SIRTA NOLOSHA Q.6aad W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

Sureer ayaa waxay doontay Muufo lagu casheeyo habeenki ay soo kala tageen Maxamed habeenki ku xigay, inti cashada la cunaayay ayay Busaad dareentay in aanay ka soo gedin Eedo Khadiijo, markaa ayay tiri: “Sureer yaad  Muufada ka soo iibisay?” Sureer ayaa ugu jawaabtay: “ma xuntahay Muufada aan keenay?” Suleymaan ayaa yiri: “Muufadi la soo gedi jiray ma aha” Sureer ayaa tiri: “soow kama fiicna Muufadi la soo gedi jiray?” Yoonis ayaa yiri: “I don’t think so (u maleyn maayo)” markaa Sureer waxay ka istaagtay miiski lagu casheeynaayay, markay qolkeedi gashay ayay Busaad ka daba gashay, waxayna waydiisay waxa ku dhacay, laakiin Sureer wax hadal ah uma furin oo aan ka aheyn (waxba ima helin).  Afar bilood kadib markii dugsiga la xiraayay oo ay u gudbeen Fasalka 8aad, ayaa xaflad lagu qabtay dugsiga, waxaana ka soo qeyb galay Waalidiinti ugu badneyd ee timaada xaflad xiraan, Maamulihi dugsiga oo hadal u jeedinaayay Waalidiinti ka soo qeyb gashay xafladda ayaa yiri: “ilaa markii aan bilownay inaan mudnaan siino ardayga ugu aqoonta badan dugsiga, waxaa noo soo baxday inuu isbedel weyn ku dhacay aqoonta ardayda wax ka barata dugsiga, taasoo ah horumar aan ka gaarnay dhanka waxbarashada ardayda, waxaana noo cadeeynaaya isbedelkaas marki aan fiirino wixii ka horeeyay sedexda sano oo aan bilownay qiimeynta ardayda, waagaas waxay inta badan ku barmoosi jireen boqolkiiba kontan iyo wax ku dhow, laakiin sanadba kan ka dambeeya waxaa kor u soo kacaayay derajadooda ilaa ay sanadkaan gaartay inay ardayda intooda badan gaaraan ugu yaraan boqlkiiba todobaatan, sanadkan ardayga kaalinta koowaad galay Xasan Xuseen, oo ah ardayga aan kaalintaas laga qaadin sedexdaas sano ayaa derajadiisu waxay kor u sii kacaysay sanadba kan ka dambeeya, wuxuuna gaaray sanadkaan 96%” waa la wada sacbiyay, kadib ayuu Maamulihi sii watay hadalkiisa wuxuuna yiri: “gabadha ku soo xigta Busaad Saxardiid oo ah gabar dugsiga ku cusub ayaa waxay kaalinta labaad ku gashay 89%, taas oo ah derejo boqolkiiba laba ka sareeysa mida uu Xasan Xuseen ku galay kaalinta koowaad sanadii hore oo aheyd 87%” waxaa loo sacbiyay Busaad oo dhinac fadhida reerkeedi oo ay ka mid yihiin Hooyadeed, ilma Adeeradeed iyo Walaalaheed oo ku faraxsan aqoonta iyo qiimaha ay gabadhoodu ku leedahay dugsiga, Maamulaha oo sii hadlaaya ayaa yiri: “dugsigeena waxaa loo aqoonsaday dugsiga koowaad” waa lasacbiyay, kadib ayuu yiri:”ardaydeenana waxaa loo aqoonsaday inay yihiin ardayda ugu dadaalka badan, laakiin haddii aan dadaalkaa sii wadno oo waalidiintu ku dadaalaan ardayda intay guriga joogaan sidi ay wax u akhrisan lahaayeen, waxaan hubaa in sanadka dambe ay kaalinta koowaad wada noqonaayaan dhammaan ardayda oo dhan, waana ku mahadsan tihiin ka soo qeybgalkiina xafladda” si aad iyo aad ah ayaa loo sacbiyay, kadibna waxaa ka hadlay Masuul ka socday Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta oo dugsiga ku amaanay dhiirigelinta ardayda iyo howsha Maamulka iyo Macalimiinta.

Maalintaa Xasan Xuseen wuxuu galay qalbiyada qaar ka mid ah Reer Saxardiid oo Hooyadood Basra ay ugu horeeyso, taasoo niyada gashatay, in wiilkaan ay aqoontiisu fiican tahay, ay ka sii fiicnaan laheyd inuu gabadhooda Busaad guursado.

Busaad waxaa ku jira rabitaan, laakiin Xasan wax culeys ah kuma haayo maadaama aanu ka fogeyn, inta badana la joogo, cid ay uga baqeeysana ma jirto, mana qabto cabsi ku xambaari karta inay u sheegato dareenkeeda mustaqbalka, waxay u muuqataa qof caadi ka ah walaaltinimada ka dhexeeysa ayada iyo Xasan, kaasoo Asagana ula sheekeysta sidi walaashiis Caasha oo kale, niyadiisana sooma gelin wax dhaafsiisan waxbarsho iyo walaaltinimo, Xasan wuxuu aaminsan yahay inuu asagu ka faa’iiday barashada Reer Saxardiid maslaxna ugu jirto inuu dhowro aaminaada la aaminay, sidaa daraadeedna aanu wax khalad ah ku kicin.

 

La soco. …..7aad.

SHEEKOOYIN