SHEEKO: JACAYLKEEDA AYAAN LA NOOLAHAY Q7AAD W/Q: Mohamed Musa Sh Noor

sheeko

SHEEKO: JACAYLKEEDA AYAAN LA NOOLAHAY Q7AAD

Waxaan u sheegay xaalka hooyadey, sida ay arrimahan raali uga ahayn, waxay igu tiri “dan iyadaa u aqbalaysa, ma jirto aduunkan hooyo diidaysa horumarka wiilkeeda, hooyadaana waqtiga ayaa wax walba ogolaysiin doono ee aabo u tag, kalana soo tasho arrintan, balse, inta aan aaba u tagin la iga doonayo in aan ku laabto gabadha wax igala dhaxeeyaan,la igana doonayo in aan meel lasoo saaro waxa uu mustaqbalkeena noqon karo, iyo sida aan uga hortagi karno duufaanta soo socota, ee salfan karta mustaqbalkeena, burbruinna karta Riyada aan riyoono maalin walba.
Waxaan si dhaqsa ah ku wargaliyay gacalisadayda, waxaana u sheegay in loo baahanyahay in aan iskugu nimaano kulan dag-dag ah, oo lagu gorfayn doono waddada aan ku wajahayno weerarka inagu soo fool leh,si fudud ayay iiga aqbashay, waxaan maalintaa wada aadnay goob labadeena kaliya nagu qaas ah, oo waxa aan maqlayno oo kaliya ay ahaayeen jibiqda shimbiriha, iyo hawada macaan ee durba dhinac inoo dhaafaysay.
Wuxuu ahaa kulankeena, kulan dareen leh oo jilbaha la isku aastay, aniga karaama ahaan gabadha ma rabin in aan dhaawaco niyaddeeda, mar walbana waxaan waydiinayay habka ay la tahay in aan u wajahno dhibkan ina haysta.
Ogaal la’aan ma jirin, oo way ogayd sida xaalkayga dhaqaala ahaan yahay, gorfayn badan kadib, waxaan isla garanay maadaama culayska u ka jiro dhanka guriga ay ku nooshahay, sidaas si la mid ahna hooyadey ay Iyana culays kale tahay, booskii arinkan looga baahnaa in ay ka qaadato uu banaanyahay, arrimahan oo kale ee ku saabsan guurkanana aan la maqashiin Karin, waxaan go’aansanay in aan is guursano ,waliba meher hoose samaysano, si bari marka arrrinku uu soo shaac baxo ay u noqoto mid lugta kaga xiran nin kale, anigana aan markaa inta banaanka isi soo dhigo dhaho gabadhan aniga ayaa qaba sidaana riyadeena ku rumowdo.
Waa riyadeena, balse ma tahay mid xaqiiqda la jaan qaadi karto? bal ka waran haddii gabadha isla meeshaas la igu siiyo oo la dhaho haddaad qabtid wado, xagee gaynayaa? ileen wax ma haystee cakuye nin ay isugu darsoontay damca iyo tabar xumo.
Go’aanada qaar ma ahan, kuwa farax galin kara qof walba, Aqriste waa laga yaabaa in aad ka xumaatid xaalkeena sida uu yahay iyo talaabada guurka hoose ah ee aan qaadnay, waxayse nagu ahayd huri wayto.
Runtii oo ma jirin wadda kale oo aan isku ilaashan karno, waa sida aan is tusinaya sax iyo qaladba, haddii bari aan waddada lasoo istaago gabar aanan qabin waan jeclahay oo kaliya, waxaa laga yaabaa maadaama uusan xarig jirin, dhaqaalana aanan haysan, in si dadban la iga fara marooqsado sida dhacday dhowr jeer oo ku dhacday dhallinta qaar, kuwaas oo qaarkood aan goob joog u ahaa kuwa kalana aan shekadooda maqal iyo aqrisba ku arkay.
Isla maalintii aan mehersaday gabadhaas waxaan u sheegay walaalkey iyo aabahay iyo walaashey, hooyadayse waan ka qarshay oo ma rabin in ay ogaato ilaa waqtiga ku haboon la gaaro mooyee, aad ayay ii wada caawiyeen runtii qayb wayn ayayna ka wada qaateen, aabe wuxuu soo jeedshay in uu isku duwado raggiisa, oo gabadha ciddeeda toos loogu tago, aniga ayaa ka codsaday in uu iga war sugo, sidaana waxaan u yeelayay balan aan isku ogayn saaxibaddey, oo iyada xitaa diyaar uma ahayn markaa in gambaleelka la yeersho, sababaheedana waa lahayd runtii.
Wax la joogaba muddada maba fogaan, oo marki sadex bil la joogayba waa tan lasoo booday Uur, aad ayaan ugu farxay runtii, waxaa ii rumowday mid ka mid ah riyooyinkii noloshayda, waana jeclaa in aan maalin uu arko ubad aan dhalay, waliba igala dhaxeeyo qof aan jeclahay oo noloshayda qayb wayn ku leh.
isla markii la ii sheegay waxaan go’aansaday in aanann sugin oo gabadha sharafteeda dhowro, waxaan u tagay aabahay uguna bishaareeyay khayrka soo kordhay, aniga oo ka codsanaya in uu gabadha ii doono wuuna igu raacay runtii, balse, waxaa jiray su’aalo badan oo aan is dhaafsanay aniga iyo aabe kuwaas oo ahaa halka aan dagayo, maadaama hooyo aysan ogolayn in aan ka fogaado, waxaan isla garanay gorfayn kadib in uu aabo la hadlo hooyo haddii ay diidana aan la dago gabadhayda xaafadda aabahey oo guri wayn oo uu aaba daganaa qayb ka dago.
Waxaa la ii doonay gabadhii, oo waxaa lala xiriiray Nin Adeer ugu aaddanaa markaa, iyo mid kale oo islaan eedadeed ah qabay, balse ay isku qoys ahaayeen, waxaa loo sheegay waxa laga doonayo in gabadhaa ay tahay, lagana doonayo in ay na siiyaan aabaheedna la socod siiyaan, maadama uusan Magaalada Muqdisho joogin, sidii ayaana la isku af-gartay oo odoyaashii waa na siiyeen, inkastoo habaryarta gabadha iyo walaasheed ka wayn ay filan waa ku noqotay, balse waqtigaa waxba ma oran, maadaama rag ay arrinta dhamaysteen sidii ayaana lagu ballamay, la iskuna af-gartay waxaa kaloo nala ka aqbalay codsi ahaa, in muddo sadex bilood ah nala siiyo, si aan gabadha ugu soo diyaar garowno wadashadeed, si fiican ayaan naloo kaga aqbalay runtii.
Farxad ayay labadeenaba noo ahayd, balse, waxaa sii badanayay cadowga kusoo biirayay in aan midowno, oo markan waxaa saaxadda soo fuulay gabadh la dahalatay Nimco, oo walaasheed ka wayn ahayd, iyo habaryar oo la doonaysay wiilkeeda, waxayna isku dayeen sadexdaas bilood ee ay gabadhu gurigooda joogtay, in sida ay inoo kala fur furi karaan noo kala fur furan, mana ku guulaysan runtii oo waxay hammigooda dib u laqeen kadib markii ay ogaadeen in gabdhu uur ay leedahay.
Waxaa I koray masuuliyad aad u wayn, noloshaydana waa is badashay, shalay hadaan ahaa wiilka xaafadda ee hooyadiisa waxa ay u soo shaqayso cunno, iskana labisto, magaaladana hadba dhinaca uu rabo ka tago, maanta sidaa waan ka badalanahay, waxaa waddada kusoo jiro cunug aan waalid u noqon doono, iyo hooyadiis oo wax walba u suubisay sida ay iii hanan lahayd, qayb wayna ku lahayd in meeshan lasoo gaaro maanta.

LA SOCO Q8AAD

W/Q: Mohamed Musa Sh Noor

SHEEKOOYIN