SIRTA NOLOSHA Sheeko taxane ah Q.36aad. W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

Aabe Saxardiid wuxuu inta badan galabti wadan jiray mootadiisa fesbada ah haddii aanu dad qaadeeynin sida caawa oo kele, wuxuu soo qaatay gaarigiisa, wuxuuna ku soo qaaday gabadhiisa iyo Xasan oo uu ku dejiyay Shaneemo Nasar, kadibna wuxuu ku yiri: “meeqa saac ayaan idin soo maraa” Busaad ayaa ku tiri: “annagaa tegeyna xaafadda” markay shaneemada galeen ayay Busaad ku tiri Xasan: “Aabe caawa aad ayuu u faraxsanaa, haddii aanu filinka Hindi ahaan laheyna wuu nala soo geli lahaa” Xasan ayaa yiri: “Adeer soow ma ogeyn in shaneemo Nasar ay tahay shaneemo Hindi laga dhigo?” Busaad ayaa tiri: “haa, laakiin anigaa ku iri nagee shaneemo Nasar, waayoo waxaan ogaa in aanu nala soo gelaynin” Xasan oo ka aamusan ayay u raacisay: “labadeena oo kali ah inaan sheekeeysano ayaan rabay, annagoo sheekadeena xor u ah” markaa ayagoo kuraas ku sii fadhiisanaaya ayay Busaad tiri: “sheekadaadi ayaan u xiisay, wallaahi ma aqaan sidi aan ahaa inti aad naga goosatay” Xasan ayaa yiri: “waxba idinkama goosan, laakiin waxaan kuu sheegay inaan kula gaareeynin xilligi aan kula gaari jiray iyo inaan labadeenu bannaanka ku wada hadli karno” Busaad ayaa tiri: “anigana waxaan rabay inaad sidaadi hore ii noqoto oo iigu sheekeeyso, waxna u wada akhrisano” Xasan ayaa yiri: “taas ma filaayo inay soo wada laabaneeyso, sababta oo ah waa mid wadata halisteeda una baahan in laga taxadaro, haddii kale sumcad xumo ayay nookeenaysaa” Busaad ayaa waydiisay: “Xasan weli ma waxaa kuu muuqda hadalki ay Sureer kuu sheegtay?” wuxuu ku yiri: “Busaad, Habaryartaa Sureer been iima sheegin, waayoo Adeer Saxardiid ayaa ii sheegay, wuxuuna igu yiri (caro ayaa iga keentay) wakhtigaan lajoogana waxa iigu muhiimsan waa adaga naftaada” Busaad waxaa ka soo xirantay inay inkirto wixi ay Sureer sheegtay, markaa ayay tiri: “waxaa Aabe ka careeysiiyay wuxuu ahaa, beenta uu Ciise sheegay” Xasan ayaa yiri: “waa runtaa, Aabahaana xaq ayuu u leeyahay inuu ka caroodo, Ciisana xaq ayuu u leeyahay inuu beentaas sheego” Busaad ayaa tiri: “Ciise inuu been sheego miyuu xaq u leeyahay?” Xasan oo u sharaxaaya ayaa yiri: “haa, waayoo Ciise wuu ku jecel yahay, wuxuuna u haaystaa inaan aniga kaa haaysto, dhibka u badana waxaa keenay inaad Biibitada iigu timaado, Ciisana uu habeenadaas waayo aragtidaada uu indhaha isaga nuursan jiray” Busaad ayaa tiri: “Ciise ima jeclaan karo, mana rabo beenloowgaas, haddii aad iga haaysatana ma sidaas ayuu igu heli karaa, taasoo ah inuu naceebeeyo?” Xasan ayaa ku yiri: “haddii uu Ciise aniga iwaydiin lahaa, waxaan u sheegi lahaa inaan kaa haaysan” Busaad oo aan hadalkaas jecleysan ayaa intay ka wareegtay waxay tiri: “iska illoow wixii dhacay oo dhan” Xasan oo raba inuu Busaad fahamsiiyo mowqifkiisa adag ayaa yiri: “waxba kama qabo inaan iska illoobo iyo inaan ka taxadaro mar dambe khaladkaas oo kale in aanu dhicin” Busaad markay istiraahdo wuu soo dhawaaday ayuu halkiisi hore ku laabtay, sidaa daraadeed waxay hadda ku khasbanaatay inay u sheegto Dareenkeeda, markaa ayay ku tiri: “ma aqaan si aan kuugu sheego dareenka aan kuu qabo iyo sida aan kuu jecelahay oo aan wax badan kaa qarinaayay” Xasan indhaa ka soo haray, Busaadna waxay sii raacsiisay: “waxaan aad kuu dareemay marki aad gooysay inaad timaado gurigeena, laakiin wixii ka horeeyay marki aad iga soo daahdo ama aad aado meel aan ogeyn ayaan dhibsan jiray, balse uma haaysan inaan ku jecelahay” Xasan ayaa yiri: “baxar ka sii weyn ayaad noo sii wadaa” Busaad ayaa tiri: “wax baxar la yiraahdo majiro haddii aan anigu ku rabo, adigana aad diyaar ii tahay” Xasan ayaa yiri: “haddii aan diyaarnahay, laakiin uu diyaar u aheyn Aabahaa in gabadhiisu ay guursato wiil reerkiisu fakhri yihiin oo Hooyadiis Muufo dubi jirtay, sidaana uu ka jecel yahay in gabadhiisu Aakhiro u hoyato, soow baxar ka sii baxar maaha” Busaad ayaa tiri: “intaa haddii aad dhibsatay aniga waxba iiguma fadhido in madaxa la iiga gooyo, maaxaad Xasan u jeclaatay, diyaarna waan u ahay inaan daraadaa u dhinto, laakiin ma filaayo inay sidaas dhicidoonto” Xasan oo raba inuu Busaad quus gaarsiiyo, ayaa ugu jawaabay: “iska illoow jaceylka ku haayo, waxaadna ka soo qaadaa inaad weligaa ijeclaanin oo kale, sheekadaasna iga xir, waayoo marabo inaan ku mashquulno filin khiyaali ah” Busaad isla markiiba waxay ka istaagtay fadhiga, Xasan oo u yeeraaya ayay ka soo dhaqaaqday, asaga oo aan soo gaarin ayay ka baxday albaabka shaneemada, wuxuu ka daba yimid markay soo qabsatay wadada Maka Almukarama, wuxuu ku yiri: “maxaad filinka nooga soo saartay?” Busaad ayaa tiri: “muraadkeeygu filin ma’aheyn ee wuxuu ahaa inaan adiga kula sheekeysto” Xasan ayaa ku yiri: “wax badan ayaan wada sheekeysanay annagoo walaala ah, markaana diyaar uma aheyn inaad iila sheekeeysato sida aad hadda rabto oo kale, sidaa daraadeed ha u maleynin inaan qorshahaaga u diiday carada aan ka carooday hadalka Aabahaa” Busaad ayaa tiri: “sida aad Deeqa Bashiir ula kulantayba, waxaa kugu dhacay isbeddel weyn, balse waxaan islahaa Deeqa waxay booska ku cariirineysaa Habaryartaa ee adiga kuuma soo socoto, wayna ii muuqataa inaad heshay sabab aad xiriirka iigu jarto” Xasan ayaa yiri: “Deeqa muraadka aad sheegeyso, aniga iyo walaalkeey nagama laha, anigana uma soo jeedo xiriir iyo jaceyl, horana waa kuugu sheegay inaan lagaarin xilligi aan gabar lahaasaawi lahaa, hana ka yaabin inaan qorshahaas bedelo” Busaad ayaa tiri: “ma ii ballan qaadeysaa inaad xiriir ila yeelaneyso, haddii aan ku sugo ilaa qorshahaaga aad gaarto?” Xasan ayaa yiri: “maya, kuuma ballan qaadi karo” Busaad intay istaagtay ayay tiri: “sabab, maxaa jira oo aad iigu ballan qaadi karin?” Xasan ayaa yiri: “waan kuu sheegay sababta jirta” Busaad ayaa waydiisay: “aniga ima rabtid!?” Xasan ayaa yiri: “waxaan kuu sheegaa marka lagaaro wakhtigeeda, laakiin inta ka horeeysa caadi iska dhig” Busaad oo xoogaa soo dabacday ayaa tiri: “sidee caadi isaga dhigaa? hadda ayuu maseyr igalay oo aan ka cabsanaa inay Deeqa igala kaa wareegto” Xasan oo xanaaqsan ayaa yiri: “ma aqaan hadalkeega waxa aad u fahmi la’dahay, xilligeeyga oo aan lagaarin majirto gabar aan hishiis lagelaayo, ha ahaato adiga ama Deeqa ama mid kale, sidaa daraadeed ma aqaano sababta aad uga maseyreyso Deeqa oo aan waxba naga dhexeyn, midda kale marabo in layiraahdo Busaad waxay jeceshahay Xasan oo aad dhib kale noo keento” wadada dhexdeeda ayay Busaad wejiga gacmaha saaratay, Xasan oo ka baqay inay ooyso ayaa ku yiri: “wado ayaan taaganahay” Busaad ayaa tiri: “go’aanki ugu dambeeyay ayay nafteydu gaartay, go’aankaas oo ah inay kaa warsugto ilaa aad ka soo diyaargaroowdo, laakiin mid ii samee oo gurigeena sidi aad iigu imaan jirtay iigu imaaw” Xasan ayaa yiri: “waan kuu imaanaa, waa ballan” markay soo dhaqaaqeen ayay ku tiri: “berri oo jimca ah waxaan isu raaceynaa xeebta liido oo aan wakhti badan ku soo neecaawsan” Xasan ayaa u sheegay inay gurigooda ku martiqaadan yihiin Deeqa iyo saaxiibteed Mulki, markaa ayay Busaad tiri: “soow taan hore kuugu sheegay Xasanoow inaad isbedeshay, ma anigaaba lasocda wax ka badan inaad guriga Deeqa aaday”.

 

La soco. …….37aad.

 

 

SHEEKOOYIN