Silsiladii Saarka Tiriig Waxaa tiriyay Ahmed Hayow

Ta looxaa lagu dhigaa

Tahliishuna waa quraan

Talana Eebeey u taal

Tilkana waa kooban tahay

Waxaanse mar kaa tirmeyn

Naftaaduna ay tebtoo

La tiiceeysaa jirtee

Tiriigeey ina adeer

Adeeygu tallaalanoo

Hurdada taam uma heloo

Tuftii waxba ii ma tarin.

 

Tadii kale waxaan lahaa

Tiriigeey ina adeer

Dadkii tuhumaa gashoo

Naf tiiceeysoon wax qabin

Tallaabana qaadi karin

Cuntana aan taabanayn

Tirir iyo jeex qarsoon

Meeloow uga taagan yahay

Korkiisa ka taabaneyn

Haddaan laga toobi karin

Amaan laga tuujin karin

Takhaatiirtuna arkeyn

Waxay tahay lama yaqaan

Ayay taladoodu tahay.

 

Tadii kale waxaan lahaa

Tiriigeey ina adeer

Tiilaa igu taagan weli

Taftiina ma qaadi karo

Meelaan iska tiirsanahay

Indhaha oon taaga iyo

Fartoon ku tilmaansadaa

Tamartii igu hadhoo

Tubtaan kaa eegan jiray

Inaan tago waa geboo

Tarniiga ma dhaafi karo.

 

Tadii kale waxaan lahaa

Tiriigeey ina adeer

Jaceyl igu tiixay baa

Tiniyo cirib wada tagoo

Tawaawaca iigu wacan

Tiqraar buu igu hayaa

Tunkuu iga saaran yahay

Adoo iga tuuri kara

Haddaad iigaga tagtaa

Toolmooneey yaa i bixin.

 

Tadii kale waxaan lahaa

Tiriigeey ina adeer

Toban adigoo jiroo

Tintuna kuu feydan tahay

Reerkuna kuu soo tidceen

Taniyo waagaas ayuu

Cishqigu ii talinayoo

Tawin cudur baa i helay

Waayuhu ay taxan yihiin

Todoba roobeey qandhadu

Isoo tuureeysay oon

Tabaalaca kuu ahaay

Tiriigeey ina adeer

Intaan weli tooxanahay

Tiraabtana sheegi karo

Taqliinti aan gaarin weli

Inaad iigaga turtaa

Ameey kula toosan tahay?

SHEEKOOYIN