Dakhar ii dhiib! Qalinkii: Saciid Muuse Axmad (Ustaadka)

hfhfhf

Dakhar ii dhiib!

Dhowr sano oo aan baladka ka maqnaa dabadeed, ayaan Magaaladii ku noqday, Waa magaaladii aan ku dhashay oo si aad isu badashay, kaliya Geedihii baan is badalin, Iyo barxadihii aan banooniga ku dheeli jirnay, Dhaqdhaqaaqa Iyo horumarka ka muuqdo waxay ahaayeen Kuwa farxad ku dhaliyo qalbi kasto oo dareen leh, dhalinyarada magaalada suqaaqeysay ayaan mid ka aqoonsan waayay” Heedhe ma dad kalaa soo dagay” Ayaan Qalbiga iska iri, Ciyaalkii Xaafada midi waan ka la’ahay, Illayn kuwan soo kacay waa kuwii naga yaryaraa, oo aan ka tagay iyagoo aan sidan u dhaadheereyn, Marka ey iskay barayaan Waxay iigu soo halqabsadaan Da’ labaadkaygii, Waxayna Yiraahdaan” Waa hebel Walaalkii”.

Wax aan toos isu garano, waxan ka arkay Waalidiintii Saaxiibadii aan isla soo kornay, Kuwaasoo iyaguna rajaynayay, In qaarka ka maqan ilmahoodii maalin uun u soo noqon doonaan sida aan anigaba Waalidkaygii Ugu soo noqday, Asxaabtii ayaan wareysi u galay, Kan ugu sokeeyo waxaa la ii sheegay inuu Joogo Sweden Kan ugu shisheeyana Uu qiyaame ka waraabay, Qaarkale oon badnayna Ey mashquul ku yihiin Horumarka iyo hiigsiga Dagmada ka jiro.

Anigoo La yaaban Isbadalka iga danbeeyay Ayaan waxan isku soo baxnay midka mid ah, kuwa farakutiriska ah ee dhulka sii joogay, Si cajiib ah ayaan hab isu siinay, Wajiyaal furana waa isku qaabilnay, Si aan isu wareysano Waa inaan Meel gooni ah tagnaa, Isagaa Magaalada yaqaanee waxuu ina geeyay Biibito Camiran oo eey gabar iibinaysay, meel VIB ah oo aad u fadhi wanaagsan ayaa laba kursi naloo geeyay, Rikoorka Biibitada Yiilay waxuu soo Gudbinayay Codka Idaacadda FMka ah oo eey magaaladu gadaashay Yeelatay, Loona Yaqiinay” Warlaliska Darban. waxaa ka shidnaa Heesta Uu ku luuqeeya Fanaanka Codka Macaan Ee Gaawirow,

“Ruuxaan Wareystaba
Anniguu I waanshaa
Waali Igu tilmaamaa
Walwal Igu abuuraa.
Anniguna warkoodiyo
Wacdi uma dhagtaagoo
Wabiyada Bulhamayiyo
Shimbirahaan Waraystaa!”

Anoo wili dhagta la sii raacayo Miraha cajiibka ah, ayaa Waxaa inoo yimid gabadhii oo ina waydiisay Dalabkeena, isla markiiba waxuu Saaxibkay la soo booday “Laba dakhar ayaan u baahanahay” Ok intey tiri, ayeey Inantiina Si caadi ah gadaal ugu noqotay maqalkeedii.

Amankaag Iyo yaab Baa iga soo haray” Oo xitaa Afsoomaaligii Magaalada Ma is badalay”Ayaan Uurka iska irri, Inaan Afka furto waxyar baa iiga dhinaa, ” Balse waa u reer magaaleeyay oo intaan kursigaygii dhanka kale u wareejistay Baan Irri, Saaxib adiga Dakharka ha kugu horeeyo”.

Intuu i fahmay buu aad u qoslay oo yiri, Saaxib ha dagdagin, Wax walbo waa is badaleene, Inyar kadib waaba inantii Aan Budka iyo dhagaxa ka sugayay Oo la soo laafyoonayso Laba Bakeeri oo ey ku jiraan shaah si qaas ah loo kariyay, oo uu kafeeyga ku badanyahay, Intuu ii soo taagay Buu yiri, “Hoo Dhadhami Dakharka”.

Runtii aad baan uga helay, Saaxbkayga Waqti dheer ayaan ka wada sheekaysanay “SabanCoorcoorkii”. Maalintaa Laga bilaabo Markaan Biibitooyinka tago Waxaan dhihi Jiray” Dakharka Iigu dhaqso!

Qalinkii: Saciid Muuse Axmad (Ustaadka)

SHEEKOOYIN