MAS’UULNIMADU MA LACAG BAA? W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

Nor1

MAS’UULNIMADU MA LACAG BAA?

Inta aanan u guda galin qaadaa dhigga Maqaalka, waxaan jeclaan lahaa in aan marka hore su’aalo badan is waydiino kuwaas oo ku saabsan dhowr wadiiqo oo loo maro Mas’uulnimada Maanta Dunida ka jirta aniga oo su’aalahaas si dadban idinkugu muujin doono waxa ay la macna tahay in la noqdo Mas’uulka Maanta.

1 Mas’uulnimada Maanta maxay tahay?

2 Ma Lacag baa loo noqdaa Mas’uul?

3 Mise Lacag baa lagu noqdaa ?

4 Mise waa wax la isku Xayeesiiyo oo la is leeyahay ha kuu gasho uun Taariikhda inta aadan dhiman?

5 Mise waa Ilmo korsi ama horumarin Qoys?

6 Mise waa mid loogu danaynayo Mashruuc Ganacsi oo markaa socda?

7 Mise waa mid markaa la is leeyahay ha lagu hormariyo Bulsho ama Qaran ?

8 Mise waa mid lagu doonayo in Dunida oo dhan wax looga badalo?

Su’aalahan oo dhan waa kuwa si guud wax kaaga tusinaya qaabka uu noqon karo Mas’uulka Maanta Dunida ka jira, intaas ayuuna yeelan karaa astaanteeda, ujeeddada aan qoraalkan usoo qaatay maantana wax kale ha u moodin meesha ay ku socoto waa Mas’uuliyiinteena iyo astaanta aad ku sifayn lahayd adiga aqrinaya qoraalka, adiga oo wax ku qiimaynaya su’aalaha kor ku xusan.

Isma dhibayo idinkana idinma dhibayo, waxaan soo qaadan doonaa oo kaliya sharaxaadna ka bixin doonaa su’aalaha meesha ku xusan mid mid, marka laga reebo su’aasha koowaad oo iyadu saladhiga u aha Maqaalkan.

Ma Lacag baa loo noqdaa Mas’uul?   marka wax lagu qiimeeyo Hogaanka Soomaaliya Maanta ka jira ama soo maray  waxaa la oran karaa waxaa saldhig u ahaa middan aan meesha ku xusay, taas oo ahayd in Qof walba oo Miiska ama Fagaaraha soo fuulayay uu lahaa Damac ah, Xoola tacbasho, kaas oo uu ku doonayay in uu inta uu meesha joogo meel saro ka gaaro xaga dhaqaalaha uu magac ahaan Bulshada magaceeda ku cunayo, si dhab ah marka loo eegana waligeed kama jirin Soomaaliya isla xisaabtan dhab ah oo la dhihi karo waa la sameeyay Waqti hebel, marka la maqlo wax u eg isla xisaabtana waxaa dhici jirtay in markaa shaqsiyaad gaar ah ay isku ugaarsanayeen Sheekada, isla xisaabtankaasna barteeda ay ahayd in Qof meesha laga saaro Naf ahaan iyo shaqa ahaanba.

Sida aan ka wada warqabno Mas’uul walba oo Soomaali ah marka uu Kursiga soo koro muuqaalka uu leeayahay waa mid Qof walba  ku qiimayn karo in uu yahay Nin Nolol dhexe ama mid rafaadsan ku jiray, balse, Maalinta uu meesha ka tagayo waxaa iska muuqata Isaga oo leh Hanti, Xan badana ay ka daba yeerayso ayuu meesha ka tagaa, kaaga daranee waxay wada lahaayeen hal astaan Hogaankaas mar walba oo ay Kursiga ka tagaana ma lahan awood ay waddanka kusii joogaan, waxayna leeyihiin mar walba Wakiilo u xada Hantida Waddanka, uguna kala gudbiyo Daafaha Dunida, ha noqoto mid Ganacsi lagu daro, ha noqoto mid Waddamada Dariska looga dhisto Guryo State ah ama Guryo Raaxo, waxaa kaloo meesha ka marnayn in Bangiyada Caalamka la dhigto Lacago fara badan, taas oo mararka qaar kuwan isku sheega Qaramada Midoobay ay afka labadii yeeraan, ayaga oo ku eedaynayaa Hogaanka Soomaalida Musuqmaasuq baahay  iyo iyadoo si qaldan oo aan munaasab ahayn loo isticmaalay lacagihii loogu tala galay in  ay ku fuliyaan wixii loogu dhiibay haba noqoto dhib galinta Shacabka Soomaaliyeed.

Sidaas ay tahayna la yaabka ayaa sii ah in aadan marnaba ka maqlayn qolyaha wax dhaleeceeya la xisaabtan dhab ah oo ay ku doonayaan in ay ku raadiyaan hantida la lunsaday ee ay sheegeen, meeshaas qofka wax garadka ah wuxuu ka garan karaa in baaq ama Qayla dhaan ku dhisan qowda maqashii waxna ha qaban ay iska tahay.

Soomaaliya Dadka hadda hor boodo hogaankeeda iyo kuwii kalaba ma ahan wax Daah ka saaran Qof walba oo Soomaali ah wuu ogyahya qaabka ay ugu tagri falaan Hantida Qaranka iyo wax kasta oo Magaca Soomaaliyeed lagu soo qaato ama lagu gato, tusaala gaaban haddaan idiin soo qaatana waa tan hadda Badda waa la gatay iyo lama gadan la isku hayo waliba Ninkii Mas’uulka ka ahaa gadashada baddaas, bixiyayna amarka lagu kala gadanayay uu maanta kusoo laabtay isla jagadii uu ku gatay Baddii Soomaaliyeed, meeshaas waxaa kaaga cad marka, in muhiimadda koowaad ee Mas’uulnimada Soomaalia lagu raadsho ay tahay Dhaqaala samayn oo kaliya, waana Nasiib darro ku habsatay Umaddan dhibaataysan muddada intaas la eg, wax walbase waa wax aan galabsanay, dhibka na haysta ee Rabbaaniga ahna waxaa ka daran kan aan isku gaysanayno Maalin walba ama sababtiisa aan Gacmaheena ku suubsano.

Mise lacag baa lagu noqdaa Mas’uul? kii Mas’uulka noqday waaba ogaanay halka uu ka baxay iyo waxa uu u noqday Mas’uuliyadda,  halkana waxaan ku qaadaa dhigaynaa kan doonaya in uu Mas’uulka noqdo waxa ka xiga in uu Ma’suul noqdo.

Haa lacag baa lagu noqdaa Mas’uul, waa haddii aad doonayso in aad Soomaaliya Mas’uul ka noqoto ama Caalamka oo dhan ayaan dhihi karaa, Qof aan waxba haysan oo si hoose aan iskaga soo laaluushin Hogaanka Dhaqanka maanta Xildhibaan nooma ahan, Goob joog ayaan ka ahaa aniga qoray Maqaalkan mid ka tirsan Xildhibaanada maanta in uu ku baxshay lacag gaaraysa 25000 Doolar, Booska uu maanta ku fadhiyo ee Xildhibaanimada ah.

Ninka lacagtaas ku baxshay in uu maanta heerkaas ku gaaro maxaa ka filanaysaa? Dadku way la yaabaan Mooshinnada, Mooshinnada lacag ayaa lagu helaa, Nin walbana meesha Maal galin uu isi soo maal galshay ayuu ku yimid, marka waddo walba oo uu ku heli karo in uu Lacagtiisa dib usoo ceshto kadibna wax kale sii laqo waa uu samaynayaa, maxaa yeelay meesha awalba looma imaan horumarin Bulsho ama Qaran ee waxaa loo yimid Mashruuc ku dhisan is maali galis Mas’uulnimo.

hadaba dadka Rajada qaba ee sugaya Soomaalia oo mar labaad Cagaheeda ku istaagta dibna ay u istaajiyaan Hogaanka maanta jira min Madaxwyane ilaa Xildhibaan Niyaddooda haka saaren, wax walbana waxay yeeshaan astaanta bilowgooda, maxaa yeelay wax walba oo ku bilowda Waddo qaldan qalad ayay ku dhamaanayaan taas waa hubaal, Soomaalidana waxay horey ugu maah maahday Hal xaaraan ah Nirig xalaal ah ma dhasho, macnaha ay markaa u dan lahaayen ayaa ah, in wax walba oo Xaaraan ah aysan Xalaal noqon Karin, wax walba oo xalaal ahna aysan xaaraan noqon Karin, inkastoo macnaha maah maahda nuucyo badan uu yeelan karo haddana midka aan aniga u doortay ayaa kaas ah.

Waxaa jirtay hadda ka hor aniga oo galab shaqo u tagay Dakaddii mac malka ahayd ee Ceelmacaan ayaa waxaan ag maray meel Shaneemo ahayd oo lagu daawan jiray Aflaanta,  waxaana meesha hortaagnaa Nin aan is lahaa waa Dadka reer Miyiga, oo Shaneemada Lacag ka aruurinayay, wuxuuna ku dhawaaqyay Filim Qatar ah ayaa socda, lacagtiina waa celis, haddii Atooraha Filimka jilayo laga adkaado ama uu Caawa dhinto .

Ninkaas naadinta uu naadinayay kulma yaabin aniga, maadaama aan filimaanta horey u aqiin waan iska fahamsanaa waxa uu ula dan lahaa, balse, waxaa jray Dad meesha isku jiirayay, micnaha shaleemada galayay oo fara badan hadalka uu ninkaa dhahayay dartiis, qaarkood ayaga oo raja ka qabo in inta Atooraha la dilo ama laga guulaysto Dagaal ahaan ay lacagtooda dib u helaan ama filim kale kusii daawadaan.

Kkkk u jeedada hadalka ayaa ah in wax walba oo la sheego ay qof ka gadmayaan qofna aysan ka soconayn agtiisa,  Sheekada Soomaaliya ka socotana waa isla filmkaas Atooraha aan laga guulaysan Karin marna, maxaa yeelay filmka qaabka loo alifay iyo qaabka loo jilayo ayaa ah mid kawada socota hal fikrad oo hal meel laga wada fangareeyo (laga hagayo).

Amisom waa joogtaa lacag ayay qaadataa, Soomaalida Madaxda ahna sidoo kale kuwa Amisom lacagta siiya ee meesha keensaday isla kuwaas ayay ayagana u shaqeeyaan waxba isma dhaaaman, marka Mas’uulnimada midna lacag ayaa lagu raadiyaa, midna lacag ayaa laga helaa waa intaas inta meesha ka socota maanta.

Ilmo korsi ama horumarin Qoys? Qodobkan waa ugu dambeesiiyay, balse, wuxuu mudnaa in aan ugu hormarsiiyo maadaama uu  tilmaamayo meel hoose Koox joogta, balse asalka ayaa ah in Kooxdan aan ugu hoos mariyay ay wada dhaleen labadaas kooxood ee aan kor kusoo sheegay.

Kooxdan ilma korsiga waa Odayaasha Dhaqanka oo la rabay in ay muujiyaan Xilkasnimo aad u balaaran, maadaama ay ahaayeen ilayska Umadda ama kuwa ugu aragtida dheer Umadda, laakin Aqriste Qof hammigiisu uusan dhaafsiisnayn ilmo korsi iyo horumarin qoys ma yahay qof umaddan samata bixin kara? umadd dooratayse ee tiri “na hogaami ninkaas indhaha la’” ma yihiin kuw marka ay is eedayaan u qalma in la dhagaysto eeddooda?

Haddaba Mas’uulnimada uu Islaamku inoo tilmaamay sidaa ma ahayn, islaamku wuxuu inoo sheegay in Ninka Hogaamin na waydiistaa aanan waxba u dhiiban, maantase taas waan qilaafnay, Allana Quraankiisa ayuu wuxuu ku yiri  “kii ka jeestaa xaqa waa Islaanimada iyo ku dhaqankeedee waxaa u sugnaaday Nolol Cariiri ah”,  dhabta marka laga hadlana maanta Nolol dhan walba cariiri ka ah waan ku nool nahay, Gaalo dhan walba inta ka timid ayay dhulkeena inagu leynayaan Cid wax ka waydiinaysana ma jirto, Looma ooyaan ayaan isku bixinaya xiligii aan is dulmin jirnay, maantase looma ooyaanka dhabta ah ee ooynayaa har iyo habeen waa inaga!

Waxaan nahay Qoom Madaxa Daqarro ka gaareen oo madaxu wareerayo meel ay u socdaan iyo meel ay ka yimaadeena anaan fahmi Karin xanuunkuna ka batay, Daawada ay mar walba raadinayaana ay tahay Xanuun baaba’she, balse aan Xanuunka na haya Daawa walba waxba kama tari karto.

Sidoo kale waxaan u astaan egnahay Qoomkii Reer Banii israail ee warka Allah iyo Nabigiisa Musa CSW diiday, markii gala la dhahay Baytul Maqdis ee ay ku qaadaty afartan sano ayaga oo Subax walba kaca safarna gala galabtiina Qoraxda ay u dhacda isla meshii ay saaka safarka ka soo bilaabeen ayaga oo  taagaan, inaga kuwaas waxaan sii dheernahay in aan fasahaad Maalin walba Dhulka alla la dul joogno, oo Adoomadiisa Muslimka ah aan Dhiigooda daadino, Dambiyada kale ee waa ween kuwaas sheegisba ma leh.

Shanta qodob ee kale maba soo qaadan sadexdan ayaan ku gaabsaday,  maxaa yeelay iyaga ayaa ka tarjumaya Xaqiiqda dhabta ah ee Bulsha ahaan aan la nool nahay, marka  Dadka nuucan ah inta ay Hogaan noo yihiin anagana aan wax ka dhowrayno waa dhaan dhurwaa waddada u galay, micnaha waxba yaan laga filan Khasaarada oo sii badata mooyee.

W/Q: Mohamed Musa Shiikh Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN