SIRTA NOLOSHA Q. 7aad. W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

Fasixi wuxuu Xasan iyo Busaad ugu dhammaaday xiiso iyo isbarasho, laakiin wuxuu cuqdad wayn geliyay Samatar oo marka dugsiyada la xiro kadib, laga sugaayay inuu soo doonto gabar uu guursan lahaa, waayoo waxaa Samatar raacay Aabe Xuseen iyo curadkiisa Maxamed, balse reerki gabadha dhalay ayaa yiri: “waxaan rabnaa waalidiinta Samatar” sidaa ayay arrinti dhaafi wayday, Samatarna waxaa galay cuqdad weyn iyo inuu hadda baadi goobo Oday uu weligii arkin uuna islaheyn wax buu kaala maqan yahay.

Marki la galay Sanad Dugsiyeedki 1979/80 ayay fasalka 8aad noqdeen Xasan iyo Busaad oo wakhtigooda inta ugu badan wada joogay, markay wax wada akhristaan kadibna waxay ku sheekeystaan derbiga ku yaala bannaanka guriga, waxaana inta badan la soo fadhiista dhalinta xaafadda, gaar ahaan Ciise oo isku aadiya marku ay soo baxaan wax akhriska, markaana uu ka yimaado shaneemada ama gurigooda, inta badan way kaftamaan ama way sheekeystaan, waxaana dhacda habeenada qaarkood inay wakhti dambe ku gaari jireen sheeko Xasan iyo Busaad, markaana ay soo mari jireen Aabaheed iyo Habaryarteed ama Walaalaheed oo magaalada ka yimid, marba midka yimaada intay salaamaan ayuu guriga iska geli jiray, haddii ay kaligood yihiin ama wiilal kale ay la joogaanba, wax dhib ah uma arki jirin Reer Saxardiid inay isku arkaan gabadhooda iyo Xasan oo isdhinac fadhiya saq dhexe, waxayna aaminsan yihiin inuu Xasan wiil fiican yahay, gabadhoodana ay ka faa’iideysato aqoontiisa, markay dugsiga joogaana wakhtiga quraacda waxaa bixin jirtay Busaad, arrintaasna Xasan uma haysto inuu fursad ahaan uga faa’iideysanaayo quraacda ay ka bixiso inta badan, taasoo u baajisay Aabe Xuseen lacagti uu dugsiga u soo siinjiray wiilkiisa Xasan, inkastoo aanay wax weyn uga tareyn bixinta ijaarka bil walba lagu kordhiyo, ijaarkaasoo haddii uu bixin waayo furaha laga qaadanaayo. Mulki Hilowle oo dhigata Dugsiga Hoose/Dhexe ee Dhagaxtuur, oo ay isku fasal yihiin Deeqa Bashiir oo ah gabadha daraadeed looga eryay Macalinimada Xasan Walaalkii Maxamed Xuseen ayaa Deeqa ku tiri: “macalin Maxamed Xuseen wax dembi ah kaama gelin, adiga daraadaa ayuuna Sanad dhan uga maqnaa shaqadiisa, marka miyaadan illaahay ka baqeyn” Deeqa ayaa waydiisay: “maxaan sameeyaa?” Mulki ayaa ku tiri: “waxaad sheegtaa inaad Macalinka nabsatay” Deeqa oo hadalkaa u cuntami waayay ayaa tiri: “ma waalan tahay, soow aniga layma eryaayo?” Mulki ayaa tiri: “gabar Safiir dhalay ayaad tahay, waxaana hubaa in lagu soo celinaayo” maalintaas Deeqa way ka diiday Mulki oo ku qalqaalisay inay runta ku dhiirato, laakiin Mulki kama harin dadaalka ay u gashay inay wax ka bedesho duruufta haaysata Macalinkeedi Sayniska, waxayna ogaatay inay been sheegtay Deeqa markii la furay Sanad Dugsiyeedka oo ay Deeqa ku tiri: “ma jecli Macalinka Taariikhda noo dhiga oo sanadkaan naloo keenay?” Mulki ayaa ku tiri: “maxaad ku nacday?” Deeqa ayaa tiri: “wuu i soo fiirfiiriyaa” Mulki ayaa tiri: “marka waxaad rabtaa in loo eryo sidi Macalin Maxamed loo eryay sanadki hore oo kale!” Deeqa ayaa tiri: “Macalinkaas waa nabsaday ee waxba igama haleyn, laakiin midkaan indhiisa ayaa igu soo maqan” Mulki maalinti ay hadalkaas maqashay wixii ka dambeeyay, way ka xumaatay waxay ku kacday saaxiibteed Deeqa, waxayna maalin kasta u sheegi jirtay Deeqa inay ku ciyaartay mustaqbalka macalin wanaagsan, muddo kadib ayay Deeqa garwaaqsatay khaladka ay gashay, laakiin waxaa ku adkaatay cidda loo sheegaayo inay been ka sheegtay sababta macalinka loo eryay, sababtaas oo uu leeyahay Maamulaha Dugsiga, oo ah ninka ka dambeeya in Macalin Maxamed Xuseen la eryo, kadib markuu ka baqay inuu ka qaado jegada Maamulaha dugsiga, sababtoo ah wuxuu ahaa Macalin Maxamed kan loogu jecel yahay Macalimiinta Dugsiga, taasoo warbixin fiican ay ka qabto Wasaarada Waxbarashada iyo Kormeerayaasha oo ka qoray inuu istaahilo in Maamule dugsi laga dhigo iyo sida ay u jecel yihiin dhammaan ardayda wax ka barata dugsiga.

Maalin ayay Deeqa u sheegtay Mulki waxa jira oo dhan, Mulki ayaa afka qabsatay oo ku tiri: “ma waydiisay Maamulaha sababta uu u eryaayo Macalin Maxamed?” Deeqa ayaa tiri: “maya, laakiin wuxuu Maamulaha ii sheegay inuu Macalin Maxamed rabo inuu i rido sanadkan, asagoo noo ahaa foom master, sidaa daraadeedna uu wax ka qaban Karin, markaa ayuu ii dhisay qaabka aan u nabsanaayo” Mulki intay Deeqa fiirisay ayay ka aamustay, markaa ayay Deeqa tiri: “maxaad la aamustay?” markaana Mulki ayaa ka dhaqaaqday Deeqa ayadoo ka daba hadleeyso, waxayna ka baxday albaabka dugsiga, Mulki markay gurigooda tagtay ayay Hooyadeed Mako waydiisay waxa ku dhacay oo ay dugsiga uga timid saacadaan, Mulki ayaa ugu jawaabtay: “Hooyo dugsigaas haleyga bedelo” Hooyo Mako ayaa tiri: “maxaa dhacay! Yaa wax kuu dhimay?” waxay u sheegtay wuxuu ku kacay Maamulaha dugsiga iyo in aanay dhigan Karin dugsi kii madaxda ka ahaa uu sidaas u dhaqmaayo, Hooyo Mako ayaa tiri: “Walaahi waa wax yaab leh” duhurki markii dugsiga laga soo baxay, ayay Deeqa soo martay guriga Mulki si ay u waydiiso sababta ay uga soo tagtay dugsiga.

 

La soco. …..8aad.

SHEEKOOYIN