QURBAHA WAA LAGU CARUUROOBAY! W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

sheeko

 

SHEEKO GAABAN



Aniga oo ku nasanaya qayb lagu nastoo oo Hotel aan ka daganaa Dubai ah ayaa waxaa si lama filaan ah usoo galay laba Qof oo Soomaali ah oo aan ku qayaasay da’dooda markaa 60 ilaa 65 sano.
Odayga wuxuu u muuqday in uu magaalada xoogaa joogay amaba uu daganaa, islaantase markaas ayay kasoo dagtay Airportka, waxaana wajigeeda ka muuqday Argagax iyo Tiiraanyo aad u daran.
Anigu Sheeka kale ayaan iskaga jiray, balse, dadka aan sheekada wadaagaynay iyo aniga waxaa hal mar nasoo jiitay Dareenka argagaxa ku dhisan ee markaa ka muuqday Hooyadaas soomaaliyeed, waxayna markaa Taleefon kula hadlaysay mid ka mid ah caruurteeda oo kula dar daarmayay in safarkeeda hakiso, iyo iyada oo dhahyso ma baxayo hooyo waan joogayaa walaahi, “dont worry my baby i am gonna be here, even, i can came back to Uk.
Waxaa igu dhashay dareen ah in hooyadu ay soomaalia u socotay oo soomaaliyana wax fiican aan laga soo sheegin, balse goobta ay tahay ma ogayn, isla markiiba waxaan la kala baxay telkayga oo aan datada dib u shiday si aan u ogaado waxa soo kordhay iyo halka ay kasoo kordhayn.
Markii aan kala furay waxaaba iisoo baxay Hotel Maka al mukarama ayaa Dablay hubaysan gashay, Dad bayna gudaha ku haystaan, ma jeclaysan warkaas kasoo yeeray Muqdisho, balse waxaan ka yaabay Jawiga ay maamadaas ku sugnayd oo u ekaysiinayay in Soomaaliya ay Quwado kale soo weerareen, oo waddankii oo dhan uu holcayo aana la aadi karin, lagana soo bixi karin.
Runtii dadka qaar sida ay u muujiyaan dareemadooda waxaad is leedahay qofba ma noolaa, waxaan la yaabay haddii ay u socotay Muqdisho oo goob yar oo ka mid ah dhibaato ka dhacday ,ma waxay la macna noqonaysaa in safarkeeda oo dhan oo muqdisho ama ay soomaaliyaba ku aadi lahayd uu meeshaas ku baaqdo? 
Dadkeena qaar waxayba u dhaqmayaan sida dad Ajnabi ka ah Waddankooda, lama yaabeen Nin aan u dhalan Soomaalia haddii uu oran lahaa warka ay hooyadaas iyo saygeeda iyo ilmaheedaba isku jiibinayeen, ee ahaa in Amaanka Waddanka uusan fiicnayn, sidaa darteed la doonayo in safarkeeda Soomaalia ay kansasho!
Intii aan meesha ku fadhinay ayaa hal mar wada yaabtay markii ay arkeen taleefonada iska soo daba dhacayay iyo hadalada aan la yaabay ee islaantiis iyo ninkeeda ay kula hadlayeen caruurtooda, waxaa ka mid ah dont worry baby, i will be here, i will not go to Somalia. by by by baby, love u and  kiss u, kkkkkkkkkkkk hadaladaas ma ahan in aan mucaaradayo ama aan xumaynayo, balse, ma ahan hadala mudan in la isticmaalo waliba loo isticmaalo qof laga yaabo in uu isaguba reer leeyahay oo uu Aaba yahay ama Hooyo ay tahay.
Waa hadalo runtuu dhaqankeena aan ka mid ahayn, dhaqankeena waa dhaqan wanaagsan oo mar walba muujiyo karti iyo ad adaeeg kalsooni muujinaya, hadaladaas waa hadalo ay dad kale leeyihiin sida Dadka Caddaanka ah, wax raad ahna kuma lahan Soomaalida.
Waan ogahay in qaarkiin aad lasoo boodi doontaan maxaa ku jaban?
Waxaa ku jaban, ma ahan qaab aynu leenahay in aan love u baby oo ingariis ah aan awlaaddeena kula tacaamulno, haddii hadalo naxariis ah la isku gudbinayo miyuu afkeenu lahayn Erayo naxariiseed?
Waxaan aad uga xumahay dadka da’daas jira ee qaabkaas u dhaqmaya, bal ka waran caruurta meesha ku kortay, iyo kuwa ayaga oo aan aqoon ku filan lahayn meesha tagay? Siduu noqonayaa Aayahooda dambe.
Kalimadaha loo isticmaalo Caruurta iyo kuwa loo isticmaalo dadka koray mar walba waa kala duwan yihiin, Umad walbana waxay leedahay qaab u hadalkeeda, waxaan dhihi lahaa qaabka korriimadeena haba iska tabar xumaado oo Nolol adag hala soo maro, balse, mar walba wuu ka wanaagsanaa qaabka Qurbaha.
Waxaan dhihi lahaa Waalidka ilmaha ha kula dhaqmaan qaab soomaaliyadeesan, ee yaan lagula dhaqmin qaab Galbeedsanaysan micnaha Qurbaysan, taas haddii ay sii socotana waxaa sii nabaad guurmi doono qaabkeena nolosha iyo umad ahaanba dhan walba, mana u malaynayo Qof maanta ku faraxsan in uu jirayo in sidaa ay dhacdo.

W/Q: Mohamed Musa Shiikh Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN