Home Curis SIRTA NOLOSHA Sheeko taxane ah Q.25aad W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

SIRTA NOLOSHA Sheeko taxane ah Q.25aad W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

0
SHARE

Busaad ayaa Xasan waydiisay: “walaalkaa yaad u xuli laheyd? ma habaryarteey? mise gabadha habaryartaa?” Xasan ayaa yiri: “waxaan aad uga helay hadal uu walaalkeey ku yiri Aabe iyo Hooyo, hadalkaas oo ahaa: Ragga wax looma xulo ee Dumarka ayaa wax loo xulaa, hadalkaa Aabe kama jawaabin, laakiin Hooyo ayaa ka dooday, ileyn ayada ayaa loo xulay in Aabe lasiiyee” Busaad ayaa ku dooday inay Dumarku xor u yihiin ninka ay rabaan inay guursadaan, Xasan intuu qoslay ayuu ku yiri: “Soomaalidu waxay tiraahdaa: (meyd waxaa ugu dambeeyay midka lasii sido) gabadha Abtigaa waxaa loo xulay oday ka weyn, kaasoo aanay raali ka aheyn, midda kale walaalkeey wuxuu sheegay inuu la imaanaayo mid uu raali ka yahay, mana filaayo inay ka mid yihiin Habaryartaa iyo mida ay dhashay Habaryarteey, laakiin amar Alle kuma darin” Busaad ayaa tiri: “hadalkaaga inta dambe ayaan kugu raacsanahay, waayoo matihid caalamul geyb” Xasan ayaa waydiiyay: “ma waxaad aaminsan tahay inay Habaryartaa ku guuleysaneyso Maxamed?” Busaad ayaa tiri: “koleey dadaal ayay ku jirtaa oo nafteedu kama maarmi karto walaalkaa” Xasan wuxuu u arkaa inay Sureer ku jirto riyo maalmeed, waayoo wuxuu yaqaanaa madax adeyga walaalkiis oo aan lasoo marsiin karin wuxuu diido, inkastoo uu calool jilcan yahay uuna naxariis badan yahay, haddana waa nin hal adag oo go’aan qaadasho leh, Xasan oo kaftamaaya ayaa yiri: “haddii uu Maxamed guursado Habaryartaa Sureer, wuxuu kuu noqonaa Abti, anigana waxaan kuu noqonaa Abti” Busaad ayaa tiri: “war baxaan ku dhahay Abti iima noqoneysiine, xataa Sureer kuma dhoho Habaryar ee magaceeda ayaan ugu yeeraa” Busaad oo meeshaas cabsi ka gashay ayadoo istiri: (haddii uu Maxamed guursado Sureer, amaad Xasan sidaa isku geftaan) ayaa tiri: “maxaa iska keen khuseeya aniga iyo Sureer, ileyn wiil iyo Aabihiis ayaa kala guursan kara laba gabdhood oo isla dhashaye” Xasan ayaa yiri: “iiwad sheekada maxaa tiri: ma laba gabdhood oo isla dhashay iyo wiil iyo Aabihiis, sheekooy ku nacay” Busaad ayaa tiri: “haddii naagta Aabahaa qabo aanay ku dhalin, gabadha ladhalatay maxaa idinka dhexeeya? waayoo Hooyadaa walaasheed maaha oo kuuma aha Habaryar sax ah” Xasan madax ayuu qabsaday markaa ayuu yiri: “ma aqaan, laakiin maqurux badna” Busaad ayaa tiri: “naagta Aabahaa walaasheed weesada soow kaama jibiso” Xasan ayaa yiri: “waan gartay ee iga daa” Busaad intay qososhay ayay tiri: “walaalkaa haddii ay dhacdo inuu guursado Sureer, aniga weesada waan ka jebiyaa iska daa adigee, marka waxaad ogaataa inaan shuqul isku laheyn aniga iyo Sureer” Xasan wuu layaabay difaaca xooga leh ay Busaad gashay, balse wuxuu garan waayay sababta ay caddeymahaas faraha badan uga danleedahay, markay xaafadi soo galeen ayay ku ballameen inay guriga ugu timaado si ay Maxamed ugu celiyaan Deeqa Bashiir oo ay u ogoleey siiyaan inuu raaligelinta ka guddoomo.

Mulki iyo Deeqa waxay ahaayeen far iyo faraanti, welina madhicin inay intaan kala maqnaadaan, waloow inta badan la isugu imaan jiray guriga Mulki oo saxmad yaraa guriga Safiirka oo ay inta badan joogaan dad shaqaala ah iyo kuwa waardiye ah, ayay Mulki damacday inay saaxiibteed ka war doonto, markay reerka u timid oo ay Deeqa waydiisayna waxaa layaabtay Hooyo Ruquya oo gabadheeda ku ogeyd inay saaxiibteed aado oo aanay meel kale aadin, Hooyo Ruquya ayaa lasoo booday: “ba’nay maxaa tiri!? Deeqa ayaamahaan ma aragaa, gabadha inay xagaaga soo aado ayaan ku ogaaye, xagee aaday oo baas?” Mulki waa naxday, ayadoo waxay sheegto garan la’ ayay Deeqa albaabka ka soo gashay, markaas ayay Hooyo Ruruyo tiri: “naa bal kaalay oo noo waran” Deeqana markay aragtay Mulki oo indhaha taageysa waxay garatay inay sir fakatay, waxay tiri: “hooyo xaafad kalaan aaday” Hooyo Ruquyo oo indhaha galka kala baxday ayaa tiri: “naa maxay tahay xaafadda kaloo aad aaday?” Deeqa oo taagan oo weli ka jawaabin su’aashi ayay Hooyo Ruquyo ku soo tuurtay koob dheloow ah oo agteeda yiilay, koobkaasoo Deeqa uga dhacay bowdyaha, ileyn hooyadeed marabin inay gabadheeda iska dakharto oo hoos ay ugu soo tuurtaye, ujeedadeedana waxay aheyd inay cabsi geliso si ay runta u sheegto, markaa ayay Deeqa sheegtay inay ka timid guriga reer Xuseen Arji, warkaa si aad ah ayay uga qaracantay hooyo Ruquyo, waayoo reerka ay sheegtay waa reer ay meel xun isla gaareen, waxaa maskaxdeeda ku soo dhacay, maalin ay u timid hooyo Khadiijo oo ka baryeysa inay wiilka u cafiyaan si aan shaqadiisa looga soo eryin, ayadoo ugu calaacashay haddii wiilkeedu uu shaqa beelo in nolosha reerku ay ciriiri geleyso, waxay hooyo Ruquyo soo xasuusatay jawaabti ay siisay oo aheyd: “intuu wiilkiinu baabi’in lahaa mustaqbalka gabadheyda, waxaan ka door bidaa inaad idinku baaba’daan” hooyo Ruquyo waxaa ugu daran hadalki ay ku tiri hooyo Khadiijo oo ahaa: “mustaqbalka gabadhaada Rabbi gacantiisa ayuu ku jiraa, cid baabi’in kartana majirto, waxaan kaa baryaayana waa mustaqbalka awlaadeena ee ma’aha midka wiilkeeyga oo kali ah, maalin aan maanta aheyn ayaad ogaandoontaa runta” hooyo Ruquyo waxaa u soo muuqday hadalki hooyo Khadiijo markaa ayay tiri: “maxaad gurigaa ka doontay?” Deeqa ayaa sheegtay isbeddelka ku dhacay eedeymihi loo haystay Macalin Maxamed, waxaana markhaati uga noqotay Mulki oo sheekada ku jirtay, hooyo Ruquyo way maleysan weyday sida ay wax isu baddeleen, markaa ayay Mulki waydiisay: “maxaad Deeqa ugu raaci waysay raaligelinta Macalinka?” Mulki ayaa tiri: “Eedo waxaan dusha saartay dembi aan Macalinkeeyga ka gelin, sidaa daraadeed iguma yaalo weji aan ku hor istaago, ileyn waxaan isku qiray inaan wax ka ogaa shirqoolki loo dhigay”.

 

La soco. ……..26aad.

SHARE