SIRTA NOLOSHA Q.9aad W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

Deeqa iyo Mulki waxaa laga joojiyay waxbarashada inti ay ka dhammaaneeyso baarista, Hooyo Mako oo ku ogeyd gabadheeda inay ka bedelanayso dugsiga, ayaa layaabtay isbedelka ku dhacay gabadheeda markaa ayay waydiisay: “mowqifkaagi hore maxaa kaa bedelay, kaas oo ahaa inaad dugsiga ka bedelato?” Mulki ayaa tiri: “Hooyo mabedelin mowqifkaygi hore” Hooyo Mako oo madaxa ruxeysa ayaa tiri: “haddii aadan bedelin mowqifkaagi, maxaa ku geliyay kiiska aan ku khuseyn?” Mulki oo aan hayn jawaab ayaa tiri: “Hooyo…Hooyo, waxaan….waxaan dhiirigelinaayay saaxiibteey Deeqa” Hooyo Mako ayaa tiri: “saaxiibtaa Deeqa inay been sheegeeysay iyo in kale miyaad kala ogtahay?” waxay sii raacisay: “waxay sheegtay haddii ay been noqoto soow adigana kulama jirtid?” Mulki oo aan hadlin ayay Hooyo Mako tiri: “maxaad iila tashan wayday? Sidi aad iigala tashatay inaad dugsiga ka bedelanayso?” Mulki ayaa tiri: “Hooyo raali ahoow haddii aan khalad sameeyay, laakiin waxaan hubaa inay Deeqa been sheegeeynin aan ka aheyn inuu Maamuluhu ku khasbay inay Macalin Maxamed nabsato” Hooyo Mako ayaa tiri: “inaad been sheegteen oo aad adigana markhaati uga noqotay ayaa meesha iiga muuqata, ama Macalinka been ka sheega ama Maamulaha been u sameeya, mar walba beeni waa been, laakiin wixi aad ka hesho ayaad leedahay, haddii lagu soo eryo waxaad iiga adeegaysaa guriga sidi Booyeeso (Adeegto) oo kale, waayoo adigaa diiday inaad waxbarashadaada ilaashato” Mulki waxay ka fekertay khaladka ay samaysay ayadoo rabta inay saxdo khalad ka horeeyay, waa khalad khalad ku sax, waxayna ku faraxsan tahay inay dhinac istaagtay saaxiibteed oo garowsatay inay dembi ka gashay qof aan waxna ka haleyn iyo inay u hiilisay qof aan ogeyn dadaalka ay u gashay inuu mustaqbalkiisu dib u soo iftiimo, waloow ay ka been sheegtay Maamulaha, haddana waxay isku qancisay inuu istaahilo in laga been sheego marba haddii uu ku lug leeyahay jalaafada loo dhigay Macalin Maxamed, in lagu nabsado inuu ku khasbay Deeqana ay tahay wadada kali ah ee loo mari karay sixitaanka wixii ka dhacay dugsiga.

Xuseen Arji oo xafiiskiisa Arjiqoraha dhex fadhiyo, ayaa waxaa u soo galay nin Boliis ah oo warqad dacwad ah u dhiibay kuna yiri: “waxaa lagaa rabaa inaad saldhiga ii raacdo” Xuseen Arji ayaa yiri: “maxay tahay dacwada, yaana ii haaysto?” ninki Boliiska ahaa ayaa ku yiri: “dacwada iyo qofka ku soo dacweeyay, waxaa laguugu sheegaa saldhiga” kadib xafiiski arjiqoraha ayuu soo xirtay, markii leysraacay, wuxuu Aabe Xuseen ka fekeraayay wuxuu isku daaficidoono haddii ay dacwadu noqoto midi loogu hanjabay in looga saaridoono qolka uga kireeysan Xamarweyne, markay tageen saldhiga ayaa lageeyay XafiiskaTaliyihi saldhiga oo ku yiri: “waxaa ku soo dacweeyay Reerka aad ka degan tahay guriga Kirada ah” kadib Taliyihi intuu kabaday cabitaan miiska u saarnaa ayuu yiri: “waxay kaa rabaan inaad uga baxdo qolka aad ka degan tahay” Aabe Xuseen wuxuu fiiriyay xafiiska dhexdiisa, waxaa kursi ku fadhiya sarkaal kale iyo askari taagan albaabka xafiiska laga soo galo, kadib ayuu yiri: “maxay tahay sababta ay qolka iiga saaraayaan?” Taliyihi ayaa yiri: “gurigooda ayagaa iska leh, waxayna rabaan inaad uga baxdo, wayna ku waydiisteen arrintaas, laakiin hadda waxaad haaysataa laba bilood oo aad meel kale ku raadsato, sidaa daraadeed waxaad saxiixdaa warqadaan ogolaanshaha” Aabe Xuseen intuu fiiriyay warqadi ayuu yiri: “Maxkamad ayaa ku shuqul leh haddii qof laga saaraayo guri iyo haddii kale, sidaa aawgeed dacwadeena waxaad u gudbisaa Maxkamada madaniga oo arrintaas ku shuqul leh” Taliyihi oo xanaaqsan ayaa yiri: “haddii aad warqadda saxiixi wayso waxaan ku dhigaa xabsiga” Aabe Xuseen ayaa tiri: “waa i xiri kartaa, laakiin warqadda iima saxiixi kartid” Taliyihi ayaa ku amray askarigi inuu gudaha dhigo Aabe Xuseen, markuu u watay dhanka oobiga si looga qaado waxyaabaha muhiimka ah ee uu wato, ayay wada haleen Taliyihi iyo Sarkaalki la joogay, kadibna waxaa loo yeeray askarigi loo dhiibay Aabe Xuseen oo loo diray inuu ku soo celiyo xafiiska, markaas ayuu Taliyihi yiri: “waxaad haaysataa laba maalmood oo aad uga soo fikirto arrinta dacwada, kadibna igula soo laabatid go’aan cad” Aabe Xuseen markuu ka soo baxay Saldhigi, ayuu garan waayay si uu wax uga qabto mushkiladda ku soo furantay oo uu ogyahay inay u baahan tahay qareen u dooda, laakiin aanu u haaynin kharashki uu ku qabsan lahaa, markuu dib u furtay xafiiskiisi ayuu go’aan ku gaaray inuu dib isaga xiro, maadaama aanu nafis u hayn inuu ku shaqeeyo asagoo fekeraaya, magaalada ayuu isaga wareegay mana qadaynin maalintaas, wuxuu gurigiisa yimid maqribki, Hooyo Khadiijo oo aragtay murugada wejigiisa ka muuqata, horana u ogeyd culeyska ka saarnaa xafiikiisa uu reerka ka masruufo, ayaa qolka lagashay,markuu u sheegay waxa jira ayay Hooyo Khadiija tiri: “sidi ilaahay ka dhigo ayay noqoneeysaa, taasoo aan la dhaafi Karin, marka adigu heysku murjinin haddii aad wax ka qaban wayso, waayoo hore waa u nooleyn, kadibna waa noolaaneeynaa”.

 

La soco. ……….10aad.

 

SHEEKOOYIN