Bandhig buugaag lagu qabtay Muqdisho W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

Bandhig buugaag lagu qabtay Muqdisho

1a

Muqdisho oo lagu qabtay Xaflad lagu soo Bandhigayey Buugag kala duwan oo uu Qorayey 40 Sanno Qareen, Qoraa Cabduraxmaan Xuseen (Abuu Xamza)
“Aniga waxaan akhristey Buugiisa Saaxiibo kasbo” Sidaa waxaa yiri Diini
“Wuxuu Qorey ku dhawaad 23 Buugaag kala duwan”
Magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay munaasabad lagu soo bandhigayay buugaag kala duwan oo uu qoray Qoraaga Soomaaliyeed Sheekh C/raxmaan Xuseen (Abu-Xamza), xafladdaas ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay ururka Hal-abuurka iyo Qalin-Maalka Soomaaliyeed ee PEN; laantiisa Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Xafladda oo lagu qabtay hoteelka Hayat ayaa waxaa hadallo kala duwan ka jeediyay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa qoraaga Soomaaliyeed ee Sh. Abuu-Xamza, iyadoo goobta la sheegay in Abuu-Xamza uu muddo dheer ku soo jirey in uu qoro Buugaag gaareysa ilaa 23 Buug .
Guddoomiyaha PEN laanta Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya, C/naasir Yuusuf Macallin (Ganey) oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in 40-sano uu ku howlanaa C/raxmaan Xuseen Abu-Xamza qoraalka buugaagta maanta lasoo ban-dhigay .

2a
“Sheekh C/raxmaan Abuu-Xamza wuxuu ku dhashay sannadkii 1936-kii Bariga magaalada Hargeysa balse waxaa uu ka soo jeeda Deegaanka Mandheere ee Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya , wuxuuna waxbarashadiisii ku qaatay dalka Sucuudiga, isagoo markii uu dalka k usoo laabtay howlo kala duwan oo dhinaca garsoorka ah ka soo qabtay Maxkamadihii dalka,” ayuu yiri C/naasir Ganey.
Sidoo kale, Cabdinaasir Ganey ayaa sheegay in Abu-Xamza uu sidoo kale ka mid ahaa mas’uuliyintii Hay’adda Raabidada Caalamka Islaamka xafiiskeeda Soomaaliya ka shaqeynayay illaa sannadkii 2003.
Buugaagta oo dhammaantood ku qornaa Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriiska ayaa waxaa ka mid ahaa; Saaxiibbo Kasbo; Hoggaamiye, Isirka Soomaalida, Somalia Today, Sannadihii Abaaraha; Afartan Xadiis, Dhaaf Walbahaarka, Aasaaska Islaamka iyo kuwo kale oo fara badan.
Intaas kaddib waxaa isna hadalka qaatay Sh. C/raxmaan Abuu-Xamza oo isna ka sheekeeyay qoraalka buugaagta maanta lasoo bandhigay, isagoo sheegay in muddo 40-sano ah uu ku howlanaa qoraalka buugaagtan, si uu fikirka Soomaalida wax ugu biiriyo.
“Dadaal badan ayaan geliyay sidii aan buugaagtan ku qori lahaa, kaddib markii aan arkay in Soomaalidu aysan fikir badan ka haysan buugaagta aan qoray ee maanta lasoo bandhigayo. Waxaa ka mid ah buugga caanka ah ee Saaxiibbo kasbo oo aan Af-Soomaali ku tarjumay, kaddib markii aan anigu ku qancay, kaasoo dadka tusaya buu yiri sidii ay u sameynsan lahaayeen saaxiibbo iyo waddooyinkii ay u mari lahaayeen,” ayuu yiri Sheekh Abuu-Xamza.

3
Sheekha ayaa sidoo kale sheegay in buugaagta uu turjumay ay ka mid yihiin buug kale oo lagu magacaabo; Dhaaf Walbahaarka, kaasoo uu ku sheegay in uu yahay mid daweynaya caqabadaha qofka la soo darsa inta uu nool yahay; sida walbahaarka haya iyo sidii uu xal ugu heli lahaa.
Ugu dambeyn, waxaa goobta ka hadlay mas’uuliyiin kale oo ay ka mid ahaayeen Prof Ciise Maxamed Siyaad oo ka mid ahaa Baryaashii Jaamacada Ummada Soomaaliyeed, Cabdulaahi Maxamed Sheegow, Prof Mustafa Cabdulaahi Feyruus oo ka tirasan Machadka Daraasaadka Soomaaliyeed ( ISOS) oo ka tirsan Jaamacadda Muqdisho,Diini Maxamed Diin oo ka mid ahaa Qorayaashii Xiddigta Oktoobar,Maxamed Axmed Buraale, Maxamed Axmed Maxamuud iyo Canab Maxamed Cosoble oo dhamaantood buugaagtaas si aad ah u bogaadiya qoraaga , iyagoo sheegay inay buugaagta qaarkood akhriyeen ayna ku qanceen
Intii uu socdey Bandhigaas ayaa gabar Soomaaliyeed oo dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Khadiijo Ciise Fara Cadde ay goobta ka jeedisay gabay ay kula dardaarmaysay Soomaalida sidii ay dhibka uga bixi lahaayeen toosoo ay si aad ugu qushuuceen Dadkii ka qayb galey Munaasabadaas , waxaa Naadiga Hal Abuurka iyo Qalimaalka Soomaaliyeed ay halkaa Shahaadooyin wax qabad ku gudoonsiiyeen Qoraa Shiikh Cabdiraxmaan Abuu Xamza iyo Khadiijo Ciiise Faracadde .

4

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro 
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

SHEEKOOYIN