Home Qoraallo Midabyeynta biyaha iyo soomaalida! W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

Midabyeynta biyaha iyo soomaalida! W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

0
SHARE

Midabyeynta biyaha iyo soomaalida!

Marka aad si wanaagsan u dhuuxdo halkudhega qoraalkan waxaad ogaanaysa in ay soomaalida iyo biyuhu wax badan isaga eg yihiin.Biyuhu waa midab ma doorshe, waxaad arkaysaa meel biyo ku jiraan oo marka ay cadceedi jirto, biyahaasi u ekaanayaa midabka ciraadka ah, marka ay daruuri jirtona qaadanaya midabka daruurta, marka ay tahay cadceed soo baxa ama cadceed dhacana u ekaanaya midabka cawliinka ah.

Sidoo kale waxaad arkaysaa in biyaha ay saamayn ku yeelato, hadba carada ay ku jiraan oo midabkeeda ay qaataan, biyuhu dhanka kale waa kuwo awood badan oo wax burburin kara, sidoo kalena lagama maarmaan u ah nolosha guud ahaan. Balse anigu waxa aan tusaale ugu soo qaatay is rogroga midabka biyaha iyo habdhaqanka soomaalida.

Waxa aan arkay cabashooyin badan oo ka soo yeedhaya dalka gudihiisa kuwaaso ku aadan dadka shisheeyaha ah ee dalkeenna yimaada caddaan iyo madoow kuwaasoo la odhan karo waa kuwo tiradoodu aad u kooban tahay una yar tahay marka loo eego innaga tiradeenna.

Sidoo kale waxaa dhawaq iyo qaylodhaan ba’ani ka jirtaa soomaalida ku nool dalka dibaddiisa oo iyaguna isla cabashada taal dalka mid la mid ah qaba.

Haddaba waa maxay cabashadu?

Soomaalidii dalka joogtay ayaa ka cabanaysa in dhaqankoodii iyo diintoodiiba duulaan lagu yahay, waa dhab oo soomaalidu waxa ay markiiba min guuriyaan dadka ay la joogaan habdhaqankooda taban, sida dharxidhashada, dhaqamada xunxun ee liita, balse lama falgalaan dhaqamada wanaagsan ee ay kaga dayan karaan, sida dal jacaylka, isku duubnimada, hufnaanta, hawlkarnimada iyo ku adkaanta waxa ay rumaysan yihiin.

Soomaalidu waxa ay u midabyeeyaan sida biyaha iyaga oo ilbaxnimo ka raadinaya meel aysan jirin, Ilbaxnimadu waa qofka ku ad adag waxaa uu yahay kuna kalsoon oo iskula qabweyn.Eebbe haw naxariistee, Qoraagii weynaa ee Cabdulqaadir Cusmaan Aroma ayaa habeen annagoo telefoon ku wada sheekaysanayna ayaan weydiiyey isla weydiintan ah, maxay soomaalidu dhaqankeeda uga carartaa marka ay dalka dibaddiisa yimaadaan, iyadoo bulshooyinka kale dhaqamadooda la soo dhoofaan kuna dhegan yihiin dhaqankooda, sida hindida, aasiyaanka kale iyo weliba Afrikaanka.

Eebbe haw naxariistee waxaa uu iigu warceliyey: Soomaalidu delegga dalkooda ka baxana waa ka faanaan, hu’ga abka dhaxalka ahna waa ka faanaan, dhaqankii ay lahaayeenna waa ka faanaan, marka waa dad la col ah jiritaankooda, waxaa uu tusaale iigu soo qaatay, oday soomaali ah iyo gabadh itoobiyaan ah.

Oday soomaaliyeed ba ku faduuliyey gabadh itoobiyaan ah, habeen iyo maalin daafi baad hiigeysaan?

Gabadhiina waxa ay ugu warcelisay: Haa waa dhaqankaygii iyada ayaan leeyahay oo haddii lay arko waa laygu xasuusanayaa waana cunto ii gaar ah ee adigu bal ii sheeg cunto kuu gaar ah oo aan lagula wadaagin.

Odaygii: Waa uu waayey warcelin aan ahayn Hilib iyo Caano, taasina waa mid bulsha weynta carra edeg ka dhaxaysa.

Waa ay jirtaa gobollada qaar in ay jiraan cuntooyin gaar ah oo delega dalka ka baxa ah, balse maaha mid sida Daafida xabashida ah oo guud ahaan loo wadaago, kaas laftiisa waa laysku caaya, kuwa cunaana waa la dhuuntaan, iyagoo ka baqaya in lagu liido.

Waxa aad arkaysaa dad Soomaali ah oo ku celcelinaya, caddaanka dalka yimid ayaa diinta naga doorinaya, madoowga joogaa ee ciidamada ah iyo kuwa deriska ah ee qaababka kala duwan u yimaad ayaa dhaqankeenna doorinaya.

Haddaba weydiiintu waxa ay tahay:Maxaa kuu diiday adigu inaad dhammaantood adiga ka badane dooriso diintooda iyo dhaqankooda?Maxaa kaa dhigay adiga waxa liita ee mar walba laga weecin karo jidkiisa? Maxaa kaa dhigay midka aan lahayn dhumucda ee durtaba la wiiqi karo?

Saw halkaas kaagama soo baxayso in bulshada soomaaliyeed badankoodu leeyihiin midabkii biyaha ee is dhalanrogay ee hadba sida cimmiladu u egtahay u ekaanayey aan lahayn adkaysiga ciidda oo kale aan is dhalanrogayn haddii cimmilo kasta timaado.

Bulsho weliba waxa ay ku dhaadataan kuna ilaalisaa jiritaankeeda waa ku dheganaanta waxa ay rumaysan tahay: (Diinta) iyo dhaqankeeda abka dhaxalka ah.

Mid waa lagama maarmaan, haddii dhaqankaas ay ku jiraan waxyaabo liita ama hab nololeedka bulsho dhaawac ku ah in laga guuraa waa wax wanaagsan, balse waxii aan waxba kuu dhimayn ee muujiaya jiritaankaa, ilbaxnimadaada iyo dadnimadaada waa inaad ku dheganaata kuna dhaadataa.

Waa in aynaan noqon jirjiroole hadba u ekaada meesha uu joogo ee waa in aan noqonayaa dad iyagu awood u leh ciddii soo dhexgasha in ay dhalanrogi karaan oo ka dhigi karaan iyaga oo kale, sidoo kale dadka ay dhex galaan ku soo kordhin kara wax lagaga daydo.Dhaqankaaga ayaad wax ku tahay, soomaalinimaadana kaaga marag furaya.

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

  • NAGA LA SOO XARIIR:
  • laashin77@gmail.com
SHARE