SIRTA NOLOSHA Sheeko taxane ah Q.32aad. W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

Subaxdi Xasan sooma marin guriga Busaad oo dugsiga tagtay ayadoo ka daahday, xilligi quraacdana Xasan kama soo bixin fasalkiisa, Busaadna waxay ka raadisay baarka oo ay quraacda isugu imaan jireen, markay ka soo waysayna waxay soo istaagtay fasalkooda hortiisa si ay isku tusto oo uu ugu soo istaago sidi caadada u aheyd, laakiin Xasan wax dan ah kama gelin, marki dugsiga laga soo baxayna il iyo baar toona masaarin, sida caadada u aheydna way isisugi jireen cidi soo hor baxda, intaas oo dhan Busaad kuma quusan, waxayna isleedahay wuu xanaaqsan yahay ee inta ay caradu ka baxeeyso u kaadi, galabtaas iyo habeenkeedina leysma arag xataa haddii ay Busaad ka doontay gurigooda oo loo soo sheegay inuu Xasan raacay Deeqa Bashiir oo uu soo baranaayo gurigooda, waxaa u cadaatay inay reerka waydiin karin wax intaa dhaafsiisan, haddii aan si qayaxan loo soo raadsaneyn wiilashooda, waayoo uma furna albaab aan ka aheyn inay wax wada akhristaan ayada iyo Xasan Xuseen.

Wuxuu galabtaas Xasan sii raacay Deeqa Bashiir oo ku tiri: “reerkeeygu way ogaayeen inaad mashquul ku noqoteen islaanti xanuunsaneyd, Aabe oo yimidna waa loosheegay wax walba, wuuna ku farxay inaad naga cafiseen dhibaatadi aan idiin geystay” Xasan ayaa yiri: “wanaagi aad ku guday ayaa ka weyn wax walba” Deeqa ayaa tiri: “taa anigu ammaan kuma lihi, waayoo waxaa ammaanteeda leh saaxiibteey Mulki oo ixasuusisay khaladkeeyga, balse aan ka xumahay inay iga diidan tahay inaan lakulano Macalin Maxamed” markaa ayuu Xasan u sheegay fariinti uu Maxamed ugu faray hadda ka hor oo uu qaar ka qariyay, wuxuuna ku yiri: “gabadhaas saaxiibtaa ah, lagama yaabo inuu salaanta ka qaado Maxamed, waayoo wuxuu ii sheegay inuu maleysan waayay inay arrintaas lug ku leedahay” Deeqa ayaa Xasan ku tiri: “hore ayaad iigu sheegtay inuu diiday lakulanka Mulki, laakiin ma ogeyn inuu anigana sas iga qabo, khaladka oo dhan aniga ayaa iska lahaa, mana rabo saaxiibteey inay dembi ku yeelato, sidaa daraadeed haddii aan kuu sheego sir naga dhexeeysa aniga iyo saaxiibteey, malaga yaabaa inaad ii xafido sirtaas iyo inaad wax igala qabato sidii aan ku heshiisiin lahaa saaxiibteey iyo walaalkaa?” Xasan oo ka baqay culeyska sirta ay Deeqa sheegeyso, kana baqay inay raad ku yeelato arrinti walaalkiis looga qaaday cunaqabateynta shaqada ayaa yiri: “qof kasta wuxuu leeyahay sir ugaar ah, saaxiibo walbana waxay leeyihiin sir uqarsoon oo ah Sirta Nolosha, sidaa daraadeed marabo inaan ogaado Sirtiina Nolosha” Deeqa ayaa tiri: “waxaad moodaa in dhoobadiina hal meel laga wada qaaday adiga iyo Mulki, waayoo inta aad igu leedahay ayay ayadana igu tiri, waana runtiin, laakiin sideen wax yeelaa!” Xasan ayaa yiri: “aniga iyo saaxiibtaa iskaaya bar, kadibna aan arko inay ayada ii sheegto sirtiina, inkastoo aanan jecleyn inaan galo shu’uunta dadka kale” Deeqa oo arrintaa ku faraxday ayaa tiri: “hadda ayaan saaxiibteey ku soo baraa” kadibna waxay keentay guriga Mulki, ayadoo lalayaaban yahay wiilka Deeqa lasocda ayay guriga galeen, gurigaas oo aan wax badan ka fogeyn guriga Eedo Xabiibo degan tahay, waxaa soo dhaweysay Mulki oo garatay inuu yahay Macalin Maxamed walaalkiis, sababta ah Mulki iyo Deeqa malaheyn waayadaan sheeko aan aheyn reer Xuseen Arji, tallaaba kastana way lasocotaa Mulki xataa galabta inay Deeqa aadeysay gurigooda way ogeyd, laakiin waxay hadda layaaban tahay sababta ay Deeqa ugu soo waday Macalinka walaalkiis, (war jiraa cakaaro) ayay niyadda ka tiri, markaa Deeqa oo aan haynin meel ay hadalka ka billoowdo ayuu Xasan yiri: “gurigaan wax badan ayaan agtiisa maray” Mulki ayaa tiri: “yaa xaafada kuu degan?” Xasan ayaa yiri: “mataqaan islaan layiraahdo Eedo Xabiibo oo agtiina degan? gurigaas ayaan dhowr mar soo aaday” Mulki ayaa tiri: “haa, islaanta haysata ilmaha agoonta ah soow maaha? waan aqaanaa ee maxaad isu tihiin?” Xasan ayaa yiri: “aniga waxaa layiraahdaa Xasan Xuseen, waxaana ladhashay Macalin Maxamed, waxaan islaanta ka iibsanay guriga” markuu halkaa Xasan maraayo ayay Mulki tiri: “Allaa Allaa, ma waxaad tihiin reerka ay u duceeyeen xaafada oo dhan oo ceebteena asturay, wanaaga laydiin haayo maqiyaasi kartaan, ma waxaa ku dhashay Eedo Khadiijo?” Xasan ayaa yiri: “haa, waa hooyadeey” Mulki ayaa tiri: “ma ogeyn inay reerku yihiin reerki Macalinkeeyga, xataa waan arkay Aabahaa Xuseen oo naloo sheegay inuu waxbaro Cabdi Taano, waxaa kale oon lasoconaa inay Eedo Xabiibo wax u sameyso Biibito aad leedihiin, laakiin ma ogeyn inay tahay Biibitada ay saaxiibteey aado oo aad idinka leedihiin” inkastoo reer Xuseen wanaagaa looga haayay xaafadda, haddana waxaa jiray xan laysla dhex maraayay oo aheyd inuu Aabe Xuseen hoosta ka guursaday Eedo Xabiibo, laakiin aanay ogeyn islaantiisa Khadiijo, arrintaa Mulki waxba kama waydiin Xasan, Deeqa oo aan ogeyn inay islaantu tahay midda deriska la’aheyd saaxiibteed, balse ogeyd inay reer Xuseen kaalmeeyaan islaan masaakiin ah oo haysata ilma agoon ah, ayaa tiri: “arrintaan labada dhinacba waan lasocday, laakiin waxaa layaab igu noqotay inay islaantu tahay mid kaliya, reerkuna yihiin reer kali ah” markaa ayuu Xasan yiri: “ajarka wanaagan waxaa kaalin kuleh labadiina, waayoo nooleynta aad dib u soo nooleyseen mustaqbalka walaalkeey oo aan ku helnay xaqiisi sanadka uu shaqada ka maqnaa, ayaa keentay inaan ku iibsano guriga agoonta Eedo Xabiibo, gurigaas oo uu ku qoran yahay Macalinkiina, haddana aan u deynay inay ku noolaadaan reerkaan, ma gudi karno wanaaga aad noo gasheen, middaas ayaana keentay inaan annagana abuurno wanaag kale” Mulki erayadaa Xasan markay maqashay, jiriiraco ayaa horkeeda saaqday, markaa ayay tiri: “saaxiibteey Deeqa, waxay abuurtay geed weyn oo wanaagiisa laharsan karo” Deeqa ayaa tiri: “Abaayo Mulki geedka abuurkiisa adigaa keenay, anigana ciida ayaan ku aasay” Xasan ayaa yiri: “aad ayaan ugu faraxsanahay inaan barto gabdhaha soo nooleeyay rajada walaalkeey, waxaana jeclaan lahaa inaan hal maalin idinku marti qaado gurigeena” inkastoo ay Mulki wax badan ka cudurdaartay, haddana ugu dambeyn way ogolaatay in maalinta jimcaha ah ay aado guriga reer Xuseen.

 

La soco. ………..33aad.

 

 

 

SHEEKOOYIN