Maanso articles

Maansadii: Darartii Maandeeq Curiye: Kunciil Qorrax

Maansadii: Darartii Maandeeq Curiye: Kunciil Qorrax

Maansadii: Darartii Maandeeq“Dulmahaan u doodaaDiracaan dhoweystaaDanyartiyo agoontaanDusha xanaf ka qabatiyoDaqarrada u diidaa.Babbadkiyo dabeeyshiyoDulduleelka hoosaanKa daardaariyaayooDugsi dhaxanta celiyiyoDayr baan u ahay wayn.Dalku waa dalkeeygiiDadku waa dadkeeygiiDiinta iyo dhaqankiyo Diirkiyo dubaaqiyoDareenkaan ka simannahay.Laba doodday waa dawLaba dirirtay waa duugDarma dhigasho waa gacalIs dulleyntu waa qurun Dadnimadana ku ma sama.Dayax shaniyo tobanooDusha sare ka soo baxaySacab laguma daarsheeDibnahaaga ka adkoow.Ruux

Maansada: DHAKAFAAR JACAYL W/C: Sacdiyo Maxamuud Garcadde

      Maansada:  DHAKAFAAR JACAYL.Maansadan  DHAKAFAAR  waa maanso ka hadlaysa, Gabadh  uu dersay  jacayl, waxay la garnaqsanaysaa jacaylka,  waxaanay  raadineysaa, xalka iyo habka ugu fudud ee ay ku hanan karto,  sida aad arki doonto waxay ku soo halqabsaneysaa Rag badan oo Hal abuur ah, dhinac walba oo bulshada ahna waxay  weydiineysaa, Taageero bal sida ugu haboon, waa

Maansada Gaax jacayl W/C: Sacdiyo Maxamuud Garcadde

 Maansada  Gaax jacaylMaansadan waxaa curisay  Sacdiyo  Abwaan Maxamuud Garcadde, waa maanso ka hadlaysa  dulqaadka iyo gigsashada dareenka jacaylka markuu dego wadnaha ee qofka ku keliyeysto iyo marka lala wadaago ee dib ugu guuleysto, bogasho wacan. Jaceylkaan gu’yaal badanGuudkeyga saartooLa gucleeyey kaligeeyGadgaddoonka jiifkiyoUga go’ay hurdada badi.Gacal kaan u moodiyoGeesigaan jeclaadaneAsoon garab i siineynLa guhaadey kaligeey. Muddo waxaan goohoIlmo

Maansada: Yaacdo dhega xiran Curiye: Abwaan Maxamad Xuseen Faarax

Maansada: Yaacdo dhega xiran Ciisoow ya’leeydii Yalka iyo dabeyshiyo Yayeentii war qaadkiyo Ii keenyey yaaruhu. Ha yeeshee, yabaalkiyo Yalanyoolka nagu dhacay Waa ammuur la yaablehe Anna yeleled faallada Aan warbixin yulyuliyee Dhug u yeelo maansada. Siyaasiyiintan yeeydaa Yamaahuur yugyugadaa Kulligood yuxuushtaa Maxay yihiin haddaa tiri Yamaanyugga silloon iyo Waa yabaro qaabdaran Wacdi loo yaboohiyo Waanada ma yeelaan Eheb

Geeraar: Calan Yahow Rag U Hoobtay! W/T: Ibrahim Nolosha

Geeraar: Calan Yahow Rag U Hoobtay! Geeraarrkan “Calan yahow Rag U Hoobtay” waxa aan curiyey bishii Juun 26-keedii, sanadkii 2016. Maalmaha xorriyadda ayaa aan ugu talogalay in aan uga qeybgalo kuna muujiyo dareenkeyga ku aaddan marxaladihii uu soo maray calanankeygu iyo haddeer sida uu yahay. Geeraarku waxa uu ku billaabmayaa sida tan:- Hiimammow dadku jiifoAnigoo hurdi waayeyHadba

QORAAL + MUUQAAL: Maansada Gablan Oo War-celin U Ah Maansadii Gurbood Ee Ay Curisey Hodan Sheekh Cumar.

Maansada Gablan waxa curiyey Ibraahiim Cismaan Afrax (Nolosha). waxay jawaab u aheyd maansadii Gurbood ee dhawaan ay tirisey hal-abuurad Hodan Sheekh Cumar. Hodan waxay ka wareysatay Ibraahiim xaalka waddanku halka marayo, in laga gudbay abaarihii iyo in kale iyo arrimo kaloo dhowr ah. Ibraahim oo ka jawaabaaya wadar su’aalo ah oo lagu weydiiyey maansada Gurbood,

Heesta: Xeel gurracan! Curiye: Bashiir M. Xersi

Heesta: Xeel gurracan! Xusas dhigatooyXiiso badaneeyXis madoobeey Xusuus laayeeyXan ku nooleeyXamaasado iyoXiisad kicisooy. Xiiqsan oroddooy Xuurto daashaayXuquuq qarisaayXaq dabooshaayXaqiiq diiddaay! Xurgifhii horeEe la xallin rabayXanateeyaayXalay iyo shalayXaggii lagu jabayKu xadraysaay! Xoolo dhaqashiyoXamaal qaad iyoXoogsigii shaqoHawl xalaaleedIs ka xoortaay! Xalaal diiddooyXaaraan dubatooyXaqu naasyadaXaabsatooy cuna. Xeer dadweynahaXukun dawligaLoo xadidday shalayKu xadgudubtooy. Xal ma eegtooyXil ma garataayIs xagxatooyXujo hadal iyoXin ku tookhaay. Xer qabiil iyoXubno beelahaLaga

Maansada: HABLAHEENNA Curiye: Bashiir M. Xersi

Maansada: HABLAHEENNA  Hablaheennu waa gobeRaggii baa hagranayooHayin iyo u noqon hebed. Hablaheennu waa gobeRaggaan hiil u gelinooLa hinjinin canaabaha. Hablaheennu waa gobeRag la hawl galoo wacanOo hagaagsan baan jirin. Hablaheennu waa gobeRag hagoo agaasimaHorkacaaya may helin. Hablaheennu waa gobeWaa hubqaad itaal leheRag horboodayaan helin.  Hablaheennu waa gobeWaa hormuudka nolosheeRag hareer socdaan jirin. Hablaheennu waa gobeRag hilaadin karayoo Hantiyoo wadaan helin. Hablaheennu waa gobeRaggii

Maansada Qarib W/T: Bashiir Cali Barre

            Maansadan Qarib  waxaa curiyey  Laashin  Bashiir Cali Bare,  Waa maanso ka hadlaysa  waaqica taagan iyo dhibaatada  geyiga Soomaaliyeed ka jirta,  haddaba  waa tan  ee ka bogo: Dalkeenna waxaa qarribay Waxaa qadaf noo horkacay Dumiyay qarankeeniyoo Dunida kale naga qoqobay Qabiil ku jeclaansho iyo Nacayb qolo gooniyoo Qalad weeye ficilkaase

Maansada: Bilis weeye idilkood W/C: Ibraahim Cismaan Afrax

Waa maansadii “Bilis weeye idilkood”    Maansadan waxaa curiyey Ibrahiim Cisman Afrax,  isagoo ku cabiraya  dareenkiisa suugaaneed, haweenka Soomaaliyeed iyo milgahooda wuxuu yiri:   Maansada: Bilis weeye  idilkood   Cirkoo seymo buuxsheen Barta laga filaayiyo Barinkii u oonnaa Haddey Baal ka dhaaftoo Hogashii Ka booddaba Baabac timo leh weeyaan Buur iyo bannaankeed Inuu Baad ka

Top