SHEEKO: JACAYLKEEDA AYAAN LA NOOLAHAY Q13AAD W/Q: Mohamed Musa Sh Noor

sheeko

 

Waxaan ku iri maxaa rabtaa?sheego wax walba oo aad dalbatid kasoo qaad in sida aad u rabtid loo aqbalay, kaalay ayay I tiri, waan u imid, waxaa la igu qabtay laabta waxaana la yiri Rabbi waxaan ka baryayaa in uu jannada nagu mideeyo, macaane, Ayaan, ayaan rabaa in ay booskayga soo gasho nolol iyo geeriba labada dhinac, dhinac aan aado, hana I waydiin sababta, maadaama aad wax walba dalbo I tiri, aana kuu sheegay sida aan rabo, waxaan ku iri “waa lagaa aqbalay” gudahayga hadii la kala jeexo, waxaa ka guuxayay murugo aad u wayn, su’aalo badanna waan is waydiinayay, la imaba sugin xaga fadhiso ayaa la I yiri, anna waan fadhiistay oo askari amran ayaan ahaa, waxaa la diray telkii Ayaan.

waa lala hadlay, hal daqiiqo kadibna waa la ii dhiibay, waxaan ku iri “haye warkaaga siduu yahay” waxay tiri warkayga waa sida ay Nimco kuu sheegtay, inta dhimanna nimco ayaa iga mas’uul ah oo ku sharaxayso, balse waxaan kuugu soo gaabinayaa in aan diyaar kuu ahay, wax walbna aan u samaynayo Nimco darteed, doorashada nimcana waan hubaa in aanan ku qasaari doono, aboowe khayr allaha ka dhigo, Nimco iigu dhiib telka waan isku dambayn doonaayee, ismaba dhibin oo telka waan soo wareejiyay, maadaam aan meesha ka noqoday Nin waa hore nolosha lagu qaybsaday, kamase xumi qofka qaybtaa ii goysay oo ah iftiinka noloshayda, waana ku kalsoonahay in marnaba aysan ii doorayn waddo qaldan.

Waxaa  dhacday in ay codsatay habeenkaa in aan la joogo, hadana waana ka aqbalay, markan Nimco waa luudaysaa xogaa, Qol qaas ah ayaan ku jirnay oo gooni looga taxaddaro oo aan horey ugu qabtay baxnaaniteeda.

Markii la gaaray afar saac habeenimo ayaa la igu yiri duqa caawa aroos ayaan ahay soo soco hee, filan waa ayay igu noqotay oo muddo afar sano ah ayaa iigu dambaysay xaaskayga in aan si dhab ah u arko waxaan ku iri ma waalatay? Isbitaal ayaaba ku jirtaa ma waxaa rabtaa in aan meeshan kugu jajabsho oo falkaygi hore dib ugu laabto, ha I qasaarin saaxibey, marka aad isbitaalka kasoo baxdo hanoo ahaato, inta xoogaa la aamusay ayaa la yiri ka waran hadaan ku dhaho ma rabo in aan isbitaalkan ka baxo aniga oo ku barakaysan caawo, waxaan ku iri suura gal maahan.

Hammi badan oo aan igu jirin awal ayaaba I galay ,waaba mahad Eebe, xaaskayga oo I dhahayso caawo soo soco yaaba heli kara, waxaan ku iri makaa dhabbaa? Waxaa la I yiri ma ciyaar baa igu baratay, soo soco ninyahow Naagtan aad ka maqnayd muddada fog u kaalay.

Isla markiiba inta u dhawaaday ayaan ku dul ooyay meeshii la iga rabay in aan barakeeyo, markaas ayaan ku iri mahad Eebe ayay u sugnaatay, kuu soo celshay hammigaadi Dummarnimo, waana ku faraxsanahay walaahi.

Illinta inta la iga tiray oo xoogaa la I samirsiiyay ayaa l igu yiri “waqti ayaa kugu socdo ee meesha ka kac, meeshaas ayaan habeenkaa ku galnay aroos aad u xiiso badan oo lama ilaawaan ah, qof walbana uu u riyaaqay  mahadaasna allah ayay u sugnaatay.

Subixii ku xigay waxuu taqtarka inoo sheegay in aan ka bixi karno isbitaalka, oo markan inta dhiman aan xaafadda ku qaadan karno, waxaase la yaab igu ahayd qorshaha ay suubisay Nimco ee ku aadanaa Ayaan xageeda.

Waxaan niyadda iska oranayay side iskugu maaraynaysaa laba xaas, su’aashaas inta isku celin waayay ayaan ku iri “nimco waa caafimaaday, Ayaana hammi ayaa galisay, anigana dhaqaala ahaan waa I ogtahay, sidee wax yeelaa?

Inta dharbaaxo yar la igu dhuftay ayaa la igu yiri “Ninka aan guursaday sidaas uma jilcana, Geesi iska dhig” aniga soo kuma taageersani waxba kaama halaabayaan ee isoo raac, waan hubaa in uu is badal dhici doonee.

Subixii ku xigay waan kasoo baxnay isbitaalka aniga oo gacanta ka haysta xaaskayga nimco, inta aanan gayn xaafadda waxaan kusoo wareejiayya Magaalada Nairibo, si ay indhaha ugu kala furato, maadaama aysan waxba arkin maalintii ay timid illaa maanta, isbitaalna ay ku jirtay, sida aan usoo wareejinayay maalintaa ayaan galabkii dambe keenay xaafaada aan u diyaarshay.

Mashaa allah fir-fircoonida waa loo dhashaa, subixi salaadda subax aniga oo kicin ayay quraacdu diyaar ahayd, waxaana la ii kacshay salaadda iyada oo la I dhahayo ka kac Masjidka aad waa la gaaray waqtigi salaadda, sidaas ayaan ku aaday Masjidka,salaaddii markii aan soo tukadayna ku cabay shaah la ii diyaarshay, kadibna waan ku wada laabanay hurdada maadaama uu dhacayay qabow daran, waxa inoo qorshaysnayd in aan sii joogno Nairobi ilaa laba bil oo kale, kadibna aan Xamar ku laabano, halkaasna Ayaan lagula aqal galo,inkastoo aan aniga ka xumaa, hadana waxaan ku aqbalay Nimco darteed, mar walbana waxaan waydiin jiray bal haddii uu jiro isbadal ku aadan mowqifkeeda, oo aniga xaaskayga ayaaba Dumar kale iiga filnayd, maadaama ay iyadii ii caafimaaday, ma jirin sabab kale oo aan u doonayo Xaas kale .

Waxa dhacday markii la joogay in laba usbuuc ay Nimco la soo booddo, Matag iyo Qandho kale, waase khayr xagga Rabbi ka yimid, Nimco Uur ayay leedahay, balse, waxaan ka xumaa Nimco oo soo kabsan in ay hadana wajahdo xanuunka uurka, waana wax aan ka wal walayay runtii, in ay xamili waydo, waasa khaddar Eebe.

waan ku faraxsanaa runtii, iyadana waa ku faraxsanayd, Dhaqtarkii ayaan ku celshay sida lagu ballansanaa, fasax buuxa ayuuna na siiyay, waxaana u sheegay in ay Uur leedahay, dhib ma lahan ayuu yiri daawooyin Vitimiin ah ayuu noo qoray, waa fasaxantihiin ayuu nagu yiri.

Xamar ayaan ku laabanay sida qorshahayga ahaa, waxaan u dhigay Aroos kii ugu fiicnaa oo markaa awoodayda ahayd, cidna uma sheegin in ay Uur leedahay iyada ayaana iga codsatay in aan qofna u sheegin, waxaa Malxiis ka ahaa arooska Ayaan, iyada ayaana na aroos bixisay, markan waxaa xoogaa isbadal ah ka yimid Ayaan oo ku tiri Nimco reerkaaga Allaha ku barakeeyo, heshiiskii aan galnay uma qalmo in la fulsho.

Nimci ayaa si dagan hadalka u qaadatay, kuna tiri Ayaan, wali kuma fasixin waxii aan dareemayay ee igu dhalshay arintan wali waa taagan yihiin, walina waxaan aaminsahay in waqtiayga dhowyahay, fadlan ha badalin maankaaga  illaa aan aniga kugu soo noqdo waa haddii aad saaxibtey tahay .

Laba maalin kadib waxaa xanuun daran kusoo booday oo ilmihi kasoo tuuray Nimco, xanuunkaas oo runtii qandho badan watay, subixi ku xigtayna waxaa iskugu keen yeeray Aniga iyo Ayaan, Nimco oo leh waxaa la gaaray xiligii aan bixi lahaa fadlan dartey iskula joogaa khayr ayaanan idinkaga tagay.

Si gooni ah ayaana la ii yiri “aniga oo faraxsan kaana qanacsan ayaan kaa tagayaa, balse waan kuu xanaaqayaa ogow hadaad balantayda jabiso, Ayaan iska fiiri, sida aad iila dhaqmi jirtay ka wanaagsan ula dhaqan, waayahay ayaan iri, isbitaalka xayaat oo markaa isbitaal iigu dhawaa ayaan geeyay, isla markii aan geayayba inta taqtar uusan imaan waa naf baxday, iyada oo dhoola cadaynaysa, isla galabtiiba waan aasnay kama xumaan runtii xiliga ay iga tagtay, oo waxay ahayd mid mar walba saadaalinaysay in ay tagayso waasa ku faraxsanaa aniga oo waajibkayga gutay, dhibkii badnaana kasoo baxnay in ay nasato Jannada allaha geeyo Nimco. Aamin.

Bil kadib waxaan la aqal galay sida ballanta ahayd Ayaan, waxaana dhihi karaa runtii waxay ii noqotay Nimco labaad, inkastoo uu kala duwanaa marxaladaha aan isla soo marnay Nimco, hadana Ayaan waa gudatay waajibkeeda Xaasnimo, waxayna I siisay runtii jacayl la mid ah jacaylkii Nimco, mar walbana ayaan waxay iigu faani jirtay in Nimco dookheeda ay tahay, sababta ay Nimco u xulatayna ay tahay in ay tahay gabar aan ka dhicin, in ay ka roontahay mooyee,  waana runteed oo waa buuxisay booskii laga doonayay Ayaan, wuxuu allah iga siiayay ilaa 5 caruur ah.

Waxaan ahay mid la nool astaanta Nimco, wayna ku saxsanayd Nimco, markii ay lahayd waxaan doonayaa in Noloshaada dambe inta aad nooshahay aan saamayn ku yeesho, waana ku yeelatay runtii oo waa tan maanta iiga tagtay Ayaan iyo shantaas caruurta ah ee ay ii dhsahay.

Gabadhayda ugu ween ilmaha waxaan ku samiyay Nimco, sawirkeeda oo waynin badanna wuxuu ilaa hadda ka taagan yahay Gurigeena, oo waa hooyada guriga ugu wayn, ilmaheena xitaa waa yaqaanaan oo hooyo Nimco ayaa laga dhahaa xaafadda, Allow kuu naxariiso, illaa hadda waxaan la noolahay waa jacaylkeeda, waxaase iga su’aal dumarkeena maanta Ma laga helayaa Nimoc oo kale? jawaabta aan taa ka bixinyana waa maya, illaa mid uu Allah u nimceeyay oo uu Iimaan dhab ah siiyay mooyee!

Dhamaad

W/Q: Mohamed Musa Sh Noor

SHEEKOOYIN