Home Curis MA LOXODKEEY KU LADAYAAN? (Qormo sheekeed)

MA LOXODKEEY KU LADAYAAN? (Qormo sheekeed)

0
SHARE

10672300_634722843313928_1169928553380477306_n

MA LOXODKEEY KU LADAYAAN? (Qormo sheekeed)

Sidii caadiga ahaydba daabbaddii qarsooneyd ee xalay la duushay ayaa dib ugusoo dajisay ifkan uu dulmigu yaal yaal. Waaga soo guduudatay iyo ileyska gantaalaha ifaya dhulka guudkiisa kusoo gamay ayaa u gacan haatiyay daabaddan si ay ulasoo haaddo oo usoo hayaamiso ruuxdii ay xalay iga dawaafisay. Had iyo goorba markuu gabalku damo oo gudcurku dhulka isku gedaamo ayaan u guntadaa socdaalka qarsoon ee ruuxda oo ka dhaqaaqa halka ay gogoshu ii taal ee aan ku gam’o. Goobtaas ayaa loogaga tagaa jirkeyga oo laga tallaabiyaa ruuxda si ay ugu dhaqaaqdo dhul fog oo aan meel uu yahay anigu garanayn.

Socdaalkan wuxuu igasoo daboolaa bogag xusuuso ciil iyo caloolyoow xambaarsan oo maalintii i dhaaftay ay wadatay, waxay ruuxda ka dhaqaaqdaa ifka ay noloshiisu ilma aadan gar-wadeenka ka yihiin oo godob iyo gardarro miiran ugu gun-dhigeen. waxay ka huleeshaa ifkan hooyga u noqday hagarta ee noloshiisu ay u hiilliso hadba kii tun-wayn, kana hiilliso oo hoog iyo halaag u horseeddo taag-darannaha liita. Qofba magac iyo micna gaaruu u yeeshay, oo qaar baa Hurdo iyo hoyaad san ula baxay, anse waa ii socdaal ruuxeed i mariya surrin dheer oon kusoo sahansado nolol ka san tan silloon ee na sidata. Sadkii baase wali ifka dul surane, waa tan ruuxdii si la mida subaxyo badanoo tagay, saakay dig soo tiri iyadoo mar kale igu qancineysa inaan u qalab qaato howl aan quus mooyee qurux iyo qaayo kale lahayn. Waa howl aan sida aadanaha qayrkeyga ah oo kaleba aroor walba ugu hub qaato heybinta nolol ka dhigan hor-wayn geela oo howd iyo halaq galeen ku habaabay, kaasoo loo han-waynyahay helitaankiisa, si kastoo halistana leysaga jirayo. Waa jarin iyo is jirid is wata oo malaha haddeey saas isku raacaan tusaaleynaya raja beel joogta ah

Jirkeyga oo sidii ay xalay daabaddu uga dhaqaaqday halkiisii dhaanka tagay ku dhowraya ayeey ruuxdoo soo dhex gashay, waana kan durbadiiba soo baraarugay oo firaashkii kasoo booday sidii wax baalal yeeshay oo buubi raba. Wax xoogaa markaan hareeraha eeg-eegay sidii inaan god kasoo baxay oo banaanku igu cusubyahay amaan dhawaaq ii yeeray dhuganayo oo qofkii dhahay dhinacyada ka goobayo, ayaan ugu dambeyn hagaag usoo joogsaday si aan bal ugu tafa-xeyto tiigsi nololeed oo aan i horeyn.

Muddo aan hooyga dhexdiisa ku meereysanayay si aan isugu diyaariyo ka hortagga nolosha adag ee banaanka igu sugayso ka dib ayaan dhankii albaabka soo beegsaday, halkaas oo dhaqaaqeygii dheef doonka ahaa usii galay.

Maalinteydii cusbeyd ayaan saa ugu guda galay oo furatay albaabadeeda si usoo dhaweyso wax badan oo dhib iyo dheef leh oo maalintan cusubi ay aniga ii waddo. Waxaanse filayaa sidaan mar walba ahaybo, in ruuxdeydii socdaalka hadda uun kasoo noqotay ay ka qoomameyn doonto hilowgii usoo qobtay ifkan qaxarka badan si ay caawa mar kale socodkeedii qarsoonaa ugu qulqusho, soo noqon doontaase mooyiye.

Waa filashadiiye, waa kan aan qacdii u horeysayba anigoon masaafo badan u jirsan hoygeygii mar qura joogsaday. Indhahaan xoog u kala furay sidii inay wali hurdadii igu dambeyso, mase ahanoo goob lagu hurdo iyo goor la hurdaba ma joogo oo waa anigan socda. Waxaa toos isugu wada jeediyay meel wadada geeskeeda ah oo wax iigasoo muuqdeen, waxaanana eegmo furan oo indho kala taagis wadata ku qotomiyay wixii ii muuqday. Illeen waa Qof dumara oo halkan socota. Iyada kaligeed ma socon ee aadanaha aan aniguba ku jiro ayaa sidaas u wada qulqulaya amintan aroorta ah si ay nolol u jariyaan, iyaduse waa qoftane way ka duwantahay inta kale ee digdigleyneysa. Bookaar dheer ayeey ku tukubeysaa, qaybteeda kore ee jirkana hoos bey u foorartaa oo iyadoo saas u godan ayeey socotaa. Toloow meey xanuunsantahay? Mise waa da’? garan maayo oo iima dhawee bal u yar sug waa tan kugusoo jeeddee waa intaasooy xagaaga usoo dhawaataaye!! In yar ka dibba waa tan ilasoo simantay si ay ii reed marto, mase I dhaafine, inteey qoorteeda uun wax yar xageyga usoo qaloocisay ayeey isha uun igusoo jeedisay si aan u garto inay aniga isoo eegeyso, waxayna tiri (Eeddo ii kaalmeey Allaha uu kaalmeeyee?).

Gartay warkeeda, oo garwaaqsaday inay gargaar aadane u baahantahay. Haa, waa danyar calafkeedii ka dooneysa dunidan dareenka naxariista iyo damiirkaba ka arradan oo xaq duudsiga iyo dulmiga uun loogu dow galay. Waa Islaan uu gabow legday oo si kastooy xooggii u gebtay hadana wali gucleyneysa nololna goobeysa. Oo maxaanay u goobeyn, ma dunidan baa leysu garaabaa, ninba tiisuu u guntadaaye. Waaba haddii bahalada dadka la moodo ee naxariista beelay ay ka badbaaddo iyadaaba sadkeeda baadi goobanaysee!!

Kaligeey ayaa isla guuxay oo nafteydaa gununuc hoose igu tiri (Toloow maxay dunidani naxariistii uga gurtay oo nin geeridiisa ay mid kale guul ugu tahay? Haddii leys garab qabto oo leysu gurmado miyaanay dhici lahayn in la wada guuleysto oo gargaar la wadaago? May, taasu iman meyso, saa ilma aadan baan urugo iyo arxan beel ka dhammaaneyn. Sow tay Qaabiil iyo Haabiil-ba is hiifeen iyagoo hilba wadaaga oo hooya quraahi dhashay? Sidaas bay hagar-daamadu u jireysaa illaa ifkan laga hayaamo!! Ee waxbana gacan kale ha sugine taada uun ku cad gooso) anigaa intaas isku qanciyay, waxaanse isla hadalkaas yar dabadeed dib ugusoo indha furay Waayeelkii i hortaagnaa ee kaalamada i warsatay.

Intii alle i haleeshiiyay oo hiillo ahayd markaan sacabadeeda ku hubsaday ka dib ayeey naftu i tiri hakasii socone bal in yar la saan qaad oo surrinka gooysii, sidaas baan baakoorteedii dheereyd dacal ugagasoo qabtay anoo tallaabadana u gaabinaya si aan ula jaan qaado. Waxaanan hadal kooban ku yiri “Eeddo magacaa?”. Iyadoo codkeedu nuxuus yahay ayeey iigu jawaabtay “Arbacaay”.

“Imisa jir ayaad tahay Eeddo?” ayaa su’aasheydii hore ii raacday, markaasoo ay Eeddo Arbacaay igu tiri “90 sano”.

Halkaas ayuu haasaawe xaal wareysi ah innoogaga bilowday, oo waxay Eedda Arbacaay ii furfurtay bogaggii nolosheeda oo baaxad wayn lahaa, aadna uga murug iyo mashaqa badnaa intii aan ka yaabanaa anigan hadduun hayaanka nololeed dhaqaajinaya. Dhowr jeer beey da’deedu teyda ku laba laabantaa waaya badan oo aanan anigu jirinna way usoo joogtay, hadana wali waa tan jarmaadeysa oo nolol jarinaysa.

Aroortii hore oo intaan salaadda Fajar la galin ah ayeey kasoo toostaa Xero ay ku nooshay oo Xamar ku taala, halkaasoo ay deganyihiin dadka ay iyadu ku jirto oo ah kuwa calafkoodu ciilay ee dan-yarnimada heysata iyo damiir xumida kuwa iyaga ka roon darteed loogu suntay magac baaseedka (BARAKACAYAAL). Halkaas ayeey Eeddo Arbacaay habeenkii cooshad yar dhexdeeda kaga gama’daa marka ay kusoo daasho loolanka ay uga hortagayso nolosha adag ee ka jirta magaaladan ay dadkeedu diintii naxariista iyo is kalkaalka heystaan, se dhaqankoodu yahay hagar iyo hiil la’aan. Waa magaaladan in yar oo dadkeeda ah ay quraac kaliya ku cunaan hanti dhan oo malaayiin ruux oo isla magaalada ku nooli tobanaan sanana aanay heli kareyn. Waa magaalada ay baroorta iyo basaaska dadkeedu ay baraare iyo barwaaqo u tahay qaar kaloo isla dadkeeda ah!!

Wax badan oo dadka ay iyada la nooshay ay guusha nolosha u yaqaanaan ayeey Eeddo Arbacaay ku seegtay nolosheeda, iyaduse intaasba guul-darro uma aragto ee waxay si kooban ii tiri (Ilmo ma dhalin oo waxaan ogahay Caruurtu inay deeq uu Alle bixiyo yihiin, helitaankooda iyo waayitaankoodana waa go’aan alle oo ka gubasho iyo ka gilgilsho toona ma leh).

Iyadu sidaas bay ogaal iimaan xambaarsan ugu qabtaa wax kasta oo calafka dunidan guudkiisa lagu helo ah iyo waxa aan la helinba, waana ay ka qanacsantahay wixii ay seegtay, kuna qanacsantahay wixii u sugnaaday. Se kuwa heybta dadnimo la wadaaga ee degelka kula nool ayaa ah kuwo dhaqan dugaageed ku caana oo calafka Alle ku siiga ah isku maamuusa, kaan heynna magac ceebeed ugaga dhiga sida (Ma dhale, Sabool, Jirroole iwm).

Sidaas bay Eeddo Arbacaay ka soke inay iskeed ugu halgamayso haqab-tirka nolosheeda, hadana abidkeed eedo badan noloshan ugasoo tirsanaysay oo ah kuwo ay aadanuhu u geysanayeen.

Iyadoo sooyaalkeedii hore iiga sheekeynayso ayeey mid ka mida urugooyinka uurkeeda ku beeran ee eedaha nolosha uga dhigan iigaga warrantay ooy tiri “Anigoon sidan u gaboobin, se da’dii dhalmada dhaafay ayuu walaalkeey oo wax ila dhashayba kaligiis ka noolaa igala wareegay beer iyo xoolo yar oo aan lahaa isagoo ku andacoonaya inaan ahay dumar aan caruurna lahayn oo hantideeda cid dhaxleysa aysan jirin. Nasiib darase isagiina ma calfane abaar ayaa xoolihii iyo dhulkiiba baabi’isay oo aniga iyo isagaba magaalada inoosoo hayaamisay”

“Tobanaan sano ayaa markaas kasoo wareegatay. Illaa goortaas anigu ilahay wuxuu ii saqiray si kastoon u liitaba inaan lagdamo oo aanay noloshu I loodin. Isagiise (walaalkeed) maanta waa bukaan sariir jiifa oo aan dhaaya uu wax ku arko lahayn, laxaad jireedna lahayn” ayeey ku dartay iyadoo cod qalbiga dareenka leh qaboojinaya kusii leh “Godobtu wax la galo maaha, haddii la galana qofkeedeey ku gaddoontaa, waana taa tan walaalkeey heysata”.

Halkan waxay Eedda Arbacaay igu tusaaleysay sida dhaqan dugaageedka iyo dhiig miirashadu ay aadanaha uga wada simanyihiin koleey walaalba ku tahay. Waa tabtii Ilma aadan iyo is dilkoodiiye!!

Eeddo Arbacaay wax kastoo ifkan kusoo aragtay oo ebtelo ah, wali waa tan u adkeysanaysa oo afkeeda iyo addinkeeda isu kaashanaysa iyadoo arsaaqda ay cuneysana aan cid kale ka heybine iyada uun soo hanata.

Waa cunnimo waayeeleede, waxay u carareyso oo ay socodkaas tukubka iyo tiic-tiica ah ugu jirtaba, waxay habeenkii inta yar ee ay soo hesho ku darsataa cid u daris ah oo dabku u shidanyahay si ay koombada yar ee Digirta ah iyo Galaas caana ah uga hesho, sidaas buuna habeenkeedaasi kusoo afmeeraa maalintii hardanka badneyd ee soo martay, berriga xigana waa u bilow iyo baadi doon cusub. Waana giraan wareegeysa oo gabal dhacay iyo waa guduutay u dhexeysa, illaa geeridana sidaas bay Eeddo Arbacaay sadkeeda u goobanaysaa iyadoon cidna gaaja tir ka dhowreyn.

Marka aan joogno geyigan aan leysu gargaarin, gabowga iyo gu’ yaraantu waa laba isu dhigan oo midina aanu kan kale ka dhib yareyn, gallada Eebana dadkani isma gaarsiiyaane qaar baa gooni u yeesha si ay inta kalee nasiibku gaasiray u gujeeyaan oo u gowracaan dushoodana ugu gurbaan tuntaan. Sidaas buuna waayeelkeenu ku ladin illaa loxodka laga dhigo. Umadaha asaageena ahise, arrinkoodu waa u gaar, oo waayeelkoodu wuu u ladaa laxaw iyo lur la’aan, iyagaana ah dallad iyo damal har leh oo waayeeladu ay hoos galaan, huqda iyo halista noloshana ugaga hiil helaan!!

W/qoray: Maxamed Cabdullahi Abukar (Dhaaley)

Email: mohammed_dhaley@hotmail.com

Facebook: https://www.facebook.com/mohamed.dhaaley

SHARE