SIRTA NOLOSHA Sheeko taxane ah Q.24aad W/Q. Ahmed Hayow (Dulmidiid)

Deeqa Bashiir majecleysan go’aanka deg dega ah oo ay hooyo Khadiijo ku gaartay inay gurigeeda u raacdo, sababtoo ah waxay ka baqeysaa inay isku dhacaan hooyadeed iyo hooyo Khadiijo, waayoo reerkeeda uma ay sheegin inay wanaajisay xiriirka reerka ay wiilkooda nabsatay, waxay iska dhegeysaneysay dooda hooyo Khadiijo iyo Xasan, ayadoo jeclaan laheyd inuu Xasan ku qanciyo hooyadiis inay joogto si ay reekeeda uga soo dhaadhiciso heshiiska dhexmaray labada reer, balse markuu Xasan qancin waayay hooyo Khadiijo ayay Busaad soo gashay oo tiri: “Eedo iska joog, aniga iyo Xasan ayaa Deeqa raacayna oo reerka u soo mahadcelineyna” sidaa ayay hooyo Khadiijo ku ogolaatay inay joogto.

Busaad ayaa gurigooda aaday si ay uga soo labisato, waxayna isku arkeen Habaryar Sureer oo markaa soo toostay, waxay Busaad waydiisay inuu Maxamed joogo gurigooda, Busaadna waxay u sheegtay inuu ka maqan yahay, laakiin uma sheegin inay Deeqa joogto, sababtoo ah inay Sureer waxba ugu sheegin kulanka ay Deeqa lakulantay, sidaa daraadeedna aanu jirin sabab ay ugu sheegto, mana hubto waxa ay Deeqa ka rabto Maxamed, balse hadda ayay rabtaa inay u kuurgasho ulajeedada Deeqa ay ka leedahay reer Xuseen, waxaa cabsi ka gashay inay Xasan laftiisa ku soo cariiriso, maadaama ay aragtay inay si fiican isu yaqaanaan, markay soo labisatay oo ay u timid Deeqa iyo Xasan, ayay Deeqa tiri: “Busaad wax weynbaa iska kaa beddelay markaad soo labisatay, Wallaahi waan ku garan waayay” Busaad ayaa waydiisay: “marki hore sidee u ekaa?” Deeqa ayaa tiri: “marki hore garbasaar weyn ayaad jiq isku soo siisay, laakiin waxaad hadda soo bannaan dhigtay quruxdaadi oo dhan” Busaad inay Xasan fiirisay ayay tiri: “Deeqa mahadsanid, si ifarxad gelisay ayaad ii ammaantay” markay guriga ka soo bexeen ayay Deeqa tiri: “waxaan jeclaa marka hore inuu Macalinkeeygu iga ogolaado raaligelinta, kadibna aan isu diyaariyo heshiisiinta labada reerood, laakiin aanan hoos ka soo billaabin” Xasan oo fahmay ujeedada Deeqa ayaa yiri: “waa habka ugu fiican inay sidaa ahaato, waana sababta aan hooyo uga celinaayay inay gurigiina kuu raacdo, haddana waxaan yeeleynaa waa kaa hareynaa aniga iyo Busaad, adiga reerkaaga aad oo galabta iigu imaaw Maxamed oo guriga jooga” sidaa ayay Deeqa ku aaday gurigooda.

Markay ka soo hareen ayay Busaad tiri: “Deeqa waa gabar yar oo maskax furan, indheheeda ayaana ka gartay inay ogoleyn in gurigeeda lala tago, waxaana u maleynaa inay walaalkaa rabto ama adiga ku rabto” Xasan ayaa yiri: “aniga waxba igama rabto, waayoo haddii ay muraad iga leedahay way ii sheegan laheyd, walaalkeeyna intuu 15 jir diido, mafilaayi inuu 14 jir ku beddelanaayo, laakiin waxaas oo dhan waxaa ka muhiimsan sidaan Maxamed u ogoleysiin lahaa inuu Deeqa lakulmo iyo sidaan hooyo ugu sheegi lahaa inaan tegin guriga Deeqa” Busaad oo qanacday ayaa tiri: “labadaba waa sahal oo Maxamed waxaa lagu leeyahay gabadha qaabil oo ka ogoloow cafis dalabka, hooyana waxaa loo sheegaa inuu dhimman yahay xilligi waalidiintu ay kulmi lahaayeen” waxay firaaqo u heleen inay lugeeyaan ilaa dabka, kadibna ay ka soo laabtaan ayagoo socodka ku raaxaysanaaya oo aan ordeynin ama meel ka degdegsaneyn, dhowr dhallinyara ah ayaa qaar ka mid ah intay istaageen soo fiiriyeen geenyada Xasan lasocota, qaarna ay ku dheygageen intay diraca kor u qaadatay, kubka ay bannaanka soo dhigtay iyo sida ay tallaabada ula heleyso wiilka ay lasocoto, Busaad dan kama gelin indhaha ku soo maqan, waxay ku mashquulsan tahay sidi ay Xasan ugu furi laheyd weji ka duwan midka ay isku yaqaanaan, waxay ku tiri: “Habaryarteey waxaan u sheegay inuu walaalkaa diiday inuu guursado gabadha Abtigaa dhalay iyo in lasiiyay muddo lix bilood ah” Xasan oo iska dhigaaya inuu lasocon inay wada socdeen walaalkiis iyo Sureer ayaa waydiiyay: “maxay Habaryartaa ka rabtaa inta aad u sheegtay?” Busaad intay garabka ka dhirbaaxday Xasan ayay ku tiri: “war baxaan ku iri, waad ogtahaye maanaad rabtaa inaad iga hadalsiiso” Xasan intuu qoslay ayuu yiri: “sheekadaa inay dhammaatay ayaan u haystay, waayoo Sureer gurigeena sooma gelin muddo fara badan” Busaad ayaa tiri: “habeen walba kama seexdo ilaa ay walaalkaa iiga hadasho maahine” Xasan ayaa yiri: “aniga iyo walaalkeey weligeen gabar kama wada sheekeysan” Busaad ayaa waydiisay: “aniga xataa wax igama kaa waydiin miyaa?” Xasan ayaa waydiin ku celiyay oo yiri: “wax maxaa ah!?” Busaad ayaa tiri: “soow kumuu dhihin maxaa idinka dhexeeya adiga iyo Busaad?” Xasan ayaa ugu jawaabay: “taa muxuu iga waydiinaa ileyn wuu ogyahay inaan isku Dugsi nahay oo isku lood nahay iyo inaan wax wada akhrisano” Busaad ayaa tiri: “Habaryar weli way jeceshahay walaalkaa” Xasan ayaa yiri: “waaaaw taa ma ogeyn, waxaa kale oo aan ogeyn markaad kala tagtaan qof aad jeceshahay in qof kale laraaco adigoo weli jecel” Busaad ayaa waydiisay waxa uu hadalkaa ula jeedo, markaa ayuu Xasan ugu sharaxay inuu arki jiray Habaryar oo niman kale magaalada u raacdo, wixii ka dambeeyay marki ay kala hareen walaalkiis, Busaad ayaa tiri: “nimankaas waxay ugu talagashay inay Maxamed ku maseyrsiiso iyo inay nafteeda ku maaweeliso” Xasan ayaa yiri: “taasna waa xeelad kale oo igu cusub” Busaad ayaa ku dooday: “ma khayaanaad ula jeedaa?” Xasan ayaa yiri: “xeelad ma waxaad u taqaanaa khayaano?” Busaad ayaa tiri: “haa haddaan gartay, waxaad ula jeedaa farsamo” Xasan intuu xoogaa fekeray ayuu yiri: “xeelad, farsamo iyo khayaano intaba waxaan u maleynaa inay yihiin wado loo maro wixii loo baahan yahay, laakiin ay kala xeel dheer yihiin” Busaad ayaa markhaati uga noqotay inay seddexdaas isku ujeedo yihiin, balse ay ku kala duwan yihiin qaabka loo kala adeegsado, markaa ayuu Xasan yiri: “wadada ay Habaryartaa martay, waxaan u maleynaa inay jirtay wado ka wanaagsaneyd, waxaana dhici karta inay walaalkeey iiga aqoon badneyd” Busaad ayaa tiri: “anigaba way ila khaldaneyd markay ku fekeraysay inay rag kale kaga maseyrsiiso walaalkaa oo uga tegay inay ka weyn tahay” Xasan ayaa yiri: “Habartaa haddii uu ku diiday inay ka weyn tahay oo gabadha Habaryartiis uu ku diiday inay ka yar tahay, aan aragno midda uu layimaado”

 

La soco. ……..25aad.

SHEEKOOYIN