Author Archives: Laashin

Sahankii Nolashayda! W/Q; Abdi-aziz M. Shidane

Sahankii Nolashayda! W/Q; Abdi-aziz M. Shidane

Sahankii Nolashayda! Waxaan ahaay cunug yar oo itaal yaridu ka muuqatay, balse, maskax furnaa, kuna firfircoonaa wax barashada, dhug badanna lahaa. Markii aan rabo in aan aado dusiga Quraanka waa in aan Salaadda Subax intaan la Addimin ka sii kacaa, waxaan ka soo nixi jiray hurdada, calwasaad badan iyo qaraw dheer ka gadaal, taasoo ay

Biddood Moos ku Dul Baroortay Wq A. M. Yusuf

Biddood Moos ku Dul Baroortay   from: Wayeel to: Huda hussain date: Thu, Mar 27, 2014 at 8:10 PM Akhristow, waxa aan maanta kula soo wadaagayaa dhambaal aan beri dhoweyd u diray Marwo la yiraahdo, Hodan Xuseen Cali (Nuuralcayn), taas oo iiga soo sheekeysay in ay qiirooto, goor walba oo ay dhegeysaneyso, heesihii hore. Misana,

Gabayga; GUHAAD Curiso; Amino Abdullahi Yusuf

Gabayga; GUHAAD Gabayga; GUHAAD   Adduunyada kolley garannay, oo way gebidhacyeeysaa e Gaajiyo harraad iyo marbaad, oon la gubataa e Marbaa galal xareed ku gashaa, lagu garguurtaa e Gacmahaaga aad uga baxdaa, gaajo iyo oon e Galladaa ne Eebba leh iyo, guusha libineed e Waxan uga gollee yahay kolley, waad i garataa e Garaad badan haddaad

QOOREY W/Q; Shaakir Maxamed Cabdullaahi

QOOREY   AFEEF Sheekadani waa mala-awaal (fiction), dhacda kasta oo run ah oo sheekadani ay u ekaato waa wax isku soo beegmay si kama ah. Cid nool ama dhimatay oo ay ku saabsantahay ma jirto..waa shaqo-faneed (literature work). Barre Gaabow magaciisa saxda ah waxaa ka shaacsan naanneystiisa caanka ah -Qoorey. Waxayna ugu baxday dhaawac xanuun

Legdanka Lammaanayaasha! W/Q Abdi-aziz M. Shidane

Legdanka Lammaanayaasha!   Nolasha lammaanuhu, waa nolal ku dhisan wax wada qabsi iyo is faham, iskaashi iyo is garabsiin, iyo in wax la wada dhisto. Ma aha milkiyad iyo cabiidsi, sida ay ku fakaraan rag badan oo maanta ku nool dunida dacalladeeda, gaar ahaan, kuwooda ka soo jeeda bulshooyinka dib jirka ah, siiba anaga, ee

Nin Sigtay Ma Noola! W/Q; Shaakir Maxamed Cabdullaahi

Nin Sigtay Ma Noola!    Toban iyo kow sano ayaan dhiganayay dugsi. Dhawr bil kaddib waxaan u gudbayaa fasalka ugu danbeeya dugsiga sare. Hadda waxaa la joogaa xilligii uu dugsiga fasaxa ahaa. Waxaa la joogaa xilli xagaa ah. Maalinta inteeda badan roob baa da’a. Godadka laamiyada biyo wasaq ah ayaa ceegaaga. Magaalada Muqdisho oon ku

GAAJO WAA CADAW! W/Q. Bashiir Ali Hashi

GAAJO WAA CADAW. Faqrigu colaad buu sababaa, colaadduna faqri bay sababtaa. Haddii aan faqriga iyo shaqa la’aanta la isku dayin in layareeyo, haddii aananba la dabar goyn karin, waxaa hubaal ah in qofka bahani uu isku dayi burburinta nabadda iyo kala danbeynta. Marka ay burburtana faqrigu sii kordhayo. Waxaa aad u adkaanaysa in kala daanbeyn

Top