XABSI DOON Q: 13AAD W/Q: Saciid Muuse Axmad (Ustaadka)

XABSI DOON Q: 13AAD

Sac

Markaanu saxaraha soo dhexgalnay, ayaa waxaannu goor fiidnimo ah isa soo taagnay meel gabaahiira, Cirkaa dheer dhulkaa dheer, Geed iyo gabaad ma leh dhinac walbana waxaa kugu xeeran bacaad wareegsan oo kala dhaadheer, Qaarna Buuraha beriga le’ekaadeen, waxoogaa Buskud iyo biyaan isku cabnay, ma aanaan haysan Raashin aan karsano, Rooti iyo malaay ayaa dadka qaarkiina cunayeen.

Markii naftii nagu soo yara noqotey ayaa waxaa dadkii laysugu keenay meel HEEL an waxaanna naloo sheegay, in laga bilaabo saacadan aysan jirin cid biyo gooni u isticmaali karta, 24 Saacadoodna nin weliba leeyahay Litir biyo ah, hal marna la qaybinayo, Biyo weji lagu dhaqo iyo kuwa wax kale loo adeegsadana aysan jirin.
Rag dhallinyaro ah oo aan waayo arag ahayn ayaa arrintii diiday waxaase loo sheegay in noloshiisa iyo biyuhu isku xiran yihiin.

Waxaannu ahayn habeenkii oodhan guure buurtan bacaadka ah fuul kana deg, mararka qaarkoodna baabuurta ayaa intey aasmaan ama duugmaan ayaannu riixaynayn, annagoon hayn wax awood iyo itaal ah.
Waxaannu guura bahaleyna waxaa noogu dhex baryey saxaraha waagii labaad waa maalin murugadeeda leh, xasuusteeduna madoowbeyd, waxaan maalintan indhahayga saarey oo aan arkay in ka badan 30 qofood oo wada Soomaali ah oo ay ku jiraan carruur da’doodu u dhaxayso 5-13 jir maydkooda oo waran meel bannaan ah, gabdho iyo wiilal, da’dhexaad iyo dhallinyaroba.

Maydkan ayaa waxaa dul surnaa qaarkood Pasporka Soomaalida, halka aysan jirin waxaasoo ciid ee bacaada ay dhex yaallaan, cid u quurtey inay ku duugto oo qariso, dadku meel kuma wada dhiman ee ilaa 10 Km ayaa qofba intuu dhaqaaqi karayey meel ku dhacay, maalintani waa maalintaan u baxshay, Maalintii Nolosha iyo geerida, waxaannu ka codsanay wadayaashii inaanu duugno oo aanu qarino cawrada kana qaadno aqoonsiyada.

Wadayaashii waxay naga yeeleen inaanu duugno,balse aqoonsiga aanan qaadi karin iyaga oo ka baqanaya in eed loo soo raacdo maadaama ay iyaguba hawshan sharci darro ku wadaan, cidii geeystay ama qaabkay u dhinteen dadkani in wax laga weydiiyo oo kolay ay sababteeda lahaayeen dad ay yaqaanan oo dadkan oo hurda cidla kaga tegay kagana dhaqaaqey habeen madoow.
Dhibaatooyinka ka dhaca saxaraha ayaa ah

kuwa baaxadooda leh oo aysan jirin cid ka war haysa ama dabagal ku samaysa, waxaa muddo saacado ah nagu qaatay inaanu duugno qof weliba qaabkuu u dhintey, anigoo adeegsanaynaa, Gacmahayaha iyo Go’yaashada oo aanu ciid ka buuxinay, ka dibna, ku dul shubnay.

Markaanu janaasadii dhammeynay ayaanu salaatu jannaasana dhammaantood u niyeysanay waana ka soo dhaqaajinay, markaanu ka soconey muddo lix saacadood ah, ayaa waxaannu soo galnay, Xadka saxaraha iyo lama degaanka Liibiya, waxaanna gabaldhicii na soo eryaday ilaalada xadka oo markii dambena gacanta nagu dhigtey.

Ilaa iyo habeenkii fiidkii waxaannu ku jirnay, baaritaan, iyagoo dalbaday baabuur kale waxaa nalagu shiday nalalka baabuurta sida xoola gaso ku jirana hareeraha ayaa nalaga istaagay, wixii caddeymo iyo waraaqo haystay gooni baa loo soocay wixii kalena waxaa laysugu geeyey hal meel.

Waxaa noo dhacay gabal baas iyo maalin madoow, xaalkayagu waa murugo murugo ku bedelo, dhibka iyo diifta iyo darxumada na haysana cid nooga gargaarta maanan helin.
Waxaanna habeenkii markay ahayd saacadu annagoo sidii u Ooman una gaajaysan nalagu shubay, Xabsi ku yaal magaalada KUFRA ee xadka ku taal, waxaana noo billowday Noloshii Xabsiga cusub.

La soco Qaybta 14aad.

W/Q:  Saciid Muuse Axmad (Ustaadka)

SHEEKOOYIN