jawaabtii Labaad ee Maansadii Duurxul Curiye Bashiir Cali Bare

Bashiir Cali Bare

Maanta oo ahayd maalin Jimce ah ayaa walaalkey abwaan Cabdiraxiin Hilowle Galayr wuxuu soo bandhigay maanso aad u heersareysa oo magaceeda la yiraahdo MAANSADA DUURXUL. Cabdiraxiin H. Galayr ayaa hal abuurada ay asxaabta yihiin soo hor dhigay su’aalo aad u wada kakan, duurxulna ah.
Waxaan maansadaas”silsiladdaas” ku darsaday tixdaan aadka u dhuuban:-

Walaalkeyga doorkee
Maansada daleeyee
Duurxulkeeda suugaan
Eegga nala dul joogow
Duhur wacan lagaa yiri
Maan ihi nin daabloo
Suugaanta duurxula’
Mase deyn karaayee
Daaqaddaan qabsanayaa
Su’aalaha kan doorka ah
Waxun baan ka daafeyn
Deelqaaf koley tahay:-

*Kala durugyey reerkuye
Duqay iyo waxgaradiyo
Guurti kala dabqaadoo
Duubcadaa maloo direy?

‪Duqey‬ iyo waxgaradiyo
Guurti belada damisiyo
Duubcad teed tiraahdaa?

Dirirtiyo colaadihi
Burburkiyo dalluunkii
Soo kuwii dilaaydiyo
Durjiyaay lahaayee
Na dumaayey maahayn
Ma waxyaa kusoo degay?

*Ninba dayr ayuu galay
Hebel dooni maayiyo
Waa kan doobinaayee
Ka daayaay malagu yidhi?

‪Hadduu‬ diriro reerkiin
Ku kaloo la derisiyo
Dan wadaagta reerka ah
Adna dirirta tooda ah
Aad dinnaar ku heli iyo
Doollar iyo qaddaadiic
Ama Derajo dheeriya
Is daayaay ma dhihilayd??

*Duunya adiga kuu taal
haddaad duugto keligaa
Dawarsiga ka jeceshahay
Ma ku deeq baxaysaa?

‪Daah‬ igama saarnoo
Dawgaasi waa maya

*Danta adiga taada ah
Hadaad daayaceed tahay
Dad inaad ku maagtaa
Umadyahay ma dawbaa?

‪Danta‬ aniga tayda ah
Haddaan daayaceed ahay
Dad inaan ku maagoo
Duul kaleeto beeniyo
Wax isugu dardaro oo
Daliilnaan ka dhigo hadal
Doqonkuba aqbalihayn
Daw maahan taasiye
Meeshaa ha lagu dado
Dibna yay usoo noqon.

*Midka adiga kuu daran
Dabadhilif u noqodkii
Diidmada walaalkaa
Ma damiir wanaagbaa?

‪Ninka‬ anaga noo daran
Dabadhilif u noqodkiis
Dagaaladii dhexdeeniyo
Dabkii aan shideyniyo
Dulmigaan falayniyo
Diidmada walaalkeen
Waa dareen kasoo fuley
Daaftaas galbeedkoo
Dalkeeniiba lagu rogay
Wanaagana dir kuma lahan.

*Gobonimo ka durugoo
Gunimada ka doorbida
Dabcigeey ka walaxtahay?

‪‎Doon‬ ninay la degatoo
Duurkuna u dhaweynoo
Dalaq yiri badweynoo
Aan dabaalna garanayn
Dawguu mari lahaa iyo
Waa dabuubti xaajadu
Dabcigeedu waakaas
Bah dil bey ka walaxtahay.

*‎Dayaxaa‬ madoobee
Ku dahaarmay oogada
Dawga loo helaayiyo
Halkuu dacalka dhigayaba,
Raggii deelka gabaygaa
Doobiga u cugayee
Daadahaynta jiiftada
Doorka u lahaayee
Diraac iyo Ustaadiyo
Dulmidiid iyo dhaaley
Aan u daayo qodobkaas.

Curiye: Bashiir Cali Barre

SHEEKOOYIN