogu filan heerka iyo awoodda ay dhallinyaradu leeyihiin guurowga Eebbe ha u naxariiistee uu ka tiriyey laashin: Maxamed Gacal Xaayoow, asiga oo yiri, mar uu dhallinyarad tilmaamayey:

  • Dhallinyaradu waligeedba waa, Dheeman iyo Luule
  • Dhaayaha wax lagu eego iyo, Dhumucdi weeyaane
  • Dhulka ubaxa lagu beeray iyo, Dhibicdi weeyaane
  • Dhafan-dhaafka howlaha kuwaan, Raadka dhugan weeye
  • Dhudhunkii afmaashiyo, Tacliin dhigata weeyaane
  • Waa wax dhir iyo foox uga udgoon, Waalidkii dhalayee
  • Dhisinka iyo udubkii la muday, Dhidibki weeyaane
  • Cadceed dhalatay waa dhalalac yiri, Dhoolki bari weeye
  • Dhaqankiyo siyaasada dhunteey, Dhab u tilmaamaane
  • Dheg xumadaya ceeba waqood, Umma dhibqaataane
  • Dhagar qabaha dhuunta u jaraa, Dhowla qowsadaye
  • Lafti dhabarka weeyoo dhextiil, Labada dhoonsaare
  • Dhiti duur ka baxa weeye iyo, Dhebagi toosnaaye
  • Dhiil la culaye dhaay lagu lisaye, Kuu dhedhemi weeye
  • Dhoombir culus risaas lagu dhacshee, Dhooba kala jeexday
  • Oo dhebedda howdkiyo ugaartuba, Ka dhiillootay
  • Dhiirranow libaax iyo shabeel, Dhirifsan weeyaane
  • Oo aan nin u dhedaystaya marnnaba, Dheefu sabanaynee
  • Dhabbaan xagal lahayn iyo hallood, Khayr u dhaca weeye
  • Dhiigtaar xididda yeeshoon caqliga, Loogu dhicin weeye
  • Horseed dhaba dhufays lagu gambado, Dhuumashadi weeye
  • Dhallinyarada soomaalideey, ugu dhaxaysaaye
  • Aniguna dhankaan ka cuskadaan, Dheelli tirayaahee.

Dhallinyarta soomaliyeed inkasta oo ay kala yihiin kuwo waddanka gudihiisa jooga xaalad kasta oo ay ku qabaanba iyo kuwo qurbaha u soo baxay. Haddana way iska xaalqabaan dhammaantoodba. Sidoo kale, dhallinyarada soomaaliyeed badankoodu waa kuwo wax aqrin kara, waxna qori karaz gaar ahaan luqadda soomaaliga, qayb badan oo ka mid ahina waa kuwo dhammeeyay dugsiyada dhexe, kana warqaba xaaladaha isbeddelaya ee adduunka ka jira. In badan oo jaamacadaha waddanka gudihiisa ku yaalla iyo kuwo jaamacado dibadda ah soo dhammeeyayba.

Isla mar ahaantaana meesha kama maqna dhallinyaro badan oo cilmiga diiniga ah ku darsaday barashada cilmiga maaddiga. Haddaba dhallinyarada soomaaliyeed intooda badani waxay ka siman yihiin inay qolyar ugu wada xiran yihiin aragtida iyo ficillada siyaasi hunguri raac ah oo aan isaguba go’aannadiisa siyaasadeed aanay gacanta ugu jirin, goor iyo saacad kastana la filayo inuu ka baxo ballan qaadyada uu saammeeyo, amminnada ay ku jiraan ololaha ay bulshada ku beerlaxawsadaan! Taas oo mar walba keenta in dhallinyarada hankoodu uu si fudud u burburo. Haddaba aniga oo aan dhowr sader ku soo koobi karin ka hadlidda arrimaha dhallinyarada, waxaan idin waydiin lahaa dhowr su’aalood, ku waas oo kala ah:

  1. Dhallinyaro ilaa iyo goormaad ku qanacsan tihiin inaynu qol yar ugu xirnaanno siyaasiga hunguri raaca ah iyo suldaanka uu wato?
  2. Inkastooy dhallinyarada maantu ay ku soo hagaageen goor ay bulshadii soomaaliyeed kala firdhanayso! Haddana haddii la kufo oo la jabo waxa roon in la kaco oo la dhutiyo, goormee ayey noqon doontaa baad isleedihiin goorta ay dhallinyaradu si sax ah u buuxin doonto doorkoodii dhallinyarannimo, maadaama baahi tirobeel ah loo qabo maanta?

Warcelinta labadaas waydiimood, waxa aan ka sugayaa dhallinyarada soomaaliyeed ee sheekadaan gaaban aqrisan doonta, isla markaana waxaan kusoo gebagebeynayaa guurowga sare ku xusan oo aad u dheer qeyb yar oo ka mid ah:

  • Ma dhallaalo weligii dhafoor, Murugu haydaaye
  • Ma dhiigaysto neefkii ku dhala, Dhadiga jiilaal’e
  • Dheygaggeey tacliintuu qabeen, Dhimatay yoomkaane
  • Dhismadii iskoollada intii, Laga ma dheerayn’e
  • Dhammastii la dhigay iyo ishii, Dhayda laga saaray
  • Dhaawocow gumaystuhu ku dhigay, Dhiibi kici wayday
  • Afkaa looga dhiiqsaday markeey, Dhab u irmaanaatay
  • Dharaaraha mid baa lagu ledaa, Dhowrashada guud’e
  • Marbaa dhaxanta geed laga dugsado, Dhacaru fuushaaye
  • Marbaad dhaxalka wiil looga boxo, Dhabarka saartaaye
  • Dhukaanka iyo gaajada marbaad, Dhogor gaddootaaye
  • Marbaad dhedaya neecaaw qabow, Laabta dhigataaye
  • Marbaad dhiirri uga aarsataa, Dhugus waraabaahe
  • Marbey dhacantu oodaha hortood, Dan u dhammaataayee
  • Iyagoo debkay dhilinayeen, Dhuxushi qiiqaydo
  • Dhambaalkii nabsiga baa ku dhacay, Ciidankuu dhurane
  • Hubkeey soo dhifteen weeraybey, Dhagac ku siiyaane
  • In kastoon wax loo dhimin dadkey, Dhinac ka raaceene
  • Dhallinyaradi hiyi dhaaftay baa, Taladi loo dhiibay
  • Shacabkii la kal dhowri jiray, Dheef wadaag noqoye
  • Aniguna dhallaan meyska dhigay, Dhowr habeen jirayee.

W/Q: Cabdulle Cabdikariin (Ugaas Jallaato)

  • NAGA LA SOO XARIIR:
  • laashin77@gmail.com
SHARE

1 COMMENT

  1. Nin 20 ki 3 ula jirtaan ahay aad aan u dareensanaha qeebti cimrigeyga u qiima badneed oo dayac ku sii socoto.
    Su’aashaada hadaan wax ka iraa dhalinyarada uma dhaafin masraxa odayaasha ee waxmataranimada ayaa halkaa dhigtay midkii ka gaabshay
    Meeshunu dhalinyaro kama marna
    Sideeda jiilka iyo kan ka dambeeya waa in midka dambe wax dheeraad ah uu layimaado. waa hadii horumar jiryo. marka waxaa laga yaabaa in horumar aqooneed oo buuran uu san jirin. waxaad ku gara karee wacyiga siyaasadeed ee keennaa. Aqoonta (waaya aragnimada) siyaasadeed ayaa moodaa in baahi loo qabo mida kale xoola ayaa meel ku geeya. Dhalinyartu caloosheyda caloosheyda ey leeyihiin in yar oo baladka barwaaqadiisa qabta mooyee.
    xamar waxaa loo naqshadeeye sidi ey dhalintu u han jabi laheed . Meel hooyga aad ku iibseyso wax ku dhaw $100000 waaye . Dakhliga ku soo gali kara hadaa nasiib badantahayna waa mid yar ma ogi hadaa ganacsade weyn tahay. Waxbarashadi meel lagu bah dile waaye Wax ayaan bartaa jaamacad ayaan aadaa iyadoo laga xishoohaa waa imaahee
    Sababtoo ah anigu jaamacad ayaan aadaye sanadkaan midki ka horeeye. marki ley yiraa xaa qabataa waxaan dhihi jire jaamacad beenabeeney ayaan aadaa hadalkaas waxaan u dhahaye qaabdarada meesha tiil ayaan arkay. Hal sano kama badin dhigashadeedi. Naci aan nacay dib u ma heshii doonno

Comments are closed.