Sheeko articles

SIRTA NOLOSHA. Q.10aad W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

Maxamed Xuseen oo quraacanaaya ayaa waxaa albaabka soo garaacay Maamule ku xigeenki dugsiga dhagaxtuur oo ay la socdaan masuuliyiin ka socda Wasaarada Waxbarashada, Maxamed wuu ka naxay aragooda, wuxuuna u qaatay inay ugu yimaadeen dacwad kale, waxaa albaabka ka furtay Hooyo Khadiijo oo ayadana layaabtay waxay ka rabaan wiilkeeda ay shaqadiisi ka soo eryeen, makaas

SIRTA NOLOSHA Q.9aad W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

Deeqa iyo Mulki waxaa laga joojiyay waxbarashada inti ay ka dhammaaneeyso baarista, Hooyo Mako oo ku ogeyd gabadheeda inay ka bedelanayso dugsiga, ayaa layaabtay isbedelka ku dhacay gabadheeda markaa ayay waydiisay: “mowqifkaagi hore maxaa kaa bedelay, kaas oo ahaa inaad dugsiga ka bedelato?” Mulki ayaa tiri: “Hooyo mabedelin mowqifkaygi hore” Hooyo Mako oo madaxa ruxeysa

SIRTA NOLOSHA Q. 8aad W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

Mulki oo Deeqa uga jawaabeysa sababta ay dugsiga uga soo tagtay ayaa ku tiri: “waa sida aan uga soo tegay saaka, waana ka bedelanaa dugsigaas” Deeqa oo layaaban ayaa tiri: “wixi dhacay annigaba waa ka xumahay, waana adiga qofka i dareensiiyay xummaantaa aan sameeyay, laakiin haddii aad go’aansatay inaad iiga tagto moolka aan ku jiro”

SIRTA NOLOSHA Q. 7aad. W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

Fasixi wuxuu Xasan iyo Busaad ugu dhammaaday xiiso iyo isbarasho, laakiin wuxuu cuqdad wayn geliyay Samatar oo marka dugsiyada la xiro kadib, laga sugaayay inuu soo doonto gabar uu guursan lahaa, waayoo waxaa Samatar raacay Aabe Xuseen iyo curadkiisa Maxamed, balse reerki gabadha dhalay ayaa yiri: “waxaan rabnaa waalidiinta Samatar” sidaa ayay arrinti dhaafi wayday,

SIRTA NOLOSHA Q.6aad W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

Sureer ayaa waxay doontay Muufo lagu casheeyo habeenki ay soo kala tageen Maxamed habeenki ku xigay, inti cashada la cunaayay ayay Busaad dareentay in aanay ka soo gedin Eedo Khadiijo, markaa ayay tiri: “Sureer yaad  Muufada ka soo iibisay?” Sureer ayaa ugu jawaabtay: “ma xuntahay Muufada aan keenay?” Suleymaan ayaa yiri: “Muufadi la soo gedi

SIRTA NOLOSHA Q.5aad W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

Haddii ay wax akhrisanaayaan waxaa lagu wada akhristaa guriga Busaad oo reerkeeda u sheegtay inuu Xasan yahay wiilka dugsiga ugu Aqoonta badan, middaas uu u qiray Ciise marki ay waydiiyeen wiilasha la dhashay Busaad, waxaa gabadhooda loo helay wiil wanaagsan oo lagu aamini karo. Xasan wuxuu dhex galay reer Saxardiid, wuxuuna noqday sidi wiil ay

SIRTA NOLOSHA Q.4aad W/Q Ahmed Hayow “Dulmidiid”

Samatar markuu uga sheekeeyay Aabe Xuseen Aji, ayuu gacanta ka soo qabtay, wuxuuna ku soo dhexdaray carruurtiisa, sidaa ayuu Samatar uga mid ahaa reer Xuseen Arji ilaa uu ka bartay farsamo uu kaga shaqeysto wershedda Oomada Bayl oo uu hadda agaasime waaxeed ka yahay, Samatar weli ma helin Aabahiis Korneel Dirir, mana dareensaneyn inuu wax

SIRTA NOLOSHA. 3aad W/Q Ahmed Hayow Dulmidiid

  Habeenkaas Reer Saxardiid waxay ku casheeyeen Muufo laga soo geday Eedo Kheyrto oo ay soo wada iibiyeen Sureer iyo Ciise, kadib markuu Ciise u sheegay inay aad u fiican tahay Muufada Kheyrto, markii ay casheeyeen ayay derbiga bannaanka soo fadhiisteen Busaad, Ciise iyo Yoonis oo cabaar la joogay wax yar kadibna ka tegay, Busaad

Top