MASKAX KALE AYEY KU SOCDAALAAN W/Q; Mahad Xaashi Maxamed

MASKAX KALE AYEY KU SOCDAALAAN

Dhawaanahanba waxaa aad usii badanayey wararka sheegaya in caruur Soomaaliyeed oo qurbaha ka tagtay ay ku biireen kooxaha ka dagaalama qaybo ka mid ah Bariga dhexe, iyadoo qaar ka mid ah war-baahinta dunida iyo baraha aaladda Internetka ee Soomaalidu ku kala war-qaadato ay hareeyeen muuqaallo la soo xigtay oo caddaynaya qaar ka mid caruurtaas oo ku sugan goobaha ay ka arrimiyaan kooxahaas iyagu ku doodaya in ay gar-wadeen ka yihiin dagaal barakaysan oo ujeedadiisu tahay in dunida oo idil diinta Islaamka lagu gaarsiiyo. Ma ahan Bariga dhexe kaliya halka dhallinta qurbaha ka tagtay lagu arkay iyagoo arrimo caynkaa ah ka qayb qaadanaya, oo Soomaaliya iyo meela kale oo kooxaha fikradaha nuucaa ah wata ay joogaan ayaa horay luugu arkay, waxaase waydiintu tahay maxay tahay sababta ay dhallintani arrimahaa u galaan? Yaase ka dambeeya ama ku kaalmeeya in ay howshaa galaan?….Adigu ka feker basle anigu aan aragtidayda ka war-celiyo ee ila soco.
Haddii aad u fiirsato dhallintaa oo lab iyo dhedigba leh waxay wadaagaan saddax arrimood, tan koobaad dhammaantood aad ayey u da’ yaryihiin oo intooda badan 25 sano way ka hooseeyaan waa tan labaade intooda badan arrimaha Diinta la xiriira dhowaan gal ayey ku yihiin oo haddii aad tagtadooda sii raacdo waxaad ogaanaysaa inaanay xiriir badan la lahayn wax diin ah intaanay howshaan gelin ka hor (Xiriirka diimeed ee aan ka hadlayo halkan uma jeedo rumaysnaanta..) oo waxaad ogaanaysaa in ay ahaayeen dhallin siday doonaan iskaga noolaa wax dabar diimeed ahna aan xeerin jirin, isla markaana inta badan qoysaska ay ka soo jeedaan intooda badan ma ahan dad diinta ku ad-adag. Arrinka seddaxaad ee ay wadaagaan dhallintaasi waa in intooda badani ay ku dhex barbaareen bulshooyin aanay isku diin rumaysnayn. Oo haddaa arrimahaasi maxay xiriir la leeyihiin in dhallintu fikirkaa xag-jirka ah qaadato?. Waa runtaa oo waa inaan sii saafaa warkayga.
Da`yaraanta iyo aqoon yarida xagga diinta ah waxay sahlayaan ka raarididda afkaaro qaldan oo aan diinta sal ku lahayn oo lagu sheegayo inay diin iyo lama dhaafaan u tahay qofka muslimka ah, iyadoo la hubo in waayo-aragnimada qofku ay qayb wayn ka qaadato go,aan qaadashadiisa. Dhanka kale haddii aan fiirino ku barbaaridda dhalintu ay ku dhex barbaareen bulshooyin aanay isku diin aaminsanayn waxay ka mid tahay wax yaalaha loo isticmaalo in afkaarta qaldan laga dhaadhiciyo, tiiyo in badan loo tuso in wax yaalihii xuxumaa ee ay bulshooyinkaa kala kulmeen intay la noolaayeen sababtoodu ahayd mid la xiriirta DIIN….Haddii aan qaar sababaha fududeeya in dhallintu fikirkaa qaataan ka war-celinnay, bal aan dib ugu laabto waydiintii kale ee ahayd yaa ka dambeeya in dhallintu howshaa galaan.
Meel walba waxaa jooga kuwa manaxayaal ah oo magaca diinta ku qaraabta, waxaase ugu daran kuwa aan la ogayn ama aan la iska jirin, kuwaa oo aad ugu badan hadda soomaalida qurbaha ku nool dhexdooda, sababa badan oo is biirsaday awgood qolooyinkaa waalidiinta soomaalidu aad uguma baraarugsana waana midda keentay inay aad usoo bataan caruurta la safrinayo ee loo dirayo meelaha dagaaladu ka socdaan. Qolooyinkaan oo inta badan ku qaraabta guryaha ilaahay dadkuna u haystaan culimo iyo barayaal wanaagsan ayaa si fudud dhallinta ugu beere fikradaha qaldan iyagoo ka faa,iidaysanaya arrimahan kor ku soo sheegnay iyo duruufaha dhallinta qurbaha inta badan lasoo dersa oo ay keenaan dhaqamada is jiira.
Haddaba haddii aan ka soo hadalnay sababa fududeeya in dhallintu fikirkaa u jilicsanaadaan iyo cidda ka dambaysa waxaa lama dhaafaan ah in aan xalka is waydiinno, aragtidaydana waxaan ku talin lahaa.
1- In waalidiinta qurbaha ku nooli ay caruurtooda aad ula socdaan, kana war hayaan guud ahaan xaaladdooda nololeed, cidda ay fikir ahaan ku xiran yihiin, halka ay wax ka bartaan, waxa ay la dhacsanyihiin iyo waxa ay diidanyihiin I.W.M
2- In bulsha kasta oo meel ku wada nooli ay si wadajir ah arrimaha nuucaa ah ee aan kasoo hadalnay isugu baraarujisaa, halisteedana isu tusaan ugana wada shaqeeyaan sidii looga hor tegi lahaa, iyadoo ay tahay in wadamada lagu nool yahay talisyada ka jira loo sheego dadka afkaarahaa qaldan wada ee magaca diinta caruurta ku safrinaya.

Mahad Xaashi Maxamed
mahdixaashi@hotmail.com

SHEEKOOYIN