SIRTA NOLOSHA 2AAD W/Q: Ahmed Hayow “Dulmidiid”

SIRTA NOLOSHA 2AAD

Xasan iyo Busaad waxay isbarteen markay xaafadda soo degeen Reer Saxardiid, maalintaas oo uu weliba Xasan ku kaalmeeyay inuu alaabta kala dejiyo baabuurki ay ku soo guureen, inkastoo ay wada kaalmeeyeen inta badan wiilasha xaafadda degan, kuwaasoo isha wada geliyay Busaad oo Qurux u dhalatay, haddana Busaad waxay gooni ula baxday Xasan oo ay ku tiri: “waad mahadsan tahay walaal” Xasana intuu gacan qaaday ayuu ku yiri: “waa waajib inaan xaafadda idinku soo dhaweeyno” wuxuu u sii raaciyay: “magaceygu waa Xasan, waxaana deganahay gurigaas” ayuu yiri intuu farta ku fiiqay gurigooda carshaanta ah, kadib ayay Busaad ku tiri: “Busaad ayaa leeyiraahdaa ee barasho wanaagsan” sababta ay Busaad tixgelinta u siisay Xasan waxay aheyd; inay ka aragtay inuu dhalinyarada qaar ka ilaalinaayay inay alaabta wax ka qaataan, Xasana uu il gaar ah ku fiirinaayay kana dhigaayay asagoo hoos ula hadlaaya, markaa wixii ka dambeeyay Busaad waxay bilowday inay waardiyo qabato ilaa alaabta laga dhamneeyay, maalintaa ay Busaad soo guureen maqribkeedi ayuu Xasan soo maray guriga Busaad hortiisa, ayadoo markaa ay fadhiyaan Busaad iyo Sureer, waxay fadhiyeen derbi bannaanka ku yaalay oo ku dhow Albaabka Guriga laga galo, waxaa u yeertay Busaad oo ku tiri: “Xasan, Xasan kaalay waxbaan ku weeydiinaayaahe” markuu u yimid ayuu wada salaamay, kadib ayay Busaad ku tiri: “gabadhaan waa habaryarteey waxaana la yiraahdaa Sureer” markay isbarteen Xasan iyo Sureer ayay Busaad tiri: “walaal xagee Muufo lagu gadaa xaafadda?” Xasan ayaa u sheegay in gurigooda lagu iibiyo iyo inay Islaan kale oo xaafadda degan iyadana Muufada iibiso, taasoo gurigooda ilaa sedex guri u jirta, halka uu guriga Xasan ka sareeyo ilaa afar guri, Busaad ayaa ku tiri: “waxaan Muufada ka doonaneeynaa gurigiina, laakiin waxaan ku waydiiyay habeenki ilaa goormee laga heli karaa Muufada?” Xasan ayaa ku yiri: “Hooyo waxay u dubtaa qofkii u yimaada iyo goortuu u yimaadaba” Sureer ayaa tiri: “Hooyadaa Muufo diyaar ah ma haayso miyaa?” Xasan ayaa ugu jawaabay: “Hooyo waxay jeceshahay inay Dadku qaataan Muufo kulul” waxaa Guriga Reer Saxardiid ka soo baxay Suleymaan oo labaray Xasan oo markaa hor taagan labada gabdhood, Suleeymaan ayaa Xasan waydiiyay: “xaafadda ciyaal suuq miyaa degan?” Xasan ayaa ugu jawaabay: “waxaa nagu dhow Suuq, ciyaal suuqna waa joogaan, laakiin dadka Xaafadda degan inta badan kuma saqajaamaan” Xasan ma garan sababta uu Suleymaan u waydiiyay su’aashaas, laakiin wuxuu Saleymaan ka warhaayaa inuu Xasan ka ilaalinaayay inay Alaabta ka xadaan oo ay Busaad u wada sheegtay Reerka oo dhan, siddaa daraadeed ayuu kalsooni ugu qabaa Suleymaan inuu Xasan warbixinta Xaafadda ka qaato, wax yar kadib ayuu Xasan yiri: “waa sii baxaa, haddii aad wax u bahataana diyaar ayaan idiin ahay” Busaad ayaa tiri: “ku mahadsanid walaal, sida wanaagsan oo aad noo soo dhaweeysay” markuu Xasan dhaqaaqi rabay ayaa waxaa soo baxay Suleymaan walaalkiis Yoonis oo uu la socdo wiil la yiraahdo Ciise oo xaafadda degan, wiilkaas oo Aabihiis iyo Hooyadiis ay la socdeen, welina ay guriga ku jiraan oo la sheekaysanaayaan Aabe Saxardiid iyo Hooyo Basra, reerkaas oo maqleen inay xaafadda soo degeen Reer ay Qaraabo yihiin, markay isi sii wareysteena aan wax badan kala fogeyn, Ciise waxay isku Fasal yihiin Xasan, saaxiibna waa yihiin inkastoo aanay aad isugu xirneyn, taasoo ay sabab u tahay kala duwanaashaha Dabeecadda, markaa waxaa leys baray Xasan iyo Yoonis oo loo sheegay inay isla dhasheen Suleymaan iyo Yoonis, kadibna ay Busaad ogaatay inay Xasan iyo Ciise isku Fasal yihiin, oo ay dhigtaan dugsiga Howlwadaag, dugsigaasoo ay rabtay inay u soo bedelato, waxayna aad ugu faraxday inay isku lood yihiin Xasan iyo Ciise, ayna jeclaan laheyd inay ku fasal noqoto, Xasan ayaa yiri: “Busaad waxaan rajeeynaa in fasalkeena lagugu soo qoro, laakiin hadda sanad dugsiyeedku waa dhammaad, marka waxaa laga yaabaa inaad nootimaado fasalka 8aad markuu bilaabanaayo” Busaad ayaa tiri: “bedelkeegu waa diyaar, afarta bilood ee harsana ma aadi karo 21ka oktoobar, sidaa daraadeed waa inuu Aabe berriba iga soo wareejiyaa dugsigaas” mar kasta oo ay su’aal keenaan reerka soo degay xaafadda, waxaa uga jawaaba Ciise, haddii ay noqon laheyd su’aal ay qabaan wiilasha oo uu ku soo biiray Cabdiqadar ama su’aal ay qabaan gabdhaha, waxaa lawada dhegeeysanaa Ciise oo meesha dhanba khadka dhexe ka qabsaday, Xasana wuxuu iskaga tegay asagoo la leeyahay (haddii aadan qorshe kale laheyn, nala joog oo caawa nala cashee) laakiin wuxuu u sheegay inuu doonaayo alaab reerkiisu u diray, Xasan wuu ogyahay inuu Ciise beenloow yahay oo aan la aamini Karin, wuxuuna ka baqaa inuu reerkaas waalo, waayoo haddii ay yaqaanaan waxba kama dheysteen, sidaa daraadeed ayuu uga fogaaday inuu markhaati ka noqdo waxa uu Ciise u sheegaayo reer Saxardiid, haddiiba uu dhihi karin waa beentiis oo sidaa maaha.

Sheeko taxan. La soco 3AAD

W/Q: Ahmed Hayow “Dulmidiid”


SHEEKOOYIN