Waayihii la soo maray aan wax kaaga sheego!

Xasan Kaafi

Waayihii  la’soomaray wax aan kaaga sheego?

Waxaan garaadsaday iyada, oo dalka ay ka jiraan dagaallo sokeeye, dhulkuna uu u kala qoboban yahay hoggaamiyeyaal qabiil,       Magaalada waxaa ka muuqday burbur lixaad leh waxaanse uheystay inay u ekayd muuqaal ahaan waligeedba sidaan uu wadanka oo dhami ahaa,  oo aanba habeen cid nabad ku seexatay jirin,   mararka qaarna dadka waayeelkaa waxaan ka maqlayay in Soomaaliya ay mar soo martay wax la yiraa barrisamaad,   Dalkuna uu lahaan jiray dowlad mugweyn, oo caasimada Muqdisho ay mar ahaan jirtay goobaha aduunka ugu nabada badan, laakin waxaas oo dhan waxaan u arkaa riyo iyo dhalanteed ama dad ka sheekeynaya sheekadii Dheg dheer iyo Arraweelo

Magaaladu waa nabad sida aniga ay ila tahay mar mar waxaan maqlaa dhawaqa risaasta iyo hugunka madaafiic laga ridayo meel qiyaastii ku beegan, xiro ceedamo ka amar qaata nin ka mid ah hoggaamiyeyaasha caasimadda ku sugan, cabsi iyo walwal sida u weyn kama qabo madaafiicda aan loo meeldayin ee habeen iyo maalin dhaceysa, waayo waa marxalad aan ku dhashay kuna ilma dhalay kuwii aan ku dhalana ay ciidan leeyihiin.

Dhoof ma aadin dalkana meelna ugama bixin gurigii aan ku dhashay ma dhaafin, magaalada Af-gooye oo sodon KM ii jirta waxaan tagay tiro laba jeer, oo kaliya labadana waxaan u aaday mar aan

Dan iyo arrimo aan uga maarmi waayey inaan tago, mar waxaan ka soo iibsanayey xoolo, isugu jira Adhi iyo geelba oo aan ugu dan lahaa “ Alla Bari ama Xus” iyo mar aan ciyaar kubbada cagta u aaday oo ciyaari halkaa nagu dhexmareysay koox ka tirsan deegaanka Afgooye, Qof ahaan ma ahayn dadka socodka badan ee waxaan ahaa kuwa Soomaalidu u taqaan, dadka Cagta gaaban.

Dhimmashada iyo geeridu waxeay ila aheyd ,wax iska caadi ah,   oo aan dareen murugo leh iyo mid cabsiyeed midna igu beerin , waxaayney naftaydu u arkay wax ka mida nolosha caadiga, ah, Sida Arooska, Dhalashada, Safarka iwm. waayo waxaan maqlaa hebel waxaa dilay xabad wiifta ah, hebelna waxaa ku dhacay madfac habaaw ah,   hebel kii daris ka ahaana waxa uu ku dhintay,   dagaal kii dhacay maanta galinkii hore,   kii galin kii danbe dhacayna waxaa ku dhaawacmay hebel hebel kii daganaaa xaafad hebel, oo kamid ahaa kooxdii   buulo heblaayo, in badan waxaan ka daba dhuuntay gawaaridii qaadeysay meydka waxaana mararka qaar dhacayay in la’sameeyo, xabaalo wadareed, maadaama dadka dhintay aan lakala garaneyn meyd’kooda dadkaasi waxaa ku jiray qoys dhan, oo saakay soo nabad toosay maantana si nabad ah iyaga, oo kuwada cunteynaya garneyl soo habaabay uu Ku habsaday. Taasi waxey meesha ka saartay cabsidii waxaam isku badalay aniga dhanba qof ka damman farqiga u dhaxeeya Nabadda iyo Colaada iyo qiimaha ay kala leeyihiin, sidoo kale aan ka digiigixayn dhibaatooyinka iyo Aafooyinka ku hareereysan oo aan beer naxa laheyn, noloshuna macno weynba u lahayn maadaama qob iyo qacda lagu caano Maamo nabadna aanan aqoon?

Dadku waa kala maan, dadka qaar marka looga sheekeeyo, Meerayaasha dunida, ee aan dhulka ahayn, qaarkoodna looga sheekeeyo in dayaxa dad aadane ahi deegaan ka dhigteen, waxay ku noqotaa riyo iyo mala awaal.

Haddaba Dhallinta ku garaadsaday sideydoo kale, Dowlad la’aan, Nabad la’aan, wadan aan nidaam lahayn, waxaay la tahay sheekada ay ka sheekeeyaan dadka kale, Caddaan iyo madoowba wax khiyaal ah oo dhallanteed ah marnaba aanu qofna rumaysan karin.

Hadduu Berisamaad jiray, Berixumaadbaa ka dabamarey, balse ujeedka qoraalka ayaa ah, yaa u garnaqaya, 25 jirka ama 30 jirka ku barbaaray dhibkaas, iyo 45-65 soo maray, Badhaadhe iyo barwaaqo waddan ah oo leh, Nidaam iyo kala dambayn?

Xasan Kaafi Maxamed Xalane.

Xasankaafi334@gma.com

SHEEKOOYIN