Sheeko articles

SIRTA NOLOSHA Sheeko taxane ah Q.19aad. W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

Deeqa Bashiir waxay soo gashay guriga saaxiibteed Mulki, waxayna uga sheekeysay intuu Xasan ku yiri oo dhan, markaa ayay Mulki tiri: “waxaan hore kuugu sheegay inaad sheekadaan meesheeda ku demisid, haddii kalana ay ka imaandoonto fool xuno hor leh, hadda lajoogana waxaan ku dhihi lahaa naga xir baabkaas, haddii aad muraad kale ka laheyn” Deeqa

SIRTA NOLOSHA Sheeko taxane ah Q.18aad. W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

Deeqa Bashiir waxaa soo sagootiyay Xasan, markuu bannaanka guriga keenay ayay Deeqa ku tiri: “aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tahay fariinteyda aad gaarsiisay iyo sidaad tixgelinta ii siisay” Xasan ayaa ku yiri: “Alle ka sokoow adigaa mudan in lagaaga mahadceliyo wanaagi aad sameysay iyo weliba wakhtiga aad dib u soo nooleysay rajada reerka iyo

SIRTA NOLOSHA Sheeko taxane ah Q.17aad. W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

  Deeqa waxay soo martay guriga saaxiibteed Mulki Hilowle si ay ugu sheegto nasiibka ay ku soo heshay guriga Macalin Maxamed Xuseen, laakiin Mulki oo aan wejiga siin karin Macalinkeeda ayaa ka diiday inay berri galab u raacdo xaafadda Macalinka, inkastoo ay Deeqa aad u jecleyd inay Mulki wehel u noqoto, haddana middaas uma suurta

SIRTA NOLOSHA Sheeko taxane ah. Q.16aad. W/Q. Ahmed Hayow (Dulmidiid)

Eedo Xabiibo oo ka timid Suuqa Siigaale ayadoo daalan ayaa gurigeeda soo gashay, daalka shaqada waxaa uga daran kan maskaxda ay ka daalan tahay, sidi wiilkeeda loo soo tarxiilayba hurdo fiican ma seexan, si fiicana ma soo jeedin oo waxay ku jirtay riyo maalmeed, Eedo Xabiibo waxay ka naxday aragtidaAabe Xuseen Xasan oo soo galay

SIRTA NOLOSHA Q.15aad W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

  Xuseen Xasan ayaa qareenkiisa ku yiri: “nimankaas siday iiga iibsanaayaan guri aan aniga laheyn?” Dr. Mahdi oo fahmay inuu mowqifkiisi ka soo dabcay ayaa yiri: “adiga ayaa haaysta furaha qolka, waxayna rabaan inay (xaqal muftaax) xaqa furaha ay ku siiyaan oo aad isaga guurto haddii aad raali ku noqoto, haddii kalana waxaad xaq u

SIRTA NOLOSHA Q.14aad W/Q Ahmed Hayow. (Dulmidiid)

Subaxdaas oo Jimca aheyd ayuu Xasan soo aaday guriga Eedo Xabiibo, wuxuuna ka soo tegay asagoo ka niyad jabsan diifta iyo murugada ka muuqatay islaanta haaysata carruurta agoonta ah, taasoo xataa hortiisa ay ilmadu uga soo daadatay, asagana uu la ooyay inti karaankiisa ah, asagoo cagajiidaaya ayuu yimid gurigooda, Hooyadiis ayuu uga sheekeeyay qisada xanuunka

SIRTA NOLOSHA Q.13aad. W/Q Ahmed Hayow. (Dulmidiid)

Xasan(3x) markuu ogaaday inay Busaad isku qarinaysay fariinta Hadiyada ay ugu soo fartay Hooyadiis ayuu ku yiri: “gurigeena markaan tago waxaa layweeydiinaa hadiyada aad tiri ha soo doonto, marka maxaan u sheegaa?” Busaad oo aan helin jawaab ayuu ku yiri: “waxaan aadaa magaalada si aan hadiyad uga soo iibsado” Busaad ayaa ugu cudurdaaratay:”waa ka xumahay

SIRTA NOLOSHA Q.12aad. W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

Busaad waa maalinti ugu horeeysay aanay arkin Xasan oo markuu gurigooda ka soo qadeeyo dhakhso uga imaan jiray, waxay istiri: (maxaa helay !) waxaana galay walwal ay garan wayday waxa u sabab ah, waayoo kuma baran inuu Xasan intaan ka maqnaado asagoo aan u sheegin inuu ka soo daahaayo, haddii aanu u sheegin halkuu aadaayo,

SIRTA NOLOSHA Q.11aad. W/Q Ahmed Hayow. (Dulmidiid)

Aabe Xuseen wuxuu qabsaday Qareen la yiraahdo Dr. Mahdi oo subaxdii jawaabta inuu geeyo saldhiga laga sugaayay ayuu aaday Dr. Mahdi oo u galay Taliyihii saldhiga, wuxuuna qareenku u sheegay Taliyihii inuu kiis uga furay Maxkamada Racfaanka dacwada loo haaysto Xuseen Xasan (Xuseen Arji), waxaa kale uu u sheegay warqad kiiskaas ku saabsan in loogeeynaayo

SIRTA NOLOSHA. Q.10aad W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

Maxamed Xuseen oo quraacanaaya ayaa waxaa albaabka soo garaacay Maamule ku xigeenki dugsiga dhagaxtuur oo ay la socdaan masuuliyiin ka socda Wasaarada Waxbarashada, Maxamed wuu ka naxay aragooda, wuxuuna u qaatay inay ugu yimaadeen dacwad kale, waxaa albaabka ka furtay Hooyo Khadiijo oo ayadana layaabtay waxay ka rabaan wiilkeeda ay shaqadiisi ka soo eryeen, makaas

Top