Jawaabtii Afraad ee Maansadii Duurxul, Curiye Abwaan Xaayoow.

Waa maanso la yiraahdo (xidiga ladaawado) waxay daba socotaa maansadi Duurxul.
Abwaankii idirayoow
Duurxul maansadaadii
Dareenkeedi waan helay
Weli danabyadeedii
Doobtiyo xanuunkii
Dubihii dareemada
Waygu soo duxaayoo
Laabteydu may degin
Areey daacadsanidaa
Oo dowladnimadiyo
Dad walaala oo mida
Doondooni ogidaa
Doqontaan dabuubtiyo
Dulucdiyo ujeedada.
Waxaad dowrdabeysiyo
Garaneyn dantaadoo
Docda kaa wareentee
Kan ku diidan yeelkii
Afartaa dul haadaye
Aan hoos u soo dego.
Xidigaha la daawado
Dayaxana la soo baxa
Daalaligu waa koow
Raqahaa ku daba xiran
Naafaa dugaashada
Cirirkoow dambeeyaan
Dirirkaa la doortaa
Intuu waagu daalicin
Inay dihato fooshii
Midka dabada keenaa
Kaa waa la deyrshaa
Waana laga duraantaa
Waxse iga dahsoonaa
Calankeena doorkaa
Duhurkii la taagee
Loo tiriyay deeleey
Yaa dayaxa waagaa
Xidiguu la derisyahay
Degmadiisa daalacay
Inuu sodon diraacleey
Dabadeed isdiidleey
Isdareensi badanleey
Dadka isunecbaaleey
Diradira adeecleey
Inladago magaradleey
Yahay noo damoodoon
Ka duceysanaayoo
Daahiisa noo fura
Afartaa dul haadaye
Aan hoos u soo dego
Aan duubka maradiyo
Xakamaha la doontee
Ila soco diraacoow.
Wax la yiri doqoowdii
Guurtidi ladiri jiray
Yaa dumiyay xeerkii?
Markay kala dambeyntii
Daaqadda ka duushee
Dagaal ooge soo baxay
Marki ay dullaaliin
Dhallinyaro u doonaan
Degmadii ku faafeen
Duqoowdiyo waxgaradkii
Laga diiday waanada
Markuu dhowr diraacood
Odaygii dayoobee
Dif u waayay reerkii
Intuu dacar qaraar iyo
Duuf siin lahaa ubad
Waxaa uu ka doorbiday
Intay dani ku qaadaye
Yaa loo dacwoonaa?
Afartaa dul haadaye
Aan hoos u soo dego
Inuu dabacsanaan iyo
Darfa dheeri iga gelin
Ila duub ustaadoow.
Sahan dirasho waa kii
Sahay lala diboodiyo
Halka daadku ka onkaday
Laysugu diyaarshee
Midka reerka kala diray
Iska daa dardaarane
Horta yaa isdaawaday?
Hala dido hadday tahay
Ninba daba sii feyd
Qofba daaqadiisuu
U dalaabay meel kale
Dib waxay ka noqotana
Ka daawaday halkiisaas
Afartaa dul haadaye
Aan hoos u soo dego.
Dunidaan dhamaanteed
Siyaasado isdiidani
Waa loogu daawgalay
Haddana kuma dagaalaan
Waa nin iyo dookhii
Xibigii ladoortana
Waa laga dambeeyaa
Midnimada kan diidaa
Dembigiisu weyn yahay
Dabadhilifku waa xarig
Waxay derejo siiyaan
Kan dalkiisa daafaca
Nabad lagu dadaaliyo
Dadkoo loo adeegaa
Diiwaanka ugu taal
Maleh reero damal iyo
Qurac isu dilaayoo
Loo kala dabqaadaa
Isku duubnidoodeey
Ku dabaal degaanoo
Dantoodeey yaqaanaan
Afartaa dul haadaye
Aan hoos u soo dego.
Abwaankii idirayoow
Duurxul maansadaadii
Ma dudubin karaayoo
Waa iga da’weyntoo
Daalaa dhac mooyee
Waxba kuuma daahirin
Ragbaa iga dambeeyoo
Kuu dambarinaayee
Doobtaha ha sii deyn
Waxse aan ku darayaa
Dumiyaay dhisaa xiga
Isdilana isdaayaay
Duul maalin kala diday
Dib waa kii isdoontaa
Waxaa iga dardaarana
Haka daalin weligaa
Inaad waano daacada
Dadka ugu yaboohdaa.

 

Waxaa curiyey: Axmed Xaayoow Macoow.Haayow

SHEEKOOYIN