FAKARKA FICILKA RAACSAN. W/Q: Mohamed Musa Shiikh Noor

Nor1

 

FAKARKA FICILKA RAACSAN

Waxaa laga yaabaa in aad tahay qof wax abuuris badan, dhinac walba oo shaqo lagaaga dirana aad saamayn balaaran ku yeelan karto marka laga hadlayo fakar keenidda iyo falsafadaha kale ee ku dhisan xaga fakarka .

Qofka in uu fakaraa waa wax wanaagsan waayo fakarka la fakarayo ayaaba ah shaqo laga shaqaysiiyo Maskaxda dhinaceeda, Dunidan aan ku nool nahayna waxa ay ka koobantahay ayaa ah fakar iyo ficil  is raacsan, kaas oo abuuri kara wax badan oo maanta aan nahay ama noqon doono.

Dadku sidoodaba kuma wada wanaagsan dhinac walba waana mahad Eebe in qof walba uu dhinac ku wanaagsan yahay, dadka qaar ayaa ku wanaagsan fulinta waxa lasoo fakaro, dadna waxay ku wanaagsan yihiin fakarka oo maba awoodaan in ay Ficil ahaan u sameeyaan waxa ay ku fakaraan.

Hadaba dhinac walba marka laga eego waa intaas uun waxa ay ka koobantahay Nolosha Dunida fakar iyo ficil, balse, waxaa jirta baahi loo qabo mararka qaar in fakarkaaga aad ficil raaciso marka laga hadlayo noloshaada shaqsi ahaaneed, ama mararka qaar marka ay timaado in bulshadaada ay u baahantahay fakar wanaagsan oo fici la raacshay.

Runtii aniga qoraha Maqaalkana ah hadaan iska bilaabo, waxaan mararka qaar isku canaantaa in Qoraal kaliya aanan waxba ku qaban Karin ee loo baahan yahay in aan goobta dhex istaago, oo waxa qallinka aan ku shegayo ficil ahaan aan u qabto, hadana waxa I ciila Waqtiga oo doonayn in uu taa Gacan igu siiyo, waana qayb ka mid ah Caqabadaha Nolosha, maxaa yeelay waqtiga mararka qaar kuuma ogola in aad gaarto meel badan oo aad doonayso in aad ficil ahaan ku gaarto, taa baddalkeedana waa midkan igu soo koobay in aan qallinka ku Ciil baxo, halkii aan shantayda ku ciil bixi lahaa!

Adiga aqrisanaya qoraalkan, Jumladan jumlada ka koraysa marka aad si gaar ah u dheehatid waxaa ka fahmi kartaa, in Qoraha uu wax tabanayo uuna is leeyahy kuma filna wax sheeg oo kaliya marka laga hadlayo xaaladda bulshada aan maanta ka dhashay, waxaana mararka qaar sida runta ah laga fahmi karaa qoraalada Qorayaasha qaar in ay sidan oo kale Ciil u dareemayaan.

Hadaba waxaa jirta mar uu kuu saamixi karo fakarkaaga in aad ficil ahaan u badasho, waase marka aad dhex joogtid Goobta looga baahan yahay fakarka aad ku fakartay iyo ficilkaba, balse, marka aad ka fogtahay goobta aad sidaas uga fakarayso, fakarro fiicanna ay kugu soo dhacayaan ama aad haysid, qoraal ahaana aad ku gudbin karto, balse, ficil ahaan aadan u gaari Karin, waxaa markaas maankaaga mar walba ka guuxaya in aad tahay Qof Dambiila ah, oo waxa uu dadka farayo ama u tilmaamayo Xagiisa aysan suura gal ka ahayn, waana sidaas sida aan dhab ahaan u dareemayo maanta.

Marka laga hadlayo xaaladaha cakiran ee Cadaalad darrada iyo Damiir xumada iyo fakar yaraanta ku salaysan ee ay hoyga u noqdeen Umadda aan kasoo jeedno waa marka ay ugu sii darantahay, maxaa yeelay meel aad u jeeddo in haddi ay Gacantaada gaari lahayd aad wax badan oo is badal ah ka keeni lahayd ayaadan gaari Karin sababta ay noqotaba ku gaari waa, sidaas darteed waxaa laga yaabaa in aad u aragto qoraalka faraha badan ee aad qalinka har iyo habeen la dul yuurarto in uu kuu yahay mid aan macna lahayn, hadana dhanka kale marka aad ka eegto aad isku maslaxayso in ay tahay oo kaliya waddada aad ku nafisi karto ugu yaraan, cabburka ku haystana aad ku shuuqin karto ,waana run xaqiiqdii, maxaa yeelay adiga oo shiban wax badana kaa guuxayaan haddii aadan helin meel aad isku faarujiso, waxaa hubaal ah in uu imaanay Qarax, kaas oo laga yaabo in adiga uu wax yeelo baahan kuu gaysto, taas oo wax ku noqon karta shaqsiyaddaada dhabta ah.

Marka aad aragto Qof xun oo xumaanta uu aaminsanyahay fullinteeda ku fakaray ficil ahaan in uu u fuliyo, waxaa is leedahay maxaa ku helay? adiga oo wanaag ku fakaraya aad u filin la’dahay ficilkaas wanaagsan ee aad mar walba ku riyooto fulintiisa.

Haddaad aragto Qof is canaananayo ama dhaliilayo wanaagiisa uu dadka faro, isaguna uuusan ficil ahaan u samaynayn hala yaabin, maxaa yeelay, waxaa jira Walwal mar walba caaqibadiisa dambe aan la mahdin, kaas oo ku dhaca dadka wanaaga fara dadka isla ayagana aanan wanaagaas suubin, waana middaas midda qofka sida aniga oo kale ah walwalka ku haysa, teeda kale qofka wuxuuba isku arki karaa in uu yahay qof waqtigiisa u taagan oo kaliya in uu wax wanaagsan ku fakaro, balse aan awood u lahayn in uu fuliyo waxa uu ku haminayo, taas oo runtii ah dhibaato xaga dhimirka ah.

Soomaalia waxa is haya ayaa ah Afkaaro kala duwan oo midba meel cuskanayo, haba ugu badnaato afkaaraha ku salaysan Danta Ajaanibta iyo kuwa waayadan dambe soo baxay ee Diinta loo nisbeeyo, waxaa kaloo jira kuwa ku hoos lamaanan afkaarahaas oo ayagana ku salaysan Nolol maalmeed aan maalintaas dhaafsiisnayn, iyo kuwa kale oo meel ay la fadhiyaan sida Dadka aniga oo kale ah, ee ku salaysan Danta guud ee Umaddan Soomaalida la dhaho.

Waxaa laga yaabaa adiga aqrinayo qoraalkan in aad igu fakar tahay oo mar walba aad ku fakarto Danta guud ee Qaranimada ku salaysan ee umaddeena, mar walbana aad ku waaniso dadka caddaaladda iyo in ay ka digtoonaadaan u shaqaynta Cadowga iyo afkaaraha  kale ee waayadan cusub ee ku salaysan diinta.

Marka laga hadlayo afkaaraha diinta, dadku qofba si ayuu u arkaa qofna wanaag ayay ula muuqataa waxa ay ku dhaqmayaan kooxahan u ololeeya Diinta, Dadna waxay u arkaan in aysan ahayn waxa ay kooxaas wadaan Diin, ee ay tahay mid ay ugu gambanayaan danahooda hoose ee ku salaysan in ay Dadka ku xukumaan Afkaartooda.

Dhianca ay doonto ha noqoto, waxaa hubaal ah in afkaarahaas qaldan ee wada xun, ay ficil ahaan Waddanka uga shaqeeyaan afkaar ahaan, ayaga oo nala siman hadana ay  usii dheertahay in afkaartooda ay ficil ahaan u fulinayaan.

Kuwa u shaqeeya Danaha Shisheeyaha Waddanka ayay dhinac ka joogaan waana Siyaasiyiinta, waana kuwa Har iyo Habeen u diyaarsan in ay u dhintaan Fakarkaas lagu shubay, loogana dhaadhacshay in ay u shaqeenayaan Danta Dadkooda iyo Dalkooda, balse, marka aad u fiirsato waxna ka ogaato in ay yihiin Dad Suurad ahaan Soomaali ah, balse, fakar ahaan aan Soomaali waxba la wadaagin, sidaas si la mid ah Qolyaha ku qaraabta magaca Diinta.

Hadaba adiga ku fakaraya sida aan u fakaro ee ka fakara Danta Soomaaliyeed, marka cadaalad darro aad aragtana Qallinka aad la qayliso, marka aad aragto KhIyaano Qarana, qallinka aad ku boobto waraaqaha, adiga oo iftiiminaya waxa aad aragtay ee Mugdiga uga jira umadaha qaar.

Hadaba fikir ahaan waad u dhex joogtaa umadda mana ahan wax la inkiri karo taas, balse, Xisaabta ku darso Umaddeena inta wax aqrisa ee wax ku qaadan karta Fakarkaaga, iyo inta aan wax aqrin ee Ficilka ama waxa dhab u dhacaya wax ku qaata yaa badan?

Waa Su’aal aad muhiim u ah oo la doonayo inteena Qallinka quudata kuna ciil baxda in ay is waydiiso .

Kan is qarxinaya ee dhimanaya, inta uu galaafto Ilmo iyo Dumar ama kuwa kale ee uu markaa u arko in ay liddi ku yihin Fakarkiisa waa laga yaabaa in aad la yaabto waxa uu u dhintay, balse mid maanka ku hay taas oo ah in qofka waxa uu aaminsan yahay uu u dhiman karo waqti walba, kaas in uu  u dhinto fakarkiisana ficil ahaan ayuu u muujiyay, adiga qallinlaha ah ee maalin walba wax sheego xagee taagantahay?

Xagee taaganahay? Waa Su’aal aan mar walba Is waydiiyo, ma waxaa la ii sameeyay oo kaliya in aniga oo arkaya wanaaga aanan far taagi Karin, in aan Qallin meelaha baaq ahaan uga taag taago mooyee, waa nasiib darro ku dhacday qaar ka mid ah Qallinlayda aniga oo kale ah, kuwa waddanka joogo ayagana waxaan filayaa in ay nala mid yihiin.

Fakarka wanaagsan ma ahan wax la heli karo mana ahan wax Raqiis ka ah Bulshada dhexdeeda, waana mid ka mid ah Dheemanada qaaliga ah ee aan la helin, qofka fakar wanaagsan leh waxaa wanaagsan in uu mar walba raacsho Ficil, oo fakarka uu ku fakaryo u badalo wax muuqda oo la arki karo, maadaama Bani aadamka sida badan fakar aysan wax ku qaadan, ayna ka jecelyihiin ugana kalsooni badan yihiin wax ficil ahaan loo muujiyo.

Taasna waxaa tusaale kuugu filan, Alla marka uu soo dirayay Rusushiisa, wuxuu Rasuul walba watay Mucjiso lagu tusayay Dadkaas, in waxa loo sheegayo ay yihin wax jiro, taas macnaheedana ay yihiin ama ay u furantahay in ay qaataan waxa la farayo.

Waa Allah, isaga ayaa Dadka abuurtay isaga cid uga aqoon badana ma jirto sida saxda ah, haddiiba uu isagii isaga oo awooda in uu quluubtooda waxa uu doono ku shubo, uu usoo diray Rusul, hadana uu soo raacshay ficil ay ku muujyanaan in xaga Allah laga soo diray, waxa ay wadaana ay yihiin Xaq, Daliil ahaan ama ficil ahaana umadda ay u sheegayaan ay ula dhex yimaadeen xagee joogtaa? Qallin wax ku qorow adiga?

Xikmaddaas waxaan ka faa’iidi karnaa in mar walba ay lagama maarmaan ay tahay, in wax walba oo aad wanaag ahaan ugu fakarto la doonayo in aad ficil ahaan u muujiso, haddi aysan taas dhincan ay hubaal noqonayso in waxa aad sheegtay aysan soo dhaafeen dibnahaaga ama warqadaha aad ku xariiqday, ayana ku dambayn doonaan kuwa lagu madadaasho maalamaha fasaxa ama waqtigu badan yahay, dhan kale haddaan ka eegana ay noqon doonto kuwa Niyadda lagu dhisto oo qofka xoogaa buuqsan ee kula midka ah uu isku maslaxaysto.

Hadaba waxaa muhiim ah lagama maar maana ah, in marka fakar wanaagsan aad rimantahay ay qasab kugu tahay in aad dhasho fakarkaas wanaagsan qaabka aad u dhalaysana uu noqdaa adiga oo ficil ahaan u fuliya, haddii aysan taas dhicina uu noqonayo fakarkaaga wax maskaxda lagu dhex shiilay, balse, Saxankii lagu quudan lahaa uusan meesha aalin, ama wax gubtay oo qurankooda Qashinka la iskaga daro.

Hadaba qasab maahan in fakarkaaga wanaagsan aad adiga naftaada ficil ahaan u fulisaa, sida qofka aaminsan in fakarka qolyaha Diinta ee is qarxinta ay u heleen dad isku qarxiyo fakarkooda dartod, waa in aad u heshaa adigana qof u shaqeeya fakarkaaga wanaagsan, haddaan taa la helin Natiijada waxay ku dhamaanaysaa sida aan kor kusoo sheegay fakar wanaagsan waa qaali, ficil haddii la raacshana wax la siisan karo ma jiro, hadaba, aan dadaalno oo fakarkeena wanaagsan aan ficil ahaan ku dadaalno in aan u suubino, si ugu yaraan aan u dareeno Nafis ah in aan ka gun gaarnay waxa aan maalin walba Maskxiyan ugu riyoono.

W/Q: Mohamed Musa Shiikh Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN