SIRTA NOLOSHA Sheeko taxane ah Q.28aad W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

Waxaa guriga soo galay Aabe Xuseen oo kaligiis ah, Xasan oo hooyadiis waydiiyay ayuu u sheegay inay ku soo hartay guriga Eedo Xabiibo, markaa kadib ayuu fariin ugu faray walaashiis Caasha, waxaana Biibitada u raacday Busaad oo markii ugu horeeysay soo aragtay rugta ganacsiga reer Xuseen, waxay ugu yimaadeen Caydaruus oo kursi iyo miis u gaara ku fadhiyo, asagoo buugaag kala furan hor yaalaan, laakiin ay indhihiisu ku maqan yihiin Caasha oo maqalka taagan, Xasana wuxuu galay gudaha maqalka ay Caasha ku jirtay, Busaad waxay aragtay shucuurta Caydaruus oo isbedeshay, asagoo markiiba fadhiga ka kacday, laakiin wuxuu fadhigiisi ku laabtay markay Caasha tiri: “aboowe wax dhib miyaa soo saa’iday?” Xasan ayaa ku yiri: “maya, maya wax dhib ah majiraan, laakiin Aabe ayaa isoo faray inaan kuu sheego inay hooyo lajoogeyso Eedo Xabiibo inta ay ka caafimaado, sidaa daraadeedna adiga lagaaga baahan yahay inaad guriga hooyo ka noqoto” Caasha ayaa tiri: “Wallaahi waa howl culus, waayoo hooyo waxay habeenki diyaarin jirtay cuntada Biibitada lagu iibiyo subaxdi, anigana duhurki ayaan diyaarin jiray inta habeenki loo baahan yahay, waxaas oo dhan yaa ila qabanaayo?” Xasan ayaa yiri: “aniga ayaa habeenki Biibitada joogaayo, alaabtana waxaan ka soo qaadanaa hooyo oo iigu diyaarineyso guriga Eedo Xabiibo, adigana waxaad leedahay booski hooyo oo subax ah” Busaad oo aan ogeyn inuu qorshuhu sidaa yahay ayaa tiri: “Xasan goormee wax akhrisanee?” Xasan intuu ku qoslay ayuu ku yiri: “sidi wiilkaan meesha fadhiya ayaan wax u akhrisanaa” asagoo farta ku fiiqaayo Caydaruus, markaas ayay Busaad qososhay waxayna tiri: “meeshaan qofki raba inuu wax ku akhristo, wuxuu ku mashquulaa dadka Biibitada soo gelaayo” Caydaruus wuu gartay inay asaga ula danleedahay, laakiin kama uusan hadlin, ileyn wuxuu gartay inay lasocoto Caasho walaalkeede, markaa ayay Caasha tiri: “qofki rabo inuu wax akhristo meesha uu rabo ayuu wax ku akhrisan karaa” Busaad oo hadalkeedi ka cudurdaaraneysa ayaa tiri: “kama wado meeshu way xuntahay, laakiin waxaan ula jeedaa waa meel ganacsi” Xasan oo adeegi billaabay ayaa aaday dad bannaanka fadhiyay oo cid u soo adeegta u baahnaa, markaa ayuu Caydaruus intuu buugaagtiisi laalaabtay wuxuu Caasha ku yiri: “Caasha waan sii baxaa, haddii aad u baahneyn qof ku sii dhaweeya ilaa gurigiina” Caasha ayaa tiri: “iska bax, waxaan isisii raacaynaa Busaad oo aan deris nahaye” markaa ayuu Caydaruus iska baxay asagoo laga kala gooyay sheeko meel fiican u mareysay, wuxuuna Caasha ka sugaayay inay uga sheekeyso taariikh nololeedkeeda, kadib markuu tiisa uga sheekeeyay.

Caydaruus wuxuu Caasha u sheegay inay hooyadiis dhimatay ayadoo umusha kula jirta, Aabihiisna uu ku dhintay dagaalki 1964ki, asaga iyo walaalkiis ka weynaana ay ku soo koreen xarunta agoonta meleteriga ee Oorfano, walaalkiis oo noloshiisa damaanad qaadayna uu ku biiray ciidamada xooga dalka, kaasoo asagana ku dhintay dagaalki 1977ki iyo inuu uga tegay laba guri oo uu ijaarkooda uu ku nool yahay waxna ku barto, wuxuu u sheegay inuu rabo inuu riyadi walaalkiis run ka dhigo, taasoo aheyd inuu lajeclaa inuu jaamicad ka baxo, Caasha ayaa waydiisay meesha uu ka keeno lacagta uu jimca walba jaadka ku cuno, markaa ayuu Caydaruus u sheegay inay tahay lacag ay isku soo dardaraan wiilasha ay saaxiibada yihiin, asagana uu bixiyo shaaha iyo in gurigiisa lawada fadhiisto, kadib Caydaruus oo Caasha ka codsaday inay u sheegto taariikh nololeedkeeda ayay yimaadeen Xasan iyo Busaad.

Waxay Caasha aad uga walaacday Caydaruus oo uga sheekeeyay taariikh nololeedkiisa, asagoo aan u soo bandhigin sababta uu isu baraayo iyo ulajeedada uu ka leeyahay inuu ayada barto, waxaa Caasha hadda ka hor isku dayay inuu lasheekeysto hal wiil, kaasna wuxuu uga billaabay meel caam ah oo lagaranaayo, taasoo ah: (waan ku rabaa, haddii aad diyaar ii tahayna, waxaan kaa doonanaa reerkiina) markaa Caasha way layaabtay deg degta uu lasoo galay, ayadoo aan ka fiirsan ayayna ku tiri: “waan ku rabaa iyo waayahay meel iskulama taalo ee imood” sidaa ayuu ku tegay asagoo aan isku dayin inuu mar kale soo rogaal celiyo, sidaa ay tahayna Caasha way aragtay mid ay ku hamiday muu kula sheekeysto, laakiin aanay u ahaanin inuu lahadlo, kaasoo ah Busaad ina adeerkeed Suleymaan, balse waxay caawa layaaban tahay farqiga u dhexeeya midki deg degta ku soo galay iyo Caydaruus oo sheekada kor uga soo billaabay.

Busaad haddii ay Biibitada joogi laheyd, waxaa uga baasbaxday Caasha oo ay xaafadda isu sii raacaayaan, inkastoo aanay suuragal u ahaan laheyn inay Xasan lajoogto Biibitada ilaa caawa saq dhexe uu ka soo xiro, haddana indoor ah ayay rabtay inay lajoogto Xasan oo kaligiis ah, si ay ugala tashato qorshaha u saamixi kara inay habeenki kala maqnaan ayada iyo asaga, markaa kadibna ay gurigooda aado ayadoo haysata qorshihi ay reerka uga dhaadhicin laheyd inay Xasan Biibitada lagado, waxaase Busaad dhegta qabatay Caasha oo ay sugeyso howl fara badan oo guriga looga baahan yahay, Busaadna waxay Caasha sii waydiisay su’aalo ku saabsan inta habeen ay hooyo Khadiijo lajoogeyso Eedo Xabiibo, inkastoo ay labadoodaba jeclaayeen inay caawa oo kaliya noqoto, haddana jawaabaha Caasha waxay noqdeen: (ma aqaano) meel loo dhaafana waa lagaran waayay, sidaa ayay guryaha ku kala aadeen.

 

La soco. ……29aad.

SHEEKOOYIN