SIRTA NOLOSHA Sheeko taxane ah Q.21aad W/Q. Ahmed Hayow (Dulmidiid)

Caydaruus wuxuu Biibatadi ku soo laabtay asagoo wada doolshihi ay Caasha Xuseen u dirsatay, markuu albaabka la soo galay, ayay Caasha niyada iska tiri: (waa wiil wanaagsan oo baari ah) markuu u dhiibaayay doolshihi ayuu ku yiri: “hooyo waxay isoo fartay inaad isiiso doolshe iyo caano lagu kariyay heyl” Caasha iyo Deeqa ayaa ku qosleen hadalkiisa, markaa ayay Caasha tiri: “waa ogahay inaad habeen walba ku casheyso doolshe iyo caano ee maxaa kale ay hooyo ku soo fartay?” Caydaruus oo kaftamaaya ayaa yiri: “hooyo waxay igu tiri waan ku siiyay gabadheeyda Caasha Cuud” Deeqa ayaa intay sacbisay alalaas ku dartay, Caashana way xishootay, markaa ayuu Caydaruus intuu tarmuuskiisi shaaha ahaa qaatay ayuu iska tegay, Deeqa Bashiir oo dareentay inay Caasha ku faraxday hadalka Caydaruus ayaa waydiisay: “wiilka miyaad isku ogeydeen inuu reerkiina kaa doonto?” Caasha ayaa tiri: “hadda ka hor iguma soo qaadin hadalkaan oo kale, xataa kama sheekeysan doonasho iyo wax lamid ah” Deeqa ayaa waydiisay: “sidee ku keenay inuu kugu yiraahdo hooyo ayaa ikaa siisay?” Caasha markay tiri: “ma aqaan” ayay Deeqa dhahday: “waxaa laga yaabaa inuu sidaa jecel yahay” kadib ayay Caasha uga sheekeysay sidi ay isku barteen iyo waxa ka dhexeeyay oo aan dhaafsiisneyn inay u kariso shaah khaas ah oo ay ku qayilaan asaga iyo saaxiibadiis, galabtaas Deeqa waxay heshay fursad ay saaxiib kula noqoto Caasha Xuseen oo ay arrimaheeda kala sheekeysato, waxayna heshay sirta Caasha oo ah inay rabto Caydaruus oo ay marki horaba ay waysneyd meel ay u soo marto ama si ay ugu sheegto dareenkeeda, Deeqana waxay u noqotay mid ay ku dhiirigeliso inay Caasha raad raac ku sameyso hadalka uu Caydaruus ku yiri oo u muuqda in aanu kaftan ka aheyn, xataa ay been tahay inuu hooyo waydiistay, Deeqa waxay rabtaa inay xiriirkaas sirta ah kaga faa’iideysato dhexgalka reerka ay mar burburisay rajadooda nololeed, islamarkaana ay gadaal ka soo nooleysay, waxayna Caasha ka tagtay todobadii habeenimo oo ay gurigooda toos u aaday ayadoo aan sii marin saaxiibteed Mulki.

Arooski ay aadeen Xasan iyo Busaad wuxuu noqday mid aan u ekeyn in guriga lagu qabo aroos, inkastoo ay horaba ula yaabanaayeen arooska ninka maqan loo aroosinaayo gabadha yar oo aan rabin, ayay haddana ku caajiseen arooska aan laga ciyaareyn oo ay joogin dad ka badan afar qoys oo reeraha ah, muddo yar gudeheed ayaa lagu cunay xalwad iyo buskud, waxaa lacabay kooko iyo faanto, wadaadki ayaa nikaaxiyay Arooska iyo aroosada, kadib markuu telefoon ku soo hadlay ninka arooska ah iyo aroosadda oo uu Aabeheed wakiil ka ahaa, sidaa ayaa lagu soo kala tegay, mar ay Busaad u gashay Fartuun ayay u sheegtay inay raali ka aheyn ninkaa lasiiyay, laakiin uu Aabaheed ku faraxsan yahay inay guursato, waxaa kale ay u sheegtay in diyaarada lasaaraayo laba maalmood ka dib, Busaad waxay aragtay aroosadda oo aan haysan dharki lagu yaqiinay gabadha aroosadda ah iyo inaan xataa cilaan loo saarin, balse waxay Fartuun u sheegtay in waxaas oo dhan loo sameyndoono inta ay bixin ka hor.

Xasan iyo Busaad markay yimaadeen derbigi ay ku sheekeysan jireen ayay Busaad tiri: “ayaandarrada ku dhacday Furtuun ayaan ka naxsanahay” Xasan ayaa yiri: “calafkeeda ayaa sidaa noqday” Busaad ayaa tiri: “aniga iska daa in laygu khasbo mid aan rabine, xataa haddii aan waayo midka aan rabo, lagama yaabo inaan mid kale guursado” Xasan ayaa yiri: “taas micneheedu wuxuu yahay, waxaan rabaa inaan mar walba guuleysto, laakiin adduunyadu sidaa maaha” Busaad ayaa waydiisay: “adiga haddii uu Aabahaa kugu yiraahdo guurso gabar aadan rabin ma guursanee?” Xasan ayaa yiri: “horta ma filaayo inuu Aabaheey idhahaayo gabadhaan guurso, laakiin haddii ay dhacdo waxaan marka hore isku dayaa inaan ku qanciyo inuu iga daayo, balse haddii ay noqoto inuu iga diido waa guursanaa” Busaad ayaa waydiisay: “ma jirto miyaa qof aad isleedahay haddii aad nolosha ku waydo wax badan ayaa kaa maqan?” Xasan ayaa yiri: “haa waa jiraan waana waalidkeey oo aan isleedahay haddii aan nolosha ku wayo, wax badan ayaa iga maqan, laakiin majiro qof kale oo saameyn igu leh, mana aaminsani inay qof saameyn igu yeelan karto” Busaad oo hadalkiisa layaaban ayaa ku tiri: “marka waalidka laga soo tago, waxaa jira aqal kale oo lagama maarnaan u ah qof kasta oo ibna Aadan ah, aqalkaasna waxaa dhisa laba qofood oo raba inay ku wada noolaadaan nolol farxad leh, sidaa ay tahayna qof walba wuxuu xushaa qofka uu isleeyahay waa qofkaagi, marka uu waayana uu dareemaayo inay wax ka dhiman yihiin, waxa aan ka hadlaayana waa middaas” Xasan ayaa si degdeg ah u yiri: “maya, majirto qof noocaas ah oo aan isleeyahay kama maarantid” Busaad ayaa tiri: “annigu wuu ii jiraa qof noocaas ah oo noloshu ila xumaaneyso la’aantiis” Xasan oo ay rabtay inuu waydiiyo qofkaas ayaa ku yiri: “way dhici kartaa, laakiin aniga waxaa laga yaabaa inaan arrimahaas ku fekero markaan jaamicada galo ama aan dugsi sare dhammeeyo” Busaad ayaa tiri: “inti intaa ka horeysa wax shaqa ah kuma lihid miyaa?” Xasan ayaa ugu jawaabay: “inta ka horeysa wakhti uma haayo” wuxuu u sii raaciyay: “waxaan soo fiirinaa gurigeena iyo inay galabta timid Deeqa” markuu ka tegay ayay Busaad istiri: (waa inaan iska sugaa inta aan dugsi sare ka bexeyno, ileyn inuu markaa diyaar yahay ayuu Xasan ii sheegaye).

Xasan markuu gurigooda tegay ee uu arkay dhaawaca hooyo soo gaaray oo ay uga sheekeysay siduu ku soo gaaray, ayuu aaday Biibitadooda si uu uga wardoono walaashiis Caasha oo caawa kaligeed ku ah, inkastoo ay aadeen laba carruurta ka mid ah oo aan lagu aamini karin inay shaah ka shubaan tarmuuska, markuu Caasha u yimid ayay u sheegtay inay Deeqa timid iyo inay Biibitada cabbaar lajoogtay, laakiin ay wax dacwad ah ka qabin inuu ka tagtay, taasoo ay sabab uga dhigtay inay ayadu ka soo daahday, intuu lajoogay walaashiis Caasha, wuxuu soo kordhiyay inuu soo iibiyo jelemed kale iyo inuu qashinqubka u qaado jelemedi afka weyneyd oo hooyadiis shaaha ku daadisay.

 

La soco. ……22aad.

SHEEKOOYIN