SHEEKO: JACAYLKEEDA AYAAN LA NOOLAHAY Q4AAD W/Q: Mohamed Musa Sh Noor

sheeko

SHEEKO: JACAYLKEEDA AYAAN LA NOOLAHAY Q4AAD

 

Waxaan dhex galay runtii hawo kale, waxaan ku dhex dabaalanayay Bad kal,e oo qof igu wehlisa aysan jirin, aniga oo biyaha hadba dhinac u raacaya, iftiin aad u qurux bandanna uu marba meel iiga muuqanayay, hamiga aan lahaana uu ahaa in aan mar uun iftiinkaa aan gaaro, si aan uga baxo Baddan mugdiga ah ee aan ku daalay dabaasheeda.
Habeenkaa sidaa ayuu kusoo dhamaaday iyada oo uu sii kordhay xiisaha la isku qabo, waxaana loo ballamay habeenka ku xiga, xiisaha uu qof walba kan kala u qabana ma ahayn mid la xisaabi karo, sidaas ayaana lagusoo kala tagay.
Waxaan dhex galay Duni kale, gabadhaas waxay si la hubo u dhex dagtay qalbigayga, mana ku fakarin marnba in aan wax isla wayn karno waana sidaas sida aan ku hamminayo in aan waxba la wayn gabadhaas, oo aan wada rumayno riyada aan kuwada naaloonayno.
Habeenkii sadexaad wuuba kasii darnaa sida labada habeen ee hore, waxaana ku casuumay maalinka jimcaha in ay xaafadayda timaado,wayna iga aqbashay runtii,waxaa jiray gabar walaashay ah oo aan aad u jeclaa waana u sheegay in marti ay noo imaan doonto maalinka Jimcaha lana doonayo in si wanaagsan loo marti qaado,ayna noqotaa xaafaddena mid loo soo xiiso, wayna iga aqbashay runtii waana waxa aan ku jeclahay in mar walba ay garabkayga taagnaato qof haween ah, haddii ay ahaan lahayd mid ii dhaxda ama mid ila dhalatay iyo midda I dhashayba.
Dumarka sidoodaba waa naxariis iyo neecow aad u macaan oo uu allah noogu deeqay hadaan rag nahay, waxaana nalaga doonayaa in aan si wacan uga taxadarno, waan dhaawacnaa mar walba ayagana wayna dhaawacaan balse, taas ma ahan macnaheeda mid inoo sahlaysa in aan ka dhigano cadowgeena koowaad, ninka cadow ahaan dumar u aaminana waa nin nacas ah runtii oo aan aqoon halka uu ka yimid iyo halka uu socdo.
Jimcihii ayaa la gaaray sidii loogu tala galay ayay kusoo gab-gabowday qada sharaftii loo sameeyay astaanta noloshayda gabadha ahayd, qof walba isaga oo faraxsan ayaana maalintaa si fiican la iskugu muusooday, gabadha walaashay ah ee qaybta wayn ka qaadatay arrintaana mar walba waa mid qayb ka ah noloshayda inta aan noolahay, waxaana xaafadda looga kala baxay labadeena is calmatay si waqtiga aan mudanahay aan ugu wada qaadano meesha.
Dagnaanta gabadha ka muuqato iyo sida ay iskugu key aamintay ayaan mar wlaba oo xusuusteeda aan galo la yaabaa, si fiican ayaana maalintaa ugu ildoogsada xubintii ugu horaysa jirkeeda ee habeenkii koowaadba I deeqay waana marka ay galalac ka siiso indhaheeda qaasatana marka ay usoo libriso xagayga.
Galabkaa wuxuu gabbalka inoo dhacay inaga oo waqtigeena si wanaagsan u wada qaadanay, qof walba ay qanaaco buuxisay qalbigiisa, sidaas ayaana ugu sii galbiyay xaafaddeeda, waxaana loo balamay in jimcaha dambe casuumaadda ay xageeda tahay waana ka cudur daartay runtii oo jimcahaas waxaan ahaa mid balan kale meel ku leh waliba balan qoyseed oo waxaan rabay in aan booqdo xaafadda Aabahay oo ku tiil xagaa iyo caymiska oo aan muddo gaaban moogaa,wayna iga aqbashay runtii.
Balse, la yaabka ayaa ahaa markii ay iga codsatay in galabkaa ay I raacdo si aan usoo baro aabahay, wax wayn ayay ila noqotay runtii balse, waxaan iska qancay markii ay I tiri “aboowe meesha aad u malaynaysid meel ka fog ayaad iiga taalaa, ififaalaha dhaxdeena ah ee ii muuqdana wuu igala sii weenyahay halka aad mooddo ee waxaan kugu adkaynayaa in aad isoo barto walalahaa iyo waalidkaaga waana ka aqbalay runtii sidaas ayaana la isku maca salaameeyay.
Laba maalin markan lama wada kulmin oo waxaan isla garanay in aan xoogaa bareegga u dhigno arragtida badan si xiisaha uusan nooga dhamaan, wuxuna ahaa codsi xaggeeda ah ee ma ahayn codsi xagayga ah.
Maalintii sadexaad ayaa waxaa warqad la iigu dhiibay gabadh walaashey ah, iyada oo ii sheegtay in maanta ay timid mucjisada maankayga meeshan, ayna ku daahin oo warqaddan iga gaarsii ayaa la I yiri abowe waana tanahaa ee aqriso, sidii ayaana ku kala furay warqadda, waxay ahayd warqad xambaarsan fariin jacayl oo la igu guubaabinayo waxna la iigu sheegayo.
Ma jirin wax is badal ah oo kusoo kordhay xiriirkeena, waxa saa’idka ah ee warqadda ku qornaa ayaa ahaa in aan aqbalo in jimco walba la iigu yimaado xaafaddayda, qasabna maahan in aan la joogo iyada oo hadii aan rabo in aan kubad ciyaariddayda sii aado aan aadayo.
Balse subixii saddex saac ilaa galabtii ay iyada joogayso lana joogayso walaashey, haddii aan doonana aan la wada joogi karo, muhiimmadana ay tahay in la igasoo ag dhawaado jacayl darrana la ii qabo.
Waa mid ka mid ah fariimaha warqadda ku qornaa oo I farxad galiyay, balse waxaan is waydiiyay duruufta ma ii saamaxaysaa in gacalisada qalbigayga oo joogta aan iska baxo oo kubad aan aado ?waa su’aal igu adkayd balse aan waqtiga u daayay in uu xaliyo jawaabteeda.
waxaana jirtay warqad kale oo aan qoray oo aan ugu jawaabayay oo isla walaashey aan u dhiibay, si fiican ayaana la isku dhex galay runtii gabadhu aniga kaliya qalbigayga ma dagin oo walaashey ayay si fiican isku sii dhex galeen isna fahmeen taas oo wax badan sii fududaysay xaqiiqdii.
Waxaa la gaaray maalinkii jimcaha ahayd ee la ballansanaa, subixi hore afar saac ayaa la ii iyimid isla markiiba waan baxnay oo waxaan qadadda ku lahayn xaafadda Aabe, waxaana joogay gabar igu aaba ah oo walaashey ah iyadana aan si aad ah u jeclaa da’da iga waynna ahayd waana u sheegay in qof qaas oo qaali ah ila socoto lana doonayo in boorka la iska jafo.
waan nabad tagnay xaafaddi aan u soconay, waddada marka aan marayno waxaanu ahayn laba ayaga isku mashquulsan oo marnaba hadalkooda uusan kala go’ lahayn qosolka iyo daymada naxariista lehna kuwa isku joogteeya ayaan ahayn,ma aqaan runtii sida aan u sawiri lahaa balse sawirkaas waan hubaa in uu ahaa sawir aad u qiimo badan qurux wanaagsanna leh.

LA SOCO Q5AAD

W/Q: Mohamed Musa Sh Noor

SHEEKOOYIN