Yaa Khaldan?

Yaa Khaldan? Qeybta 1aad
Sheeko taxane ah. …….2aad.

Rooti ismaris ah iyo koob shaah ah ayaa looga quraacdaa Xalane, marka laga yimaado Ptga[orodka], laakiin Deeqa subaxaas waxaa quraacda uga muhimsanaa inay aragto wiilki mucjisada ahaa oo ay xalay la kulantay, ma taqaano ururka uu ka tirsan yahay, taasoo ay isku ciilkaambisay: (maxaad xalay u waydiin waysay ururka uu ka tirsan yahay?) markaana waxaa u sahlanaan laheyd inay abaarto ururkaas ama wiilki ay ka taqaano waydiiso, laakiin waxay hadda ku kaliftay inay urur walba kii ay ka taqaano ay u dirsato Rr.
Deeqa ayadoo ka baqeeysa inuu garan waayo naaneysta Rr, ayay waydiisay wiil la yiraahdo Cumar sii sii: “ma taqaanaa wiil la yiraahdo Raage Rooble?” Cumar sii sii ayaa ku yiri: “Rr soow maaha?” Deeqa ayadoo inkiraysa inay u taqaano Rr ayay ku tiri: “Rr miyaa loo yaqaanaa?” Cumar sii sii ayaa ku yiri: “Rr ayuu kaga caansan yahay Raage Rooble, waaba haddii uu yahay midka aan aqaano oo ururka 2aad ka tirsan” Deeqa ayaa ku tiri: “dugsigee ka soo baxay?” Cumar sii sii ayaa waydiiyay: “maxaa Rr kaa soo galay?” Deeqa oo madaxa dhulka ka qaadanaysa ayaa tiri: “xalay ayuu alaabta ii soo qaaday, marka waxaan rabay inaan u mahadceliyo” Cumar sii sii ayaa u sheegay inuu ka soo baxay dugsiga Bartamaha, isla markiiba Deeqa intay ku tiri: “mahadsanid” ayay bartiisi uga dhaqaaqday Cumar sii sii oo hadli raba, sababtoo ah waxay Deeqa diidan tahay in la ogaado inay raadinayso wiil iyo sababta ay u raadinayso, laakiin waxay soo faa’iiday Raage ururka uu ka tirsan yahay iyo dugsiga uu ka soo baxay, taasoo u sahleysa inay Muuse oo ka tirsan Ururka 2aad u dirsato. 
Galabnimadi Raage oo koofida ay ugu jirto jeeb gadaalka, ayay u yimaadeen Deeqa oo ay la socdaan Yaasmiin iyo Muuse oo u soo waday inuu tuso Raage, marki ay isi salaameen ayuu Muuse yiri: “Rr, waxaa ku raadinaysay Deeqa oo rabtay inay kaaga mahadceliso asxaanki aad xalay u sameeysay” Yaasmiin oo fiirineeysa wejigiisa iyo kan Deeqa ayaa intay Raage salaantay ku tiri: “Mr.Rr, barasho wanaagsan” waxay u raacisay magaceeda oo ay ku tiri: “Yaasmiin Axmed” Raage intuu gacan qaaday ayuu ku yiri: “barasho wanaagsan Yaasmiin” kadib ayuu Deeqa ku yiri: “Deeqa adigaa mudan, howsha aan kuu qabtayna waa waajib aan gutay oo ah inaan kaalmeeyo qofka iiga baahan” Deeqa ayaa dadki lasocday ku tiri: “waxaan su’aal gaar ah waydiinayaa Raage, haddii aad raali naga noqoneeysaan Muuse iyo Yaasmiin” marki ay ka dhaqaaqeen, ayay Deeqa cabaar fiirisay indhaha Raage si ay u tijaabiso awooda indhaheeda, Raage oo aan arkin quruxdeeda xalay marki uu xamaaliga u ahaa, ayaa intuu hadalka ka sugaayay, wuxuu fiirinaayay wejigeeda, asagoo la yaaban hadalka gaarka ah ay ka rabto, maskaxda Raage waxay sameeysay dhowr wareeg oo ay isku waydiineeyso: (maxay ku waydiin rabtaa?) (haddii ay kugu tiraahdo waa ku jecelahay, maxaad dheheeysaa?) iyo (waa qurux badan tahay qofta, laakiin maxay kaa fiirineeysaa?) (walaahi indho qurxoon ayay leedahay ee Muuse miyaa saaxiib la ah? mise Yaasmiin ayuu saaxiib la yahay?) Raage marki uu daalay ayuu u jeestay dhanka Muuse iyo Yaasmiin oo sii socda, markaa ayay Deeqa saluugtay Indhaheeda inay taabteen Raage, laakiin waxay isku qancisay dharka ay wadato oo ah kan xerada, waa surwaal iyo shaar kaaki ah, kabo buud ah iyo koofiyad maro kaaki ah ka sameeysan, waxayna aamintay in kuwaas quruxdeeda wax u dhintay.
Deeqa marka ay fiirineeyso wiil ay dan ka leedahay, waxay ka akhrisataa indhihiisa inay saameyn ku yeelatay iyo inkale, laakiin Raage wuu ka xumaaday sida ay ugu talagashay, marba haddii uu ka sii jeestay ayadoo indhaha ku haaysa, kadib intay Raage la soo dhaqaaqday ayay ku tiri: “culeyska aad ii soo qaaday ayaan kaaga mahadcelin rabay” Raage ayaa ku yiri: “runti alaabta aad wadatay ma cusleyn, laakiin marki aan soo qabtay ayay igala cuslaadeen sidi aan u maleeynaayay” Deeqa ayaa tiri: “waa sidaas oo aanay usbuuca igu filneyn toonada iyo oodkaca aan soo qaatay, laakiin adiga waxba masidan oo ma soo qaadatid miyaa toono aad qadada ku darsatid iyo oodkaca quraacda?” Raage ayaa yiri: “waxba sooma qaato” Deeqa ayaa hadalki uga dhex gashay: “saaxiibtaa miyaa kuu keenta?” Raage ayaa yiri: “waaaw, gabdho u soo qaada saaxiibadood miyaa jira?” Deeqa ayaa tiri: “ma waxaad i mooday inaan wiil u soo qaaday alaabteeyda?” Raage oo ka cudurdaaranaaya ayaa ku yiri: “maya, adiga kaama wado oo waxaad ii sheegtay inay kugu filneyn adiga kaligaa” Deeqa ayaa tiri: “way jiraan gabdho ku shukaansada wiilasha toono iwm.” Raage ayaa ku yiri: “arrintaas lama socon inay jiraan gabdho wax ku shukaansada toono, laakiin wiilal gabdhaha wax siiya waan arkay” Deeqa ayaa tiri: “adiga mid wax ku siiso ma arkin miyaa?” Raage ayaa ugu jawaabay: “way i siiyaan gabdho iyo wiilal aan isnaqaano, laakiin mecneheeda maahin inay dan ii siiyeen ama aan uga qaatay” Deeqa ayaa waydiisay: “gabdhaha ku siiya, saaxiibtaa miyaa ku jirta?” Raage ayaa ku yiri: “saaxiibo caadi ah ayaan nahay” kadib wuxuu waydiiyay: “adiga saaxiib miyaad leedahay?” Deeqa ayaa ku tiri: “mid i raba ma arkin” Raage ayaa la soo booday: “waxaan u qaadanaa, mid aan rabo ma arkin” waxay ku tiri: “sabab” Raage oo calooshiisa hadlay ayaa yiri: “waan khalkhalay marki aan si fiican kuu fiiriyay, waxaan aaminsanahay inay jiraan wiilal badan oo sidayda oo kale u khalkhaleen” waxay ku tiri: “waa igu dheeleeysaa, waxaad rabtaa inaad niyada ii dhisto” wuxuu ku yiri: “indho aan laga jeesaneyn ayaa kugu yaala” Deeqa ayaa ku tiri: “aad ayaad ugu mahadsan tahay ammaanta aad i ammaantay” Raage ayaa yiri: “wax aan kugu ammaanay majirto, waxaan sheegay quruxdaada runta ah” wuxuu u sii raaciyay: “D waxaan ku waydiiyay meeqa wiil ayaa kugu tiri inta aan kugu sheegay?” Deeqa intay qososhay ayay tiri: “D, maxaad iigula baxday D oo kali ah?” wuxuu ku yiri: “waxaad u egtahay princess Diana” Deeqa waxay niyada iska tiri: (haddii uu i arki lahaa anigoo labisan, malaha wuxuu i dhihi lahaa Diana adigaa ka qurux badan) kadib waxay tiri: “Rr ammaanta iga kala yaree” kadib ayuu waydiiyay: “Yaasmiin, Muuse miyay saaxiib la tahay?” Deeqa oo ka shakisay mowduuca uu bedelay ayaa tiri: “maya, Yaasmiin miyaa ku qancisay?” wuxuu ku yiri: “qancin sidee ah?” waxay ku tiri: “macnaha haddii aad Yaasmiin ka heshay” kadib Deeqa intay aamustay oo wejigiisa fiirisay asagoo dhinac socda ayay istaagtay oo ka soo horjeesatay, markaas ayay hadalki sii wadatay “Yaasmiin waa u sheegan kartaa, haddii ay ku qancisay” Raage wuxuu u qaatay inay Yaasmiin ka maseyrtay oo ay ayada isku rabto, markaas ayuu yiri: “waxaan garan waayay inay Yaasmiin saaxiib latahay Muuse ama inaad adiga la tahay oo midkiin inuu xiriir kala dhexeeyo” Deeqa ayaa waydiisay: “ma Muuse ayaa kugu yiri midood ayaan saaxiib la ahay?” Raage ayaa yiri: “Muuse si fiican isuma naqaano, waxaana isku baranay halkan, laakiin inuu inta badan aado gabdhaha xagooda waa laga wada ogyahay ururka 2aad” waxay Deeqa tiri: “gabadha uu Muuse u aado gabdhaha xagooda ma la yaqaanaa?” Raage ayaa yiri: “ma aqaan, mawaydiin, laakiin haddii aad adiga taqaano ma ogi” Raage wuxuu galay imtixaan, su’aalaha ay Deeqa waydiinayso majecleysan, inti ay wada socdeen ayuu ka geesisanaa hadda oo ay ka soo horjeedo iyo indheheeda ku soo maqan, wuxuu ku dhow yahay inuu ku yiraado: (Deeqa waan ku jeclahay ee wax ila qabo) laakiin waxaa yeertay turunbadi safka oo ka dul qaaday culeyski saarnaa.
Raage oo aan ku talagelin inuu wax shukaansado, laakiin lagu soo kediyay ayaa Deeqa intay salaantay ay ku tiri: “wiil aad qurux badan ayaad tahay, magacaaga Rr iyo gaariga aad jeceshahay ee Rr, intaba way qurux badan yihiin, sheekadaadana aad ayay u macaan tahay, marka waxaan kaa codsanaa inaan si fiican isu barano” wuxuu ku yiri: “diyaar10885234_777024822335291_5977292062462663470_n ayaan u ahay” waxay ku tiri: “waad ku mahadsan tahay inaad iga ogolaatid barashada, halkana waa wada joognaa, caawa cashada wakhtigeeda ayaan ku soo raadinaa” siddaas ayay ku kala tageen Raage oo talaalan iyo Deeqa oo rabta inay sii waraabiso laabta ay talaashay.

La soco. ……….3aad.
Qore Ahmed Hayow
xaayoow09@hotmail.com

SHEEKOOYIN