Maansadii Saddexaad ee Jawaabta Maansada Duurxul.Curiye M.C. Dhicisoow.

Dh

Dardaaran

1. Gallayrow da’daadii
2. Gabaygii dahaarnaa
3. Duurxul loogu magac darey
4. Inkastoon dabuubtaa
5. Jawaab deeqda aan wadin
6. Inyar aan ku daro ee
7. Duruufaha waxaa badey
8. Waxa diifta nagu ridey
9. Waxa dunida naga duwey
10. Haddaan kuu daliiliyo
11. Daainkey intaan jirey
12. Soomaaloo is doontoo
13. Isu diir-naxaysoo
14. Danta guudya nabaddiyo
15. Danta gaaryo dulucdiyo
16. Hadafkiyo dul meerkiyo
17. Ujeedada dahsoon iyo
18. Xaajada dahiran iyo
19. Xaalkeeda darajiyo
20. Hadba dabin loo rogo
21. Isku duubnideediyo
22. Dad mideysanoo qura
23. Duunyadoodu daaqdoo
24. Deegaano wada dega
25. Iyo duul san maan arag
26. Daqiiqado aan daawado
27. iyo maalin darafya leh
28. Gu’ya deyrya jiilaal
29. Balse waa dardaarane
30. Waa laga duceystaa
31. Ama laga dacwoodaa
32. Shaydaan ku daakhila
33. Iyo duul qaxootiya.

34. Taa waxa ka sii daran
35. Qisa iga da’weynoo
36. Waxey kaga danleeyiin
37. Dibnaheygu qaba karin
38. Dulmigey ku kacayaan
39. Daaquudkey dugsanayaan
40. Dagaalkey jecleysteen
41. Debka ay shidaayaan
42. Daarahey duminayaan
43. Dugsigey afjarayaan
44. Tacliintey dayacayaan
45. Iftiinkey daminayaan
46. Xaqa ay durjinayaan
47. Samahey ka didayaan
48. Xumahey u dudayaan
49. Qabiilkey dawinayaan
50. Da’yartey halligayaan
51. Duqowdey luminayaan
52. Agoontey dardarayaan
53. Dumarkey xaqirayaan
54. Deriskey qarxinayaan
55. Naf dadey jarjarayaan
56. Dulli bey ku suganyiin
57. Saacad Daaim keenaba
58. Daabkoodu waa dhiig
59. Gacantoodu waa daqar
60. Cagahoodu waa dudi
61. Damacoodu duug
62. Niyaddoodu waa doox
63. Wanaaggii la dabargooy
64. Balse waa dardaarane
65. Waa laga duceystaa
66. Ama laga dacwoodaa
67. Shaydaan ku daakhila
68. Iyo duul qaxootiya.

69. Taa waxa ka sii daran
70. Ma naxiyo damiir law
71. Ma dabciyo ka sii dare
72. Sama kuma dabbaaliyo
73. Dabadhilif shisheeyiyo
74. Diradire u joogliyo
75. Dure iyo damqiye baas
76. Dawga laga fogeeyoo
77. Daxaleystey waa hore
78. Duul deyran baa kacey
79. Duruuf nagu adkaatiyo
80. Cudur diiran baa yimid
81. xaalku wuu dandooraa
82. Waagii dillaacaba
83. Balse waa dardaarane
84. Waa laga duceystaa
85. Ama laga dacwoodaa
86. Shaydaan ku daakhila
87. Iyo duul qaxootiya.

88. Taa waxa ka sii daran
89. Midka kuu dugaalee
90. Dadka kuugu xiga’ee
91. Diirnaxaaga mooddee
92. Dahaar kuu ahaadee
93. Dufankaaga leefee
94. Daacad kuu aheynee
95. Danta gaar ka raacdee
96. Xumahaaga duubee
97. Lagu direy naftaadee
98. Marna kuu digeynee
99. I daay kaaga teginee
100. Toos kuu dileynee
101. Miciyaha dabooshee
102. Isku kaa dedaayee
103. Dubaab kuu ahaadee
104. Ku dubtee ku daaqee
105. Dugaag kaaga daranee
106. Waa laga duceystaa
107. Ama laga dacwoodaa
108. Shaydaan ku daakhila
109. Iyo duul qaxootiya.

110. Taa waxa ka sii daran
111. Sixirow samaan diid
112. Faaliye damoodaa
113. Fage iyo dhul duugaa
114. Wixii dadan dolooliye
115. Waxba kama dahsoomaan
116. Ibliis iyo dan jirihii
117. Cilmi qeybka daalaco
118. Sida laga dareemaa
119. Waxna dilo wax deeyaa
120. Duul deyran baa kacey
121. Duruuf nagu adkaatiyo
122. Cudur diiran baa yimid
123. xaalku wuu dandooraa
124. Waagii dillaacaba
125. Balse waa dardaarane
126. Waa laga duceystaa
127. Ama laga dacwoodaa
128. Shaydaan ku daakhila
129. Iyo duul qaxootiya.

130. Taa waxa ka sii daran
131. Ninka dabin qoolee
132. Dariiqyada intaw xiro
133. Safarkiyo danleydiyo
134. Dudumaha dadka u gala
135. Gaadmada ku duudsada
136. Waxey duni lahaayeen
137. Xaaraanta dubucsada
138. Culimada ducaaddiyo
139. Ninka dira gawraca
140. Daqarada uun kaa wado
141. Ee doorka daba tirey
142. Oo nabaddi daayacey
143. Sunnahiyo dastuurkiyo
144. Diintiyo shareecada
145. Daa’inkeen wuxuu farey
146. Ee Nebi daliiliyey (SCW)
147. Ama daaci laga helay
148. Ka dafirey oo daba marey
149. Balse waa dardaarane
150. Waa laga duceystaa
151. Ama laga dacwoodaa
152. Shaydaan ku daakhila
153. Iyo duul qaxootiya.

  • – Maxamed Cilmi Dhicisow

SHEEKOOYIN