Author Archives: Laashin

SHARWADE SHAARUB MIIQAN W/Q: Ismaaciil Nafyar

SHARWADE SHAARUB MIIQAN W/Q: Ismaaciil Nafyar

SHARWADE SHAARUB MIIQANWaagiisii hore wuxuu ahaa xerow xaadira xalqooyinka aqoonta diiniga ah. Waxa uu xamaasad aan xad lahayn u hayey jiibinta xadrada, waxayna u ahayd waxa kaliya ee uu ku xasilo, farxad aan xad lahaynna ku dareemo. Wuxuu aad u necbaa oo ka xajiimoon jiray fikirika Wahaabiga ah ee waddanka loo soo waariday. Wuxuu aad

Wax Nin weyn loosheego maahan Q1AAD. W/Q: Muhyadiin Muuse Cabdi (Baylood)

Wax Nin weyn  loosheego maahan Q1AAD. ________________________________Wiil Mudug Vs Dhakhtar Kanada Udhashay Isagoo Gaalkacyo ku weynaadey ayaa waayaha iyo nasiib is biirsaday Canada ka tuureen waa 40 jir aan weligiis dhakhtar iyo Isbitaal midna u tegin, juuc-juuc iyo cimmiladii uu ku cusbaa ayuu la xanuunsaday dhakhtar ayey geeyeen, sheekadan ayaa isaga iyo dhakhtarka dhex martay.Dhakhtarkii: xaggee lagaa hayaa?

Hammi caashaq iyo hungo been ah Q4AAD W/Q: Cabdisalaam Macalin Xirsi

 Hammi caashaq iyo hungo been ah Q4AADNasra oo codkeedii naxariista badnaa iyo erayadii macaana ee ay qalbiga Axmed ku hanatay iska soo horraysiinaysa, ayaa Axmed oo taleefoonka ku soo dhowaanaaya kaddib markii Najmadii uu dhibsaanayay khadka ka baxaday si wacan hadda u soo fadhiistay maadama ay hadda qadka soo gashay, qumantii maankiisa deeqday, mida uu

Cabdiwahaab Xasan Dhafe

Madfacii i sigey! W/Q: Cabdiwahaab Xasan Dhafe.

Waxaa dalka ku hooreeysa daruurtii colaadda. Qasaaraha ay geysanayso meel walba ayaad kula kulmaysaa. Waa kow iyo shaagankii. Maalmo ka hor markii aan dunida ku soo biiray. Waa muqdisho rimman, inteeda badanna ay daruurta dirirtu si weyn u maanshaysay. Waxa aan ku sugan ahay Baar Ubax oo ah baradii aan ku dhashay.Waxa aan ahaa dhallaan 

MEYTA-KAAL Q1AAD W/Q:Qaasim Cabdulle Nero.

 MEYTA-KAAL Q1AAD Aniga oo Muqdisho ka tagay ayaan booqasho u aaday Miyiga Degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug, halkaasoo uu degganyahay Adeerkeey aan Dadka ugu jecelahay.Adeerkey, inkasta oo uu waalid ii yahay haddana Saaxibbo ayaan nahay. Marki uu magaalada usoo muraad-tago, Aniga iyo isagu badanaa kalama harno.Wuxuu iiga sheekeeyaa Magaaladan hadda ballaaran oo aad u yar. Sheekooyinka

Ha dayicin Halyeeyada qarsoon W/Q:Prof Yaxya Sheekh Caamir

Ha dayicin Halyeeyada qarsoon.Waddanka guud ahaanba waxaa jira geesiyaal iyo halgamayaal badan oo aan wax laga qorin,sababta oo ah waqtigaa Afka soomaaligu ma qorneeyn, aqoonta afafka kalena waa yareyd. Tixraaca ugu dhaw waa suugaanta iyo sheekooyinkii ay soo gudbiyeen dadkii berigaa noolaa(Oday ka sheeke) ama dad ajnabi iney wax ka qoreen.Waan jeclaa lahaa dhacdadan iyo

Riyadeyda ma ii rumeyn karta? W/Q: Sacdiyo Maxamuud Garcadde

Riyadeyda  ma ii rumeyn karta? Waxaan leeyahay riyo daren markan xasuusto aan dhoola caddeeyo waxaan leeyahay hammi sare iyo hiigsi waxaan leeyahay go’aan aan ka baaraandegay oo aan nafteyda meel la dhigtey.Waxaann leeyahay rajo iyo filasho aan timaadada ka sugayo, waxaa ahay gabar  ku dhax jiraa jawi wanaagsan waxaan ku noolahay hoy qurux badan waxaana

Riyadii Ciyaar gudka W/Q: Qaasim Cabdulle (Nero)

Riyadii Ciyaar gudkaDhacadiid ayaan ugu jiifaa Dhabbal/Gogol ii taalla Duggaalka Geed humbul ah oo dhanka bari kaga beegan Aqalka Hooyadeey.Waa xilli aan wali habeen bar la gaarin, cimiladuna aad ayuu u degganyahay oo ma jirto dabeyl geedaha ka shanqarineysa,  Cirku caad ma leh oo waxaa sidii Rabbi ugu talo galay ku camiran Xiddigo aan Iftiin

Hammi caashaq iyo hungo been ah Q3AAD W/Q: Cabdisalaam Macalin Xirsi

Hammi caashaq iyo hungo been ah Q3AADAxmed oo digtoonaan iyo diyaargarowba ugu jiray , maqalka  dhawaqa teleefoon kaga yimaadda dhanka gacalisadiisa Nasro ayaa taleefoonkiisa oo miis dulyaalay gacanta ku laalay oo kor ugu soo qaaday ,asaga oo hubsanaaya, indhihiisana si miyir leh ugu eegaya, foojignaana u dhugganaya maggaca qofka soo wacay, ayaa taleefoonkii barta cagaaran

Sooyaalkii Siyaad dheryodhoob W/Q: Maxamed Xuseen Faarax

Sooyaalkii Siyaad dheryodhoobeSiyaad dheryo dhoob ayaa ahaa nin Garaad badan, hubaal  waxaa aan qabaa inuu yahay  qof keliyaata ee lagu tilmaami karo Abwaan:Abwaan waa qof yaqaan oo aqoon badan u leh,  dadka, dalka, deegaanka, Dabaylaha, xiddiginta, Afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, qofka Abwaan loogu yeedhayaa waa inay u dheertahay garasho badan oo uu dheeryahay bulshada ee

Top