SIRTA NOLOSHA Q.4aad W/Q Ahmed Hayow “Dulmidiid”

Samatar markuu uga sheekeeyay Aabe Xuseen Aji, ayuu gacanta ka soo qabtay, wuxuuna ku soo dhexdaray carruurtiisa, sidaa ayuu Samatar uga mid ahaa reer Xuseen Arji ilaa uu ka bartay farsamo uu kaga shaqeysto wershedda Oomada Bayl oo uu hadda agaasime waaxeed ka yahay, Samatar weli ma helin Aabahiis Korneel Dirir, mana dareensaneyn inuu wax weyn kala maqan yahay, waayoo wuxuu maanta u soo aaday guriga reer Xuseen Arji inuu u doono gabar uu guursan lahaa, oo shardi looga dhigay inuu odayaal layimaado.

Labadi maalmood ee ku xigtay Busaad ma arkin Xasan, xattaa haddii ay gurigooda Muufo ka soo doontay, laakiin habeen ayay ku dhiiratay inay weeydiiso Hooyo Khadiijo oo ku tiri: “maandhaay hadda dhow waa joogay, laakiin meeloow aaday ma aqaan” Busaadna waxay u sheegtay habeenkaas inay u soo bedelan rabto dugsiga Howlwadaag, sidaa daraadeedna ay Xasan uga baahan tahay buugtiisa dugsiga, waloow ay Hooyo Khadiijo ka ballanqaaday Busaad inay wiilkeeda u sheegaayso waxay ka rabto, haddana wuxuu Xasan soo hoyday habeenkaas wakhti dambe oo Hooyadiis seexatay, subaxdii markuu Xasan dugsiga soo aadaayay, ayaa loosheegay waxay Busaad karabtay, wuxuuna soo maray gurigooda hortiisa, laakiin kuma leexan marba haddii uu xiran yahay albaabkooda, asagana uu haysan sabab uu ku garaaco, oo aan ka aheyn muraadka Busaad sheegtay inay ka leedahay, muraadkaas oo aan aheyn wax ku habboon in la sheego, wuxuuna go’aansaday inuu galabta soo raadiyo.

Xasan markuu dugsiga yimid ayuu la kulmay waxaanu maleysaneyn oo ah Busaad oo wadata dharki iyo buugaagti Iskoolka oo uu la socdo Aabaheed iyo Maamulaha dugsiga oo ka soo baxeen Xafiiskiisa, markaana ay Busaad soo aaday safka fasalki lagu soo qoray oo aan aheyn fasalka uu dhigto Xasan, waxaa safka uga baxay Ciise oo ku soo dhaweeyay fasalka ku xiga oo ah 7aad D, wuxuuna u sheegay inay asaga iyo Xasan dhigtaan fasalka 7aad C, Xasan oo markaa soo fiirinaayay Busaad oo ayadana indhaha la raaceeysay ardayda inay ka dhex garato Xasan, kaasoo markay soo eegtay dhanka uu uga yimid Ciise oo ay indheheedu isku dheceen kuwa Xasan oo ku soo maqnaa, ayuu Xasan u ilka caddeeyay Busaadna intay gacanta kor ugu lushay ayay ayadana u ilka caddeeysay, aragtidaan ay Busaad aragtay Xasan waa mid uga duwan tii ay mar hore ku aragtay, waayoo waxaa loo sheegay inuu yahay ardayga dugsiga ugu aqoonta badan, way jireen arday ugu Aqoon badan dugsiyadi ay Busaad soo dhigan jirtay, laakiin Xasan wuxuu kaga duwan yahay sida ay u aragtay marki ugu horeeysay nolasheeda ay la kulanto, taasoo uu hadda kala sii cuslaaday miisaanki ay hore u saartay, labada fasal markii la kala aadaayay ayaa leeysi salaamay, kadib ayuu Xasan yiri: “ku soo dhawoow Iskoolka iyo Xaafadda” Busaad ayaa ugu jawaabtay su’aal oo tiri: “maxaa laguu waayay?” Xasan ayaa yiri: “waxaan idinku haleeyay Ciise inuu xaafadda idin kala baro” markaa ayuu Ciise ku jeestay oo ku yiri: “Ciise soow sidaas ma aheyn?” Ciise iyo Busaad ayaa halmar iska dhinac hadlay oo uu Ciise yiri: “haa waa runtaa” Busaadna ay tiri: “inaad naga soo wardoonto soow ma aheyn?” Xasan ayaa yiri: “taasna waa gar, laakiin waan mashquulay” maalintaa ay Busaad dugsiga timid iyo wixii ka dambeeyay ma jiran Xasan oo dugsiga tegay oo aanay la socon Busaad ama dugsiga ka soo baxay oo aanay la socon Busaad.

SHEEKOOYIN