Home Curis SIRTA NOLOSHA Sheeko taxane ah Q.37aad. W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

SIRTA NOLOSHA Sheeko taxane ah Q.37aad. W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

0
SHARE

Busaad intay labada gacmood isku laabatay, ayay socod boobsiisay ayadoo careysan, Xasana intuu kadaba tegay ayuu horta ka istaagay wuxuuna ku yiri: “sheekada Deeqa waad lasocotay, waadna ogeyd inaan gurigooda aadi laheyn, laakiin ay markaa suuragal noqon wayday, howsha aan gurigeeda u aadayna waa middaas” Busaad ayaa tiri: “ma aqaan shaki weyn ayaa gabadhaas iga galay” markaa ayuu Xasan ku yiri: “berri adiga iyo reerka nala qadeeya” Busaad ayaa tiri: “maxaad Aabe ugu sheegi wayday martiqaadka?” Xasan ayaa ku cudurdaartay: “martiqaad dad loo dhigay si dad kale loogu martiqaado waan garan waayay” markay xaafaddi yimaadeen ayaa lala yaabay xilliga ay filinka ka soo bexeen.

Caydaruus waxay isku xumaadeen saaxiibadiisi ku qayili jiray gurigiisa, sababtoo ah wuxuu galabti u sheegay inuu muraad leeyahay oo ay guriga fadhiisan karin, markay ka quusteen inuu ogolaadana waxay keentay inay qashinka ku daraan qaadki ay soo iibsadeen, waayoo mahaystaan meel kale oo ay fadhiistaan oo aan ka aheyn guriga Caydaruus, mana rabaan inay cid kale ku ogaato cunista qaadka, guriga Caydaruusna wuxuu u ahaa meesha ay kula gabadaan balwada ay halka maalin cunaan, ayagoo careysan ayay ka soo tageen, waxayna eeda dusha kaga tuureen Xasan walaalkiis oo uu uga sheekeeyay Caydaruus sheekada u socota, saaxiibadiisna wax walba waxaa uga daran qorshaha ka burburay, waxaa aad uga xumaaday laba ka mid ah oo la yiraahdo Tahliil Cirro iyo Geedi oo ku heshiiyay inay Caasha iyo Caydaruus kala tuuraan, waana shaqo ay hore ugu sameyn jireen Caydaruus, laakiin waxaa markaan ka haray Warsame oo ka diidan inay Caasha ku diraan saaxiibkood, inkastoo uu ka ballanqaaday inuu Caydaruus u sheegin dabinka ay lamaagan yihiin, waxaa isku fasal ah Caydaruus iyo Tahliil oo sharciga wada dhigta, Geedi wuxuu dhigtaa luqadaha, Warsana waa engineeria, habaankaas wuxuu Warsame iska aaday magaalada, labadi kalana waxay soo aadeen Biibatadi reer Xuseen si ay u qasaan sheekada Caasho iyo Caydaruus, markay yimaadeena waxay arkeen inay Cassho lajoogaan Deeqa Bashiir iyo saaxiibteed Mulki Hilowle oo u soo baxday in lasoo baro Caashada ladhalatay macalinkeeda, Cirro iyo Geedi waxay ku indha sarcaadeed seddexda gabdhood, waa seddex aan kala dhicin, waxaa ugu weyn Caasho oo dhanka maqalka xigta, sidaasoo ay garteen inay tahay Caashadi uu Caydaruus uga soo gedi jiray shaaha macaan, markaa ayuu Tahliil yiri: “ii waran Caasha Cuudeey?” Caasho intay wejiga kaduuday ayay tiri: “yaa magaceyga kuu sheegay?” Geedi ayaa yiri: “gabdhahaan kale maad nabartid” Caasho ayaa tiri: “maxaan idinka gadnaa?” Geedi ayaa yiri: “Biibitada iyo gabdhaha dhex jooga naga gada” Deeqa ayaa tiri: “waa beec haddii aad iibsan kartaan” Tahliil intuu qoslay ayuu yiri: “waan iska kaftameynay, laakiin waad naga raayseen” wuxuu sii raaciyay: “Tahliil waa magaceyga, saaxiibkeey magaciisana waa Geedi, waan naqaanaa Caasho ee labadiina kale iskaaya bara” markaa ayagoo weli taagan iskafaalaha Biibitada ayay Deeqa ku tiri: “rag waa shaahe horta fadhiista” intay kuraas ku fadhiisteen ayuu Geedi yiri: “dumarna waa sheekee, shaaha nookeena noona sheekeeya” kadib ayaa cabbaar war leysku tuurtuuray intaana Mulki mahadlin oo isku tuurtuurkooda ayay dhegeysaneysay, Deeqa ayaa wareysi ugu dhaqaaqday Tahliil iyo Geedi, waxayna u sheegeen inay jaamiciyiin yihiin iyo fokoltiyada ay kala dhigtaan, Caasho waxay fahamtay inay Caydaruus isku fasal yihiin Tahliil, waayoo wuxuu sheegay inuu Sharciga dhigto iyo inuu ku jiro sannadi ugu dambeysay, markaa ayay Caasho tiri: “waxaan ka fekeraayay sida aad magaceyga ku soo hesheen oo aan waydiintiisa isaga daayay inaad soo xansateen, laakiin hadda ayaan ogaaday inuu Caydaruus iidiin soo sheegay oo aad isku jaamicad tihiin” Tahliil ayaa yiri: “Caydaruus Nuur Cali isku fasal ayaan nahay, wuxuuna ii sheegay inaad waydiisay magaciisa afaraad oo aanu aqaanin xataa markaan isku dugsiga aheyn ee uu nala dhiganaayay Xamar sare” Caasho wejigeeda waxaa qariyay caro ay ka carootay sirtooda uu soo bandhigay Caydaruus, markaana waxaa isbedelay jawigi goobta, kadib ayay Mulki tiri: “Caydaruus Aabihii haddii uu dhalay Awoowgiis, waxaa iska cad in Awoowgiisana uu dhalay nin kale, haddii aanu aheyn Nabi Aadan (cs) oo dadku ka soo billoowdeen” Deeqa intay qososhay ayay tiri: “waaba nin fany ah, kaasoo kale ayaanba ka helaa” Geedi ayaa yiri: “gabdho badan oo jaamicada nala dhigta ayaa Caydaruus hore u waydiiyay su’aasha ku saabsan magaciisa Afaraad, ilaa iyo haddana lama arkin gabar ku aqbasha reer la’aanta haysata” Tahliil ayaa u raaciyay: “waa wax dhab ah waxaan Caasho u sheegeyno, waayoo marabno inay ku siranto nin aan la’aqoon inuu xataa Soomaali dhaba ah yahay, waxaana laga yaabaa inuu magaciisa afaraad Amxaar yahay oo uu qarinaayo” hadalada ay sida talantaaliga ah u tuurtuuraayeen Tahliil iyo Geedi, waxay dhakafaar ku rideen seddexdi gabdhood, waxayna aad u nexeen, markay maqleen inuu Caydaruus noqon karo Amxaar, kadibna waxay hadalki ku soo gunaanadeen inay Caydaruus u sheegin inay labadooda wax u sheegeen iyo inay ka digtoonaadaan oo iska baaraan qofka uu yahay Caydaruus Nuur Cali.

 

La soco. ……….38aad.

SHARE