SIRTA NOLOSHA Q.12aad. W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

Busaad waa maalinti ugu horeeysay aanay arkin Xasan oo markuu gurigooda ka soo qadeeyo dhakhso uga imaan jiray, waxay istiri: (maxaa helay !) waxaana galay walwal ay garan wayday waxa u sabab ah, waayoo kuma baran inuu Xasan intaan ka maqnaado asagoo aan u sheegin inuu ka soo daahaayo, haddii aanu u sheegin halkuu aadaayo, halkaasoo ay mar mar isu raacaan haddii uu raali ka yahay ama ay iska sugto inta uu ka soo laabanaayo, inkastoo aanan weli la arag meel ay Busaad aadeeyso oo uu Xasan u raacaayo ama iska sugaayo inta ay ka soo laabaneeyso, waayoo Busaad si sahlan ugama baxdo gurigooda, xataa haddii ay reerku aadaayaan aroos ama xaflad qaraabadooda ay qabaan ama mid laga martiqaaday toona, Busaad waa gurijoogto aan maqabiyo aheyn islamarkaana aan shuko qaadan, laakiin aan iska dhigin garbasaarta inta ay dharka dugsiga wadato maahine, yaraanteedi waxay jecleyd aamuska iyo cidlada, kaligeed intay qol iska gasho ayaa loogu imaan jiray ayadoo la raadinaayo, Aabaheed Saxardiid wuxuu hooyadeed uga digi jiray inay wax bir ah saarin meel ay gaarto Busaad, si aanay birtaa u gelin Bareesada Korontada ayadoo kaligeed qolka ku jirta, markaana aanay u qabanin Korontada, Busaad markay soo waynaatay ayay dadka soo dhexgashay, laakiin weli way jeceshahay kalinimada, wakhtiga hadda lajoogana, waxaad moodaa inuu Xasan u yahay wehel ka maqan, waana marki labaad ay ka fekerto maqnaanshihiisa, manataqaano waxay uga maarni la’dahay, laakiin waxay ogtahay inay u kala duwan yihiin markuu lajoogo iyo markuu ka maqan yahay, waxaana intaa u sii dheer inay u kala duwan yihiin maqnaanshaha ay ogtahay iyo kan aanay ogeyn wuxuu ku maqanyahay, Busaad maqiyaasi karto inay lafihiisa u baqeeyso sidi nin dagaal aaday oo kale iyo inay ka maseeyreeyso inuu aaday gabar kale, waxaana gashay cabsi aanay weligeed arkin iyo ciriiri, markaas ayay soo aaday guriga Xasan, waxay hooyadiis u sheegtay inuu Xasan raacay Aabahiis, ayadoo aan waydiin sababta ay u timid, markaa ayay Busaad fartiin ugu reebtay, fartiintaas oo ah inay u haayso Hadiyad loo keenay, taasoo ah been ay isku qarineeyso.

Busaad markay soo ogaatay halkuu jiro Xasan ayay niyadu u qaboowday una saamaxday inay sugto intuu ka imaanaayo, ayadoo aan wax welwel ah ka qabin, waxay Busaad weli ma fahmin inay Xasan jeceshahay oo ay rabto inuu wehel u ahaado, inkastoo aanay dareemin wax maseyr ah marki ay aragto Xasan oo la sheekeeysanaayo gabdho kale oo dugsiga la dhigta, kuwaasoo ay isku fasal yihiin ama kale fasal yihiin, maadaama uu ayada sii raacaayo gabdhahaas oo arkaaya iyo inuu la joogo maalin iyo habeenba intuu ka jiif doonanaayo, wakhtigaas oo aanay ogoleyn inay cid kale la wadaagto oo aan ka aheyn howl uu ku maqan yahay, howshaasoo ay ogtahay.

Xasan wax war ah kama haayo xaaladda Busaad, wuxuuna u arkaa inay iska jeceshahay inay wax wada akhristaan ama iska sheekeystaan, wuxuuna jecel yahay qosolkeeda iyo kaftankeeda welina kuma fekerin inuu gabar mustaqbal kala hadlo, ha ahaato Busaad ama mid kalaba, markay guriga yimaadeen asaga iyo Aabihiis, ayay Hooyadiis u sheegtay inay Busaad u timid iyo fariinteedi, markaa ayuu hooyadii waydiiyay: “hooyo, hadiyada waxay tahay ma kuu sheegtay Busaad? iyo cidda ii keentay ?” Hooyadiis ayaa ku tiri: “maandhoow ma aqaan mana waydiin, dadkana wax ma waydiiyo” wuxuu gurigooda ka soo baxay asagoo layaaban hadiyada la sheegaayo, waxaa inta badan dhar looga soo diraa Mareeykanka wiilasha adeerkeed dhalay, dharkaas oo marwalba qaar loogu soo daro carruurta Saxardiid, waxaa hal mar Xasan laga siiyay kabo iyo shaar, kuwaas oo ka yaraaday Yoonis, laakiin hadiyad asaga loogu soo talagalay looma soo dhiibin, Xasan markuu yimid guriga reer Saxardiid ayuu la kulmay Suleymaan oo uu waydiiyay: “Yaa ii keenay Hadiyada?” Suleymaan ayaa yiri: “ma aqaan mana maqlin Hadiyad la keenay” markuu Xasan aamusay ayuu Suleymaan yiri: “Busaad weeydii” markuu gudaha galay ayay Busaad ka hortimid Xasan iyo Suleymaan oo markiiba Busaad waydiiyay: “Busaad, yaa hadiyad u haayo Xasan?” Busaad oo aan jecleysan beenteeda fakatay ayaa tiri: “anigaa u haayo Hadiyad la iigu soo dhiibay” Suleymaan waxaa tuhmo ka gashay sheekada Hadiyada loogu dhiibay Xasan oo ay dugsiga wada aadaan kana wada yimaadaan ama aanu asagu arag cid hadiyad ugu dhiibeeysa Busaad iyo mida kale oo ah cidda fariinta Hadiyada gaarsiisay Xasan oo markaa ka yimid gurigooda, wuxuu Suleymaan isyiri: (ma kugu ciyaaraayaan!) wuxuuna ku qortay meel gaar ah sheekada Hadiyada.

 

La soco. ………13aad.

SHEEKOOYIN