Guurka AJNABIGA iyo aragtidaan ka qabo W/Q:- Bashiir Cali Barre

sh

Guurka AJNABIGA iyo aragtidaan ka qabo

Soomaalidu dhaqan & caado midna uma lahaan jirin ajaanib guursiga rag iyo dumar kuu doono ha ahaadee, waxaase waayahaan danbe soo baxay natiijo ka duwan tii horey soomaalida loogu yaqiinay taasoo ah in guursiga ajnabigu ay tahay mid u dhaw inay wax iska caadi ah noqoto. waxaa jiri kara dad badan oo qaba ra’yi ah ‘waqtiyo badan ayaa soomaalidu ku jireen AJNABI guursiga ”lanoolaansho” ee maxaa hadda loo buunbuuninaa?’. Waa jirtaa in laga soo bilaabo xiliyadii gumeysiga ay dad fara ku tiris ah oo soomaaliyeed ay yeesheen lamaane shisheeye ah kuwaasoo LAB & DHEDDIGBA lahaa, ugu badnaana waxay ahaayeen kuwa u dhashay dalalkii soomaaliya gumeysan jirey sida ITALIA, ENGLAND IWM. Nuuca shisheeye guursi ee hadda taagani waaka baaxad iyo qatar badan tahay tii jirtay qarniyadaa aynu soo tilmaanay SABAB? hoos usii raac:- Soomaalida maanta qurmaha ku nooli waxay gaaraysaa ama u dhawdahay 30% kamid ah shacabka soomaaliyeed, halka xiliyadii ay gumeysiga & shisheeye guursiga wada socdaa na soo weerareen aysan jirin tiro boqoleey noqon karta oo shacabka soomaaliyeed dibadda dalka kaga maqnaa haba noqoto 0.000001%’e. haddaba 30% oo qaar badan shisheeye guursiga u kaban garaaca ay ku jiraan ayaa qurbaha ku nool waxaana u sahlan inay si fudud ayaga iyo carruurtooduba ugu milmaan qoomiyado kale oo aan nagu diin, dhaqan iyo midab ahayn waana tan sababta ay maanta uga qatar badantahay shalay. Dad badan ayaa aaminsan in dumarka kaliya ay yihiin kuwa aadka u xiiseeya u xarooshaha xeryaha shisheeye iyo xaluulashada xalaasha iyo xishoodka ku suntan, laakiin sidaa xaalku maahan ee waxaa jira rag badan oo arintaan ku sifoobay haba tira yaraadaan dumarka’e, sidaa daraadeed waxaan dhihi karaa:- RAG & HAWEEN HALAAGGII DHACAY LOOMA KALA HARIN!!! -MAXAA SABABAY INAAN AJAANIB LA GOGOL WADAAGNO ANAGOO HELI KARNA GAYAANKEEN? Muran iyo is qabqabsi u dhexeeya lammaane kasta oo soomaaliyeed malahayga waa mid jira, qaladka intiisa badanna waxaa leh ragga oo sidii loo baahnaa aan ula dhaqmin dumarka xilaha u ah kuwaasoo xitaa hadday qalad galaan mudan in loogu dulqaato illaa intii xad ah taasina inta badan ma dhacdo. Sidaa darteed dumarka ajaanibta guursaday qaarkood ayaa Ragga soomaaliyeed ku eedeeya inaysan xaasaskooda inta badan ka talo gelin hawlahooda shaqo ee u gaarka ah ee markey doonaan ayey baxaan markey doonaanna waa yimaadaan taasna dumarka qaarkood kuma qanacsana ee waxay doonayaan inay la socodsiiyaan tilaaba kasta oo ay qaadayaan ayagoo xoogaa Romantic ahna ku laraaya Tusaale:- Baby company-gii aan u shaqaynaayey waan ka tagay shaqooda oo waxaan ka hawl bilaabayaa company hebel saacadda shaqaduna waa sidaa & sidaa, marka uu shaqada ka yimaado waa inuu islaanta labada dhaban ka dhunkadaa dhahaana ‘baby maanta dhan aa cidlootay nh sorry nh xabiibi balse haddaan kuu imaaday ee maxaa hawl qabyo ah aan kula qabtee’!!!!! La’aanta qodobo ay kuwaasi kamid yihiin waa burbur qoys iyo Romantic la’aan isku darsan. Ogoow Romantiga ay gabdhaha qaarkood ku naanaabaan inuusan intaas ku ekayn ee uu jiro mid sariireed kaasoo ka dheeri ah inta laga yaabo inaad maanka ku hayso ee haddii ay dhacdo inaad dalab dheeri ah la kulanto ha noqon mid kadida ”ka orda” gurigiisa ee si uun isaga xali kolaad bac afka ku duubatana!!!. Anigu waxaan aqaan ama ogahay dhowr sababbood oo gabdhaha soomaaliyeed ku qasba inay ajaanib u xaroodaan balse ma garan karo sabab ragga soomaaliyeed ku qasbaysa inay habro chinese ah u xaroodaan ayagoo waliba 20jiro ah. Sababaha hablaha soomaaliyeed ku qasba labadaan arimood ayaa kamid ah:- 1-IIMMAAN LA’AAN ”mid hantiyeed iyo mid galmo la xariirta aanse si toos ah u ahayn” 2-INAY TAHAY MID NOLOSHA KA DHACSAN ”ku fashilantay inay ka gadanto wiil soomaaliyeed oo gayaankeeda ah” U malee ragguna sidaas si lamid ah ku sifaysan yihiin laakiin sida runta ah anigu wax xog ah kama hayo ee haddii aad ka hayso nala wadaag.

W/Q:- Bashiir Cali Barre

SHEEKOOYIN