Ma GUNTII ayaa GAASHAANDHOGGAYGII fadhida! W/Q: Cali Maxamad Maxamuud

qormo

Ma GUNTII ayaa GAASHAANDHOGGAYGII fadhida!

 

Waa sheeko, uu ila wadaagay oday ka mid ahaan jiray xooggii dalka soomaaliya. Waa qiso aan xusuusan doono inta aan noolahay.

Axmed waa nin oday ah, waqtigu waa abbaare 1997dii. Xilligan Axmed waa wade gaari weyn nooca xamuulka qaada, isagana kala goosho magaalada Muqdisho iyo Harta Sheekh, oo ka mid ah dhulka Soomaali Galbeed.

Adduun waa meerto e, subax barqinkii ayaa aniga iyo Axmed Qabri Bayax oo u dhexeeya Jigigo iyo Harta Sheekh ka raacnay bas, ku sii jeeday magaalada Jigjiga, is aannu u helno, isgaarsiin aan kula xariirno ehelladii iyo asxaabtii ganacsi, een ka soo tagnay.

Waddada aan ku safreynno oo xilligaas aan fiicneyn awgeed, wuxuu gaarigii nala luudaba, cabbaar ka dib, waxaan soo gaaray meel taag ah, oo duleedka bari kaga beegan Jigjigadaan ku soconnay, waana meesha la yiraa Burka Garab Case.

Axmed oon is hareer fadhinnay, ayaa is tartiib ah intuu gacantiisa bidix shaarka kaga qaaday i tusiyay dhaawac cududda kaga yaallay, ayaa yiri;

“Wuxuu nabarkan i soo gaaray 1977kii, xilli aan ka mid ahaa sooma jeesta yaashii qaranka, oon halkan hadda mareynno ku soo weerarnay Xabashi ku laheyd saldhig ciidan, oo weyn, balse, dhib iyo tacab ka dib aan kaga saaray awood iyo muruq.

Axmed wixii maalintaa ka danbeeyay, waxaan wadaagnay in badan shaqo iyo sheeko labadaba ah xilli aad u dheer. Waqtigu waa ma kaadsado e, 10sano ka dib 2007dii ayaa waxaa Xamar soo gaaray ciidamadii Itoobiya.

Aqriste, sidaan hore kuugu sheegay aniga iyo oday waaya joog Axmed ba shaqadeennu waa safar u dhaxeeyo Soomaali Galbeed ilaa Xamar. Markan waa bilihii hore ee 2007da waxaan ka nimid xaggaa Soomaali Galbeed, waxaan soo soo soconnaba waxaan ku nimid waddadii aan ku safreynnay oy biyo jareen. Meel ku abbaaran degmada Mahaddaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo uu ku fatahay wobiga Shabeelle, taasoo quus ka dhigtay inaan waddadaa ku safarno, balse, waxaan u weecanay waddo qarda jeex ah, si aan uga soo galno Xamar waddada Afgooye, maadaama ey go’an tahay tii aan heynay (ku soconnay) ee xiriirineysay Gobollada Dhexe iyo Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan goor casar ah soo gaarnay Ex Koontarool Afgooye, oo ey joogeen ciidamo Soomaali ah, oon la mucaamilnay, si la mid ah jid gooyooyinkii aan soo marnay, ee wajiyada kala duwan lahaa, waxaanna sii wadannay socodkeennii, si aan badeecaddeenna u geysanno suuqa Bakaaraha. Waxaan marnay waddadii Warshadaha oon firaaqo u doorannay, balse, marka aan hormareyno dhismihii Wasaaradda Gaashaandhigga, oo waddadaa ku hareer taal ayuu Axmed in dhaha mar qura la helay Askar ka mida ciidamadii Itoobiya, ee xilligaa Muqdisho joogay, oo dhex daggan dhismaha Wasaaraddaa, waana markii ugu horreysay uu Axmed arko Itoobiyaan iney halkan dageen, balse, wuu ogaa in ey dalka guud iyo caasimaddaba joogaan, balse, asagu halkan malaheyga ey heybad gaara, oo xirfaddiisa ku aaddan ey u laheyd ayuu mar qura dhawaq dheer ku yiri, asagoo aad mooddo inuu ogaalba laheyn;

Ma nimankii aan sidaan ogaa ugu galnay Garab Case ayaa maanta Gaashaandhiggeennii dhex fadhiya!” Asagoo gacantiisa midigna ku yara xoqayo qadaadka, oo uu ka muuqdo fajac iyo amakaag iyo u qaadan waa waxa dhacay.

Ciilkaanbin badanaa, nafsaddiisu ey la ciirciireyso! Malaheygu waddaniyad gaara ayaan isleeyahay wey gubeysaye, in badanoo laga yaabo in dhibkiisa ka ballaaran uu ka soo gaaray halgankaa ama madaxdiisii ciidammadaba ey ka mid yihiin ayaaba qaxwaha la cabayay ama qorshaha la dajinayay sidey halkan ku soo gaari lahaayeen kuna sii joogi lahaayeen Gabre iyo geyshkiisii!

 

W/Q: Cali Maxamad Maxamuud

alimaxamed1@hotmail.com

SHEEKOOYIN