SIRTA NOLOSHA Q.14aad W/Q Ahmed Hayow. (Dulmidiid)

Subaxdaas oo Jimca aheyd ayuu Xasan soo aaday guriga Eedo Xabiibo, wuxuuna ka soo tegay asagoo ka niyad jabsan diifta iyo murugada ka muuqatay islaanta haaysata carruurta agoonta ah, taasoo xataa hortiisa ay ilmadu uga soo daadatay, asagana uu la ooyay inti karaankiisa ah, asagoo cagajiidaaya ayuu yimid gurigooda, Hooyadiis ayuu uga sheekeeyay qisada xanuunka leh uu ku soo arkay islaanta ay guriga ka iibsadeen, wuxuuna ku yiri: “Eedo Xabiibo waxay ii fasirtay sawirki iiga muuqday maalinti aan booska ka iibsanaynay, kaasoo aan u arkaayay inay ku khasbaneyd iibinta guriga aan wax kale ula jirin carruurteeda agoonta ah, waxaa ku khasbay wiilkeeda si uu ugu dhoofo Sucuudi Careebiya, markuu sedex maalin joogayna waxaa loo soo qabtay in Somaliya dib loogu soo tarxiilo, kaasoo xabsiga ku xirnaa mudo lana keenay shalay subax, naxdinti iyo qaracanki ay ka qaaday Eedo Xabiibo khasaaraha gaaray dartii ayay la ilmeeneeysay ilaa maanta……waxayna ii sheegtay meel ay aado ama u guurto inaysan haaysan, lacagti oo dhanna inay ka gashay dhoofinta Wiilkeeda” waa adigoo shiid ahaa, miciin haku bido Qof kaa sii shiidsan, Xasan markuu warbixinta siiyay Hooyadiis ayuu iska seexday, Aabe Xuseen markuu ka yimid shaqadiisi ayaa loo sheegay warbixinta uu Xasan ka keenay islaanti ay guriga ka iibsadeen, Aabe Xuseen intuu indhaha isku qabtay oo wejiga kaduuday ayuu yiri: “maxay wiilka uga yeeshay inay halka boos u gado, sidee yeeleeynaa hadda!, ma ilmo agoono ah ayaan ka bixin karnaa guriga? aaway Xasan?” Hooyo Khadiijo ayaa u sheegtay inuu jiifo, markaas ayuu yiri: “soo kici, maxaa saacadaan jiifiyay” Xasan oo madaxa xanuunaayo ayaa laga toosiyay hurdada, markaasuu u sheegay Hooyadiis inuu xanuunsan yahay, waxayna qolkiisa ka soo baxday Hooyadiis ayadoo leh “Xuseenoow ma aheyn inaad wiilka u dirto meelahaas oo kale, hadda asagoo xanuunsan ayuu ka yimid islaan ku kor ooyneeyso, waxaas oo kalana looma baahna inay ilmuhu arkaan” Aabe Xuseen ayaa u galay Xasan oo weli saaran sariirta markaas ayuu ku yiri: “Xasan, adigu ma aragtay wiilkeeda inuu joogo oo la soo tarxiilay, mase waa laguu sheegay oo kali ah?” Xasan ayaa yiri: “Aabe, Cabdi Taano ma arkin, laakiin waxaan arkay boorsadiisa iyo Reerka oo murugo la wada ooynaayo” Aabe Xuseen ayaa yiri: “madaxa see kuu xanuunaa? Kaniini malaguu doonaa?” Xasan ayaa yiri: “maya Aabo, xoogaa inaan jiifto ayaan rabaa oo kali ah” Xasan xanuunka uu ka soo qaaday dhacdadaas naxdin leh waxay ku kaliftay inuu dugsigiisa aadin maalinti Sabtida aheyd, balse Busaad way ogeyd inuu xanuusan yahay oo maalinti jimcaha ayay ugu timid gurigooda, maalintaasoo ay ilaa habeenku joogtay markii ugu horeeysay guriga, Xasan xanuunka laga sheegay aawgiis waxaa kale oo reerka soo booqday Aabe Saxardiid iyo Hooyo Basra oo markii ugu horeeysay soo galay guriga Reer Xuseen Xasan oo ay inta badan bannaanka isku salaami jireen, waxaa kale oo soo booqday wiilasha Suleymaan, Yoonis iyo Cabdikhadar, laakiin waxaan u imaanin Habaryar Sureer oo ka xun xaaladi dhex martay Maxamed Xuseen.

Waxaa kale oo maalintaa joogay Samatar oo fasax laba bilood ah ka soo qaatay shaqadiisi, Samatar wuxuu u sheegay Aabe Xuseen inuu safar ugu socdo Buuhoodle, asagoo raba inuu tafaasiil fiican ka soo helo Hooyadiis oo uu uga baahan yahay macluumaad ku saabsan Aabihiis, waayoo wuxuu ogaaday inuu gabar guursan karin ilaa laga helo waalidkiis, wuxuuna go’aansaday inuu xooga saaro Aabihiis inuu helo.

Xuseen Xasan waxaa ku waynaatay dacwadi qolka uu ijaarka ugu jiray, kadib markii ay ayaguna qareen u qasadeen reerka uu ka deganaa guriga, kuwaasoo ay ka dambeeyaan niman tujaar ah oo raba booska, nimankaas oo la baxay lacagta qareenka, markaana ay labada qareen iska arkeen si ay uga wada hadlaan arrinta dacwada, kulanka labada qareen kadib ayuu Dr. Mahdi ugu yimid Xuseen Arji xafiiskiisi arjiqoraha, wuxuuna ku yiri: “waxaan wada hadalnay qareen ay qabsadeen reerka dacwadu idinka dhexeeyso, wuxuuna iga codsaday inaan dacwada ka soo celino maxkamada oo aan si hoose u dhammeeyno, adiga arrintaas maxay kula tahay?” Xuseen Xasan ayaa yiri: “haddii aan ku dhammeeysaneeyno inaan qolkeeyga sii deganaado, ayagana ay qashqashaada iyo qiimo kordhinta iga dhaafaayaan, waxba kama qabo” Dr. Mahdi ayaa yiri: “aniga waxaa ii muuqda cidda kaa saaraneeysa qolka in aadan ogeyn, waayoo ma aha dadka aad ka ijaaratay ee waa dad u baahan qolkaaga inaad ku wareejiso, kuwaasoo kaa lacag badan, haddii aad rabto inay dacwadu sii socotana way wedaayaan inta aad ka daasho, laakiin hadda waxay ogolyihiin wada hadal iyo isafgarasho” Xuseen Xasan oo yaaban ayaa yiri: “dad xaqdaro raba miyaa, dadka aad sheegeeyso?” Dr. Mahdi ayaa yiri: “waa dad raba inay qolka kaa iibsadaan haddii aad raali ka tahay, dacwadana leyska xiro, anigana waxaan ahay qareenkaaga, arrintaana go’aana kama gaari karo aniga oo aan kaala tashan inaan qaadano wadahadalka ama inay dacwadu noo soconeyso”.

 

La soco. ……..15aad.

SHEEKOOYIN