SIRTA NOLOSHA Sheeko taxane ah Q.39aad. W/Q. Ahmed Hayow (Dulmidiid)

Maxamed Xuseen majecleysan inuu Caydaruus u sheego sirta noloshiisa, shallatina kama joogo inuu ogeysiiyo arrinta ku qarsooneyd laabtiisa, waayoo Caydaruus wuxuu ula muuqdaa inuu yahay qof waxbarta oo garan kara inuu sirtiisa ku aaminay, markaa ayuu ku yiri: “berri waxaa gurigeena ku martiqaadan Mulki iyo Deeqa, waxaana muddo dheer is arkin aniga iyo Mulki, muddadaas oo ku dhow laba sano, waxaana ka baqaa inaan aragtideeda xamili waayo iska daa inaan muraadkeeyga u sheegtee” Caydaruus ayaa yiri: “dadka waxaa ku jira kuwo aan sheegan karin dareenkooda, ayagoo aan wax cabsi ah ka qabin inay ku guul dareystaan ama ay ku adkaato siduu uga guul keeni lahaa, waxa ku culus ayaa ah sheegashada dareenka haaya oo kali ah, qofkaas wuxuu u baahan yahay inuu wakhti geliyo oo marka hore uu qofta si caadi ah ula sheekeysto haddii uu yaqaano ama u barto haddii aanu aqoonin, wixii ka dambeeyana uu si kaftan ah ugu sheego rabitaankiisa, ilaa ay uga sahlanaato inuu runta u sheego” Maxamed Xuseen ayaa yiri: “Mulki waa gabar aan Macalin u ahaa, wax kasta oo aan ku iraahdo, waxay iigu jawaabeysaa si ixtiraam leh, mana idheheyso erayo aan ka aheyn: (haye macalin, waa yahay macalin) iwm, waana sababta aan uga gaabsanaayo inaan ku iraahdo erayo shukaansi ah, midda kalana waxaan aaminsahay inaan weli lagaarin wakhtigeedi shukaansiga” Caydaruus ayaa ku yiri: “ka waran haddii aad Deeqa u adeegsato?” Maxamed ayaa yiri: “maya, maya, maya marabo inay sirteeyda ogaadaan qof aan adiga aheyn” Caydaruus ayaa yiri: “anigu sirtaada waan kuu xafidaa, waxaana rabaa inaad rabitaankaaga ku guuleysatid, sidaa daraadeed majiro xal kale oo aan aheyn inaad afkaaga uga sheegato, haddii ay macalin kugu tiraahdana aad u sheegto inaad hadda saaxiib tihiin, waayoo macalimiinta shukaansada ardaydooda ayaa ku yiraahdaan saaxiibo ayaan nahay” kadib ayuu Maxamed ka sheekeeyay xiriirki kala dhexeeyay Sureer iyo inay hadda soo laba kacleysay, waxaa kale uu Maxamed sheegay cabsida uu ka qabo berri inay Sureer ka qasto fursada uu u heli lahaa Mulki, maadaama ay guriga imaanaayaan Busaad iyo Sureer, waxaa kale uu u sheegay inay Sureer uga shakisan tahay Deeqa oo aanay aqoon Mulki, markaa ayuu Caydaruus yiri: “maadaama ay wax shaki ah ka qabin Mulki, waxaan filaa inay isha ku haayneyso Deeqa, anigana waan imaanaa berrito si aan kaaga mashquuliyo Sureerta, laakiin waxaad ku dadaashaa sidaad ballan ugu dhigan laheyd Mulkida” sidaa ayay ku soo kala tageen Maxamed iyo Caydaruus oo aan soo aadin dhanka Biibitada maadaama uu Maxamed soo aadaayay.

Caasho Xuseen habeenkaas indho isuma geyn, waxay ka hurdi wayday ma aha waxa looga sheegay Caydaruus, balse waxay tahay sheekada uu fashiliyay Caydaruus oo ay isku ogaayeen inuu reerkeeda ka doonto, waxaa kale oo ay ka xumaatay in taariikh nololeedka Caydaruus ay tahay mid shaacsan oo ay ogyihiin gabdho badan oo ayada ka horeeyay, waxaa u sawiran muuqaal aan qurux badneyn oo u eg waxa Samatar haysta oo kale, inkasta oo uu Caydaruus yaqaano magacyada Aabihiis iyo Awoowgiis, laakiin aanu laheyn cid lagula xididi karo, waxay go’aan ku gaartay inay xiriirka kala laabato Caydaruus, ayadoo sabab uga dhigeysa balwadda uu leeyahay.

Qaadidda masuuliyada reerka, waa mid ku timaada rabitaan iyo diyaargaroow, Cabi Taano wuxuu noqday wiil ku dayasho mudan, dadki deriska la ahaa reer Eedo Xabiibo waxay reerka ka beddeleen magacaas, waxayna u bixiyeen reer Taano, taasna waa mid uu Cabdi Taano ku muteystay inuu dadaal dheer uu u galay inuu dib isu soo kabo, wuxuu Aabe Xuseen lanoqday shaqa wadaag ah 50/50 kadib markuu kala wareegay furaha iyo shaqada goobta arji qoraha, wuxuuna billaabay keydin dhaqaale, reerku waxay biishaan lacagta ay Eedo Xabiibo ka shaqeeyso waxa ay dubto, waxaana lakeydsadaa lacagta Taano shaqeeyo, waxaa lalayaaban yahay isbedelka ku dhacay wiilki carruurta laga waanin jiray inay raacaan ama lagaraaci jiray wiilki la arko asagoo lasocda Cabdi Taano, haddana waxaa carruurta lagu canaantaa (maxaad Cabdi Taano oo kale ugu caqliyeysan wayday?).

 

La soco. ……..40aad.

SHEEKOOYIN