Author Archives: Bashiir Maxamed Xersi

SANBUUS BALLAC AH W/D: Bashiir M. Xersi

SANBUUS BALLAC AH W/D: Bashiir M. Xersi

SANBUUS BALLAC AH Horta weli cunto ma idiin kaga sheekeeyey? Ma jecli, balse, aan inyar siyaasadda idin ka nasiyo. Rag iyo dumar, aniga ayaad ii casuuman tihiin, ee faallan ku soo dhawaada, aqrin, aragtiyeyn iyo falcelinba, si gaar ah gabdhaha.Maanta waxaan ayaan u helay, in aan dhadhansho wax aan ku tilamami karo SANBUUS BALLAC ah, balse,

Ma ogtahay in xarafka (JA’) uu kulmiyo sharqamaha guud?

Ma ogtahay in xarafka (JA’) uu kulmiyo sharqamaha guud? JUUQ: sharqanta dadkaJAAQ: sharqanta xoolahaJIBAAD: sharqanta dugaaggaJALAW: sharqanta shimbirahaJAQAQAF: sharqanta xamaaratadaJALALAF: sharqanta geedaha lulanayaJIIQJIIQ: sharqanta alaab gaadid saaranJARARAC: sharqanta walxo la jeexayoJALALAQ: sharqanta biyahaJINIQ: sharqanta biro isku dhacayaJIRIRIQ: sharqanta walxo la isku xirayoJUG: sharqanta walxo la tumayo ama qaraxJURURUC: sharqanta walxo dab lagu dubayoJIRIRIG: sharqanta onkodka kaa fod. Mase

AABBAHAYGIYOOW! W/Q: Raxma Isaaq Aadan

AABBAHAYGIYOOW! Aabbe macaan waxan ahay gabadhaada oo sababtaada ay hooyadeey igu dhashay. Waxaan ahay gabar u sii lugaynaysa dunida inay ku noolaato, gu’gaan inoo curtay baan sannadkii 12, lugta aan la galay. Aabbe waxaan gadaal u fiiriyey da’dii 10 ka hooseysay, welina waan ogahay inaan yarahay, balse aad baan u jeclaystaa marka ay hooyadey iiga kaa

Maansadii: Darartii Maandeeq Curiye: Kunciil Qorrax

Maansadii: Darartii Maandeeq“Dulmahaan u doodaaDiracaan dhoweystaaDanyartiyo agoontaanDusha xanaf ka qabatiyoDaqarrada u diidaa.Babbadkiyo dabeeyshiyoDulduleelka hoosaanKa daardaariyaayooDugsi dhaxanta celiyiyoDayr baan u ahay wayn.Dalku waa dalkeeygiiDadku waa dadkeeygiiDiinta iyo dhaqankiyo Diirkiyo dubaaqiyoDareenkaan ka simannahay.Laba doodday waa dawLaba dirirtay waa duugDarma dhigasho waa gacalIs dulleyntu waa qurun Dadnimadana ku ma sama.Dayax shaniyo tobanooDusha sare ka soo baxaySacab laguma daarsheeDibnahaaga ka adkoow.Ruux

Maansada: Yaacdo dhega xiran Curiye: Abwaan Maxamad Xuseen Faarax

Maansada: Yaacdo dhega xiran Ciisoow ya’leeydii Yalka iyo dabeyshiyo Yayeentii war qaadkiyo Ii keenyey yaaruhu. Ha yeeshee, yabaalkiyo Yalanyoolka nagu dhacay Waa ammuur la yaablehe Anna yeleled faallada Aan warbixin yulyuliyee Dhug u yeelo maansada. Siyaasiyiintan yeeydaa Yamaahuur yugyugadaa Kulligood yuxuushtaa Maxay yihiin haddaa tiri Yamaanyugga silloon iyo Waa yabaro qaabdaran Wacdi loo yaboohiyo Waanada ma yeelaan Eheb

DHALASHO iyo DHIMASHO! W/Q: Bashiir M. Xersi

DHALASHO iyo DHIMASHO! Dhalasho waa bilowga nolosha, dhimashona waa dhammaadka nolosha. Waa laba meerto oo midba mar la maro hadba inta kuu qoran. Qof walba maalin leh; dhalasho iyo dhimasho u dhaxayso ama ku dheehan dheef iyo dhib. Waa wareeg, meerto iyo meegaar uu ku dhexjiro qofku, uuna sina uga baxayn, ugana fakanayn. Jirid iyo jarid

Gabyga: DALEEL HOGAD Curiye: abwaan Maxamad Xaseen Faarax

Gabyga: DALEEL HOGAD  Deelleyda gabay waayadaan, waanigaan deyineWaataanan dayrtiyo gu’giyo, dawyadaan marineDibnahayga waataan ka jaray, dihashadeediiyeHa yeshee, markaan daa iraa, een dhegaha duubtoDawan qaylo dheer iyo waxbaa, ii durbaan tuma’eMarkaasaan sidii aar dib jirey, oo wax dilanaayaDaf la soo iraahdaa hamuun, daal anoon qabineCaawana waxbey derrinayee, balaan daliigeeyo. Bashiirow dabuubtaadi gabay, daalacdoo helayeDayixiyo daruuraha socdiyo, dirirku ii

Gabayga: CAALLE DOOR Curiye: abwaan Maxamad Xuseen Faarax

Gabayga: CAALLE DOOR Indhoweydba caynleyda gabay, waanigaan curineCarrabkeeyga waataan ka jaray, casharradeediiyeHa yeshee, cunaha lay ma qaban, mana codeynweyneCaadiyaal intay tahay arrini, baan cuddo xiraayeMarkay talo cuyuban aasantana, waan cakabiyaayeAan cilaaqo, caawoo kaleey, cuudin leedahaye. Casabadii Bariirriyo dadkii, gaal cadduhu laayeyMarrastiyo carruurtii kufrigu, uu cayaar dilayeyAnigoon casaarteeda maqal, carana buuxdhaafsanSow ciqaab ka daran maysan iman, oo

DARDAARAN W/D: Hanni Maxa’ud Cabdi

DARDAARAN Si kasta oo aan u ooyo oo eey indhaheygu ilmada u seyriyaan, si kasta oo uu damiirkeygu u diido waxyaabo badan oo i damqinaya, in kastoo uu ooyayo nuurkii indhaheyga/indhahiinna ee ahaa cawaale calankeeygi, in kasto oo ey maandeeq hasheennii aan gaawaha u soo qaadan weli, waan rajeynayaa idanka Eebbe, iney dalkanni u soo bixi

Dhibbanaha Allow caawi W/Q: Hanni Maxamuud Cabdi

Dhibbanaha Allow caawi Islaamku wuxuu lahaa quwad aad u sarreeysa, oo uu ku manneeystay ‘ALLAAH’ waana hibo u gaara muslimiinta. Sanadahan dambe waxaa aad u soo batay dunidan eynu joogno iyo qaaradaha adduunka in lagu dhibo muslimiinta sida Falastiin, Ciraaq, Afgaanistaan, Suuriya, Lubnaan, Mareykanka iyo meela aad u badan oo ah dunida dacalladeeda. Islaamka qudhooda ayey

Top