Jiritaanka Adduunka Dad maxaa kala haysta. Qore Ahmed Hayow (Dulmidiid)

Bandhig ganacsi Adoomo kii ugu waynaa Mareykanka (Xafladihii Ilmeynta)

 wotld

Bishii March 2-3, 1857 waxaa ka dhacay goobta loo yaqaano Racetrack ee magaalada Savannah oo tirsan gobalka Georgia, bandhig lagu iibinaayo 429 qofood oo Addoomo ah, kuwaas oo isugu jiray Rag, Dumar iyo Carruur, waxaa Addoomadaas laga xaraashaayay nin la yiraahdo pierce Mease Butler, kaasoo dhaxal ahaan uga helay Ayeeyadiis, Mr. Butler wuxuu ahaa ninki ugu Addoomada badnaa waagaas asaga iyo walaalkiis John, wuxuuna ka mid ahaa dadki wax ka saxiixay Dastuurka Dalka Mareykanka, Mr. Butler wuxuu cayaari jiray qamaarka, taasoo gaarsiisay in lagu yeesho deyman fara badan, deymankaas oo keenay in laga xaraasho Addoomada inti uu ku lahaa.

Reer Butler waxay lahaayeen 900 oo Addoon, kuwaasoo laba loo qeybiyay, 450 pierce Butler iyo 450 walaalkiis John, kadibna 21 Addoon ayaa lagu reebay guriga Butler inta kale oo aheyd 429 waxaa sayladda geystay dadki deynta ku lahaa, deyntaas oo aheyd 700,000 oo wagaas ah, haddana u dhiganta lacag gaareysa 19 milyan iyo 300 oo kun.

429ki Addoon waxaa lagu soo qaaday tareemo, waxaana lakeenay suuqa Racetrack, mid walbana waxaa laga iibinaa qofka gaara beeca ugu sarreeyo, bandhiga xaraashka Addoomada wuxuu gaaray gobalada koofurta Mareykanka, waxaana la xayaysiinaayay muddo sitimaan ah, waxaana laysa kala yimid Gobalada koofurta iyo waqooyiga Carolina, Georgia, Virginia, Alabama iyo Louisiana, hoteeladi ku yiilay magaalada Savannah iyo goobihi ganacsigana waxaa loo sii diyaariyay dadka ka soo qeyb gelaaya xaraashka.

Dadka intooda badan weligood lama iibin, waxayna ka soo shaqeeyeen hal beer ama laba beerood oo kali ah, waxaa loo ballan qaaday in loo iibindoono qoys ahaan, ninka iyo naagta isqaba ama qoyska ka kooban waalid iyo carruurtooda, taasoo aan aheyn ballanqaad dhab ah, labada maalmood ee lagu guda jiray iibinta Aadanaha, waxaa da’aayay roob, kaasoo ahaa roob yar oo tifiq tifiq ah oo aad moodeyso inuu cirku ilmeynaayo (The Weeping Time) sidaa oo kale ayay u ilmeeynaayeen Addoomadi la iibinaayay.

Horace Greeley oo ahaa tifaftiraha joornaalka New York Tribune ayaa hoosta ka diray wariye si qarsoodi ah wax uga soo qora goobta Addoomada lagu iibinaayo, wariyahaas oo la yiraahdo Mortimer Thomson, wuxuu soo qoray (nimanka lacagta leh markay dhexgalaan Addoomada, inay afka ka furaayeen si ay ilkihiisa u fiiriyaan, inay dhahaayeen foorarso, kadaloobso iyo inay xabadka ka dharbaaxaayeen si ay xoogiisa u fiiriyaan, waxaa kale oo ay ka raadinaayeen dhaawacyo ku yaala ayagoo ku dul wareegaaya oo marba dhan u leexinaaya) wuxuu wariyuhu soo qoray dareenka Addoomada maalintaa la iibinaayay oo ay wejiyadoodu ka muuqatay sida ay uga xun yihiin inay guryahoodi ka soo tagaan, taasoo qaarkood ay ka muuqatay cabsi iyo walwal ku saabsan halka ay tegidoonaan, qaarkoodna ay si layaab leh u soo eegaayeen dadka u yimid inay iibsadaan ayagoo gacmaha xabadka u saaran yahay, si ay isaga celiyaan neecaawda qabow ee maalintaa dhaceysay, qaarna waxay gacantu u saarneyd dhabanka.

Wariyahu wuxuu soo qoray inay dadka Addoomada iibsanaaya ay kaftamaayeen iyo inay dood ka keenaayeen Addoomada qoysaska ah iyo kuwa aan u diyaarsaneyn inay isi soo bandhigaan si loo iibsado, wuxuu ka sheekeeyay naag la yiraahdo Daphne oo sidatay canug yar oo ay buste uga huwisay dhaxanta dhaceysay, arrintaasina ay keentay inay ka doodaan dadki Addoomada iibsanaayay oo ay yiraahdaan “Who’s going to bid on that n*gger, if you keep her covered up? Let’s see her face.” (yaa baayacaaya Addoon buste ku duuduuban, aan wejigaaga aragno) markaana intay islaanti ku soo xoomeen ayay ku khasbeen inay bustaha iska tuurto si wejigeeda loo arko, asagoo uu cunigeedu ooynaayo.

Waxaa joornaalka lagu soo nin ka yiraahdo Elisha oo dadaal badan ku bixiyay siduu hal qof u wada iibsan lahaa asaga, xaaskiisa iyo carruurtiisa, si aanay u kala habaabin reerkiisa, wuxuu baryaayay nin ka mid ahaa dadka wax iibsanaayay oo uu ku lahaa “waxaan ahay nin karti leh oo ku anfacaaya, xataa waxaan aqaan sida loo wado makiinada beeraha lagu falo, sidaa daraadeed waxaan kaa codsanaa inaad nawada iibsato aniga, xaaskiiyga iyo carruurteyd” wuxuu lahaa wiil iyo gabar.

Labadi maalmood oo ay socotay naadada Addoomada waxaa da’aayay roob aan joogsi laheyn, roobkaas oo istaagay marki la iibsaday Addoonki ugu dambeeyay, qiimaha lakala siisatay waxaa ugu sareeyay qoyska koobnaa hooyo iyo shan cunuc oo waaweynaa ay dhashay, kuwaas oo lagala baxay 6,180 (170,000 oo hadda ah) qiimaha ugu badan oo hal qof lagu iibsadana wuxuu ahaa 1,750 (48,200 oo hadda ah) qofki ugu qiimaha yaraana waxaa lagala baxay 250 (6,800 oo hadda ah) haddii qofka laga helo dhaawacyo ama la arko inuu tabar yar yahay, waxaa hoos loo dhigaayay qiimihiisa, laakiin ninka wuxuu ku qiimeysnaa 1,600 (35,200 oo hadda ah) waa marka uu xoogiisu taam yahay.

Dadkaas waxaa laga qaaday qaaradda Afrika oo aan inta badan ilaa hadda ogeyn qiimaha ay xurnimadu leedahay iyo rafaadka ay mareen dadki looga soo watay in beeraha lagu fasho.

SHEEKOOYIN