SIRTA NOLOSHA Sheeko taxane ah Q.35aad. W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

 

Maalinti ku xigtay Busaad Dugsiga ma aadin, siday qolkeeda u gashay galabtiina kama soo bixin, markay reerku arkeen xaaladda gabadhooda oo ku laabatay dabaacadeedi kalinimada, ayuu duhurki Aabe Saxardiid aaday guriga reer Xuseen, markuu albaabka soo garaacay oo laga furay ayaa si fiican loo soo dhaweeyay inta aan ka aheyn Xasan oo markuu arkay aaday qolkiisa, laakiin Aabe Xuseen ayaa ka daba qayliyay oo ku yiri “Xasan, waryaa Xasan maxaad Adeerkaa u salaami wayday?” markuu soo laabtay ayuu Aabe Saxardiid intuu gacanta ka qabtay ku yiri: “aniga iyo wiilkeeyga Xasan waa israaceeynaa oo maanta aniga ayuu ii martiqaadan yahay” Aabe Xuseen ayaa yiri (Saxardiid maanta waa nala qadeeyneeysaa” Aabe Saxardiid oo hadalki ka boobay ayaa yiri: “waxaan rabaa inaan Xasan idinka wato, waayoo galabta ayaan rabaa inuu meel ii raaco” Xasan oo aan raali ka aheyn ayaa loo fasaxay, asagoo weli uu gacanta ka haaysto Adeer Saxardiid, markay guriga reer Saxardiid albaabka ka galeen Aabe Saxardiid oo gacanta haaysta Xasan, ayay soo wada fiiriyeen reerka oo dhan, Busaadna way ilka cadeeysay, Suleymaan wuxuu fiiriyay wejiga Busaad, Sureerna afka ayay qabsatay, Cabdiqani iyo Yoonisna waxay fiiriyeen Xasan wejigiisa, Hooyo Basra intay gambarkeedi ka kacday ayay tiri: “soo dhawaada” Xasan oo rajeeynaayay inuu Adeer Saxardiid gacanta u daayo oo uu wiilasha la fadhiisto, ayuu Aabe Saxardiid la galay qolkiisa asagoo leh: “qadada ha noloo soo wada guro aniga iyo Xasan” wuxuu la galay qolkiisi aanu weligiis gelin, Xasan oo ka naxsan sida loo wayneeyay ayuu Adeer Saxardiid ku yiri: “Adeer waxaan ahay waalid war been ah loo sheegay, wixii dhacayna waa dheceen, Busaadna waa walaashaa, waxaan kaa rabaa sidi aad wax wada akhrisan jirteen inaad wax u wada akhrisataan, gurigana waa gurigaagi” Xasan markuu yiri: “waa yahay” kadib ayuu hoos fiiriyay, markaa ayuu Aabe Saxardiid ku yiri: “waxa laguu sheegay waa been, markaad waxbarashada dhammeeysaan adiga iyo Busaad wixi aad ku heshiisaan, ayaan anigana raali ka ahay” Xasan ayaa yiri: “waa tahay Adeer” Adeer Saxardiid ayaa yiri: “marna yaaneey cuqdad kaa gelin hadal dad yiraahdeen, caawa maqribka kadibna waxaan isku raaceeynaa shaneemo adiga iyo Busaad ee diyaargaroow” Xasan ayaa yiri: “waa yahay Adeer” Xasan wuxuu u ekaaday dooli galay shabaq oo kale, wuxuu cunay qado uu ku khasban yahay, hilibkana loogu  roonaaday oo Adeer Saxardiid uu dhankiisa u soo riixay, muhimadu waa in laga maslaxeeynaayo wixii dhacay oo uu ogyahay, Reerkana wuu la socdaa qofka difaacay iyo qofka ka soo horjeestay, Xasana in la fasaxo uu gurigiisa aado ayuu ka jeclaan lahaa guriguu u soo degdegi jiray markuu ka maqan yahay, markay dhammaatay qadadi ayuu ka soo baxay qolka Adeer Saxardiid, wuxuu fiiriyay dadki deyrka fadhiyay oo soo wada fiirinaaya, markaa ayuu albaabka abaaray asagoo aan hadlin, reerki waa is fiirfiiriyeen, Busaad waxay ku sigatay inay u yeerto, laakiin waxay ka baqday walaalkeed inuu hadal ka dabakeeno, haddii ay ka daba bixi laheydna waxay ka xishootay wejiyada faraha badan iyo marxalada lagu jiro oo aan u saamaxeynin, Busaad oo niyad jabsan ayuu u yeeray Aabaheed wuxuuna u sheegay inay caawa iswada raacaayaan Xasan, taas oo ku kaliftay inay billowdo isdiyaarin aan hore loo arkin.

Xasan majecla inuu sheego wararka xunxun, mana jecla inuu dadka iska horkeeno, gurigooda markuu ku laabtay ayay hooyadiis dareentay inuu wejigiisu fiicneyn, markaa ayay waydiisay waxa ku dhacay iyo sababta uu ugu faraxsaneyn guriga reer Saxardiid oo uu inta badan ku maqnaan jiray, Xasan wuxuu hooyadiis ku qanciyay inuu caajis haayo oo aanay jirin wax uu ka careysan yahay, kadib waxaa laga wada hadlay martiqaadka gabdhaha loo dhigaayo, waxaana laysla soo qaaday inay fiicnaan laheyd in waalidkoona lamarti qaado.

Caydaruus wuxuu qorsheystay inuu habeenka jimcaha soo gelaayo uu lakulmo Caasho walaalkeed Maxamed, si uu ugu sheego inuu rabo inuu reerka laxidido, sidaa daraadeed ayuu galabti Caasho ugu yimid Biibitada, markuu ku yiri: “caawa xageen ka helaa walaalkaa Maxamed?” Caasha ayaa ku tiri: “maxaad ka rabtaa walaalkeey?” Caydaruus wuxuu u sheegay inuu ka doonan rabo, markaa ayay Caasho tiri: “wax ma kuu sheegaa, haddii aad war iga maqleyso, waxaan ku dhihi lahaa inta aad walaalkeey iwaydiisan ka hor, labadiina isbarta oo asagoo ku yaqaana kadib iwaydiiso” Caydaruus ayaa yiri: “Wallahi waa fikir fiican” markaa ayay Caasho u sheegtay in berri gurigooda lagu qabo martiqaad, sidaa daraadeedna ay habboon tahay inuu ka soo qeyb galo martiqaadkaas, si uu reerka u soo wada barto, ileyn Caydaruus waxaa la’ogyahay inuu hooyo Khadiijo daaweeyay marki ay gacanta ka gubatay, balse reerka intooda badan wejigiisa ma arkin.

 

La soco. ……..36aad.

 

 

SHEEKOOYIN