SIRTA NOLOSHA Q.13aad. W/Q Ahmed Hayow. (Dulmidiid)

Xasan(3x) markuu ogaaday inay Busaad isku qarinaysay fariinta Hadiyada ay ugu soo fartay Hooyadiis ayuu ku yiri: “gurigeena markaan tago waxaa layweeydiinaa hadiyada aad tiri ha soo doonto, marka maxaan u sheegaa?” Busaad oo aan helin jawaab ayuu ku yiri: “waxaan aadaa magaalada si aan hadiyad uga soo iibsado” Busaad ayaa ugu cudurdaaratay:”waa ka xumahay inay beentaydu heerkaas gaarto” Xasan ayaa yiri: “dhib malaha, balse waxaa iigu daran meesha ay hooyo iigu sheegaysay fartiintaada, waxaa joogay walaalaheey oo iga sugaayo inay arkaan hadiyada” Xasan mawaydiin waxa ku kalifay inay Busaad been sheegto, laakiin wuxuu u qaatay inay xishood dartiis ay u yeeshay, Busaadna waxaa uga darnaatay inuu ka tegaayo markaas ayay waydiisay: “goormee ka soo laabanee magaalada?” wuxuu ku yiri: “berri subax ayaan ku soo maraa xilliga aan dugsiga aadeeyno” wuxuuna ka istaagay derbi bannaanki ay wada fadhiyeen, wuuna iska tegay, Busaad wax hadal ah kama soo bixin, waxayna sii fiirineeysay Xasan oo sii socda, habeenkaasna wuu uga duwanaa habeenada ilaa ay saqdi dhexe ka kacday meeshi ay ku sheekeeysan jireen, habeenkaas dadki la soo fadhiisanaayay oo ay ka mid ahaayeen Ciise, walaalaheed iyo qaar kamid ah dhalinyarada xaafadda, waxba kama xasuusato, waxaana ku soo maray Aabaheed iyo Sureer oo cabsiisay kuna tiri: “cidna kulama fadhidee maxaa kaligaa ku fadhiisiyay cidlada?” hadalkaas ayay Busaad garoowsatay oo ku xarootay, balse markay sariirteedi tagtay ayay u cadaatay inay nafteedu ku qanacsan tahay Xasan, laakiin waxaa dhib ku noqotay sidi ay ugu sheegi laheyd.

Markuu soo dhawaaday dhammaadka labadi bilood ee loo qabtay inay Eedo Xabiibo uga guurto Gurigi laga iibsaday, ayuu Aabe Xuseen  soo aaday asagoo raba inuu tixraac ku sameeyo hishiiski iyo haddii ay wax iska bedeleen, wuxuuna u soo galay islaanti macangaga aheyd oo ilmeeynaysa, Eedo Xabiibo waxay fadhiday deyrka guriga, waxaa la fadhiyay carruurteeda, markay aragtay Aabe Xuseen oo soo gelaaya ayay ilmada iskaga tirtirtay guntiinada faraqeeda, Aabe Xuseena wuu dareemay ilmada ay qolka kula carartay, waxaana markhaati u noqday carruurta qaarkood oo aan ilmada iska tirtirin, wuxuu niyadda iska yiri: “reerka geeri miyaa gashay!) wax yar kadib ayay qolki ka soo baxday Eedo Xabiibo oo markaan garbasaar soo hagoogatay, Aabe Xuseen ayaa yiri: “see la yahay?”Eedo Xabiibo oo isadkeyneysa intay indhaha iska tirtirtay ayay tiri: “waa lafiican yahay” sababtoo ah islaanta waxaa haaya dareen aanay qarin Karin, Xuseena wuxuu guriga ku soo galay ayadoo aan ooyin bogan, si ay ugu nafisto, wuxuuna dhexda ka qabtay ayadoo aan ka dhergin ilaa ay ka gaduutaan indheheeda, markaana waxa haaya oo dhan ay ka illoowdo, balse hadda si kasta oo ay iskaga tirtirto, waxaa ilmo ka keenaaya waydiinta xaalada reerka ay ku sugan yihiin, Eedo Xabiibo way celin waysay dareenkeeda markuu Aabe Xuseen waydiiyay: “wax dareen ah miyaa reerka ku soo kordhay?” markaas ayay ilmo ka soo daadatay Aabe Xuseen oo arkaaya, Eedo Xabiibana intay garbasaarta isku duubtay ayay sidi Qof ooynaaya oo kale u tiri: “wax dhib ah ma qabno” Xuseen ayaa yiri: “waa iimuuqataa inay wax jiraan, waxaana nahay dad walaalo ah, haddii aad dhibsanayso inaan ogaado waa idinka tegaa, mar kalaan idiin soo noqonaa” markaas ayuu iska baxay asagoo sii fiirinaayo dadka deriska la ah, si uu uga helo qof uu waydiin karo inay wax ka ogyihiin waxa ku dhacay reerka uu booska ka iibsaday, laakiin ma arkin qof weyn oo caqli gal ah, markuu ku laabtay gurigiisi ayuu u sheegay Hooyo Khadiijo iyo wiilashiisa Maxamed iyo Xasan, xaalada uu kala soo kulmay reerka uu aaday,markaa kadibna wuxuu Xasan u xilsaaray inuu soo ogaado haddii uu xaafadaas wax ka yaqaano.

 

La soco. …………14aad.

Qoraha kala xiriir xaayoow09@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN